SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Shiinaha oo $500,000 ugu Deeqay Adeegga Caafimaadka Soomaaliya
  • Muftiga Sheikh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo Socdaal ku Maraya K/Africa,
  • Kaalmo lacageed ka timid jaaliyada somaliyeed ee norwey magalada oslo oo maanta la gaarsiiyey ispitaalda dayniile iyo madiino

Shiinaha oo $500,000 ugu Deeqay Adeegga Caafimaadka Soomaaliya

Warsaxaafadeed ka soo baxay hay'adda Caafimaadka Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan WHO ayaa shaaca ka qaaday in dawladda shiinuhu ay dadka Soomaalida ugudeeqday lacag dhan nus-malyuun doolar ($500,000) oo loogu talo galay in lagu kaabo adeegga caafimaadka.

Saxiixa lacagtaas lagu wareejiyey WHO oo dhacay Janaayo 22, 2008 waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Shiinaha u fadhiya kenya, Mr Zhang Ming, iyo Dr Fouad Mojallid oo wakiil u ahaa WHO.

MUFTIGA SHEIKH MUSTAFA XAAJI ISMAACIIL HAARUUN OO SOCDAAL KU MARAYA K/AFRIKA, BOQOLAAL SOOMAALI AHNA MUXAADAROOYIN DIINI AH U JEEDIYEY.

Muftiga caanka ah ee soomaaliyeed, Sheikh Mustafa xaaji Ismaaciil haaruun, oo habeenkii xalay ahaa soo gaaray magaalada johansburg ee dalka K/Afrika oo uu uga bilaabanayo safar gaaban oo ku bixinayo magaalooyin dhowr ah oo dalkani ka tirsan oo eey soomalidu ku badantahay kadib dalab dadka ka yimid, ayaa caawo salaadii maqribka ka dib muxaadaro illaa 500 qof eey kasoo qeyb galeen ka jeediyey masjid jaamaca soomaalida dhawaan ka dhisatay johansburg.

Muxaadarada Muftiga oo si weyn looga soo qeyb galay, horeyna loo iclaamiyay, ayuu xooga saarey waxa eey diintu ka qabto midnimada iyo isku xirnaanshaha ummada, sheekha oo soo daliishanayay ayaadao qur'aan ah, xadiisyo nabiga (NNDH), ayaanan waqti baddan oga lumin in uu si daganaansho iyo miisaan ah u faahfaahinyo muhiimada midnimada, isagoo la xariirinayay xaalada iminka ka taagan dalkeena iyo meelo baddan oo aduunka ka tirsan. "marka aad umad kaliya noqotaan, oo aad garanataan waajibaadka ummada islaamka ah idinku leedahay, ayaad heer iyo hormar gaareysaan" ayuu yiri Sheikh Mustafa. muftiga yaa hoosta ka xariiqey in marka hore eey muhiim tahay in dadka soomaalida ah eey fahmaan waxa eey midnimadu tahay ka hor inta aad la midoobin, iyo sidoo kale fahamka waxa waxyeeleyn kara midnimada . "islaanimadu waa inaad immaan leedahay, imaankuna waa inaad mdinimadau illaalisaa, marka haddii eey islaanimadii iyo midnimadii sidaasi isugu xirantahay,muhiimad ceeynkee ah ayay leedahay midnimada" ayu yiri Muftiga.

"Waxaa la ii sheegey markii aan imid in dadka soomaalida k/afrika ku nool eey tiro ahaan dhan yihiin 20 kun illaa 15 kun oo qof, kaba soo qaad in aad 10 kun gaareysaan, haddii 1o kaa kun oo aad ogtahay tirada aad ka tihiin dadka aad ku dhexnooshihiin, aad danaihiinaka wada talisaan oo aad wax isku biirsataan, sow maadan noqoteen umad muuqata, tirada aad leedihiin muhiim ma ahan, ee waxaa muhiim ah in aad isku duubni idinka dhaxayso oo aad mid tihiin, tiro kasta lahaada". Muftiga oo hadalkiisa sii watay, isagoo hadal kasta daliil diini ah u keenayay " ayuu yiri quwad kasta oo islaam ah oo aduunka soo martay, oo burburtay marka aad taariikhda dib usii raacdid waxa burburiyay waa kala qeybsanaan iyo midnimo la'aan, midnimo daradu waa wixii islaamkii xooga lahaa ducfi ka dhigey maanta, wixii hanti uu lahaa faqri ka dhigey maanta, wixii uu dal lahaa xerooyinka ku ooday, oo wax kasta oo uu lahaa maanta waxbo kama jiraan ka dhigey".

Shekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haarun oo muxaadarada jeedinayay muddo saacad iyo bar ah, ayaa dadka soomaalida ah ee k/afrika ku booriyay in eey walaaloobaan oo eey ka shaqeeyaan danahooda halkani quseeya. "waxa soomaaliya ka jirra idinka idiin ma yaalo, rag kale ayuu u yaalaa, idinka ma yeeli kartaan in danaha halkani idinka yaala inaad wax ka qabataan, oo aad iskuulo dhisataan, jamciyad qurra yeelataan, masaajido dhisataan, dhalinyarada jaamacadaha sanadkiiba koox ka bixisaan. waxbo idin tari meyso inaad hadal heysaan arrimo meelo kale ka dhacaya oo idin kala qeybinaya". ayuu yiri.

Muftiga ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda tago magaalooyinka Port elisiberth iyo cape town oo eey soomalidu ku badan tahay, masaajido iyo malcamadana ku leedahay. halkaasoo sida la'ii sheegey si weyn looga sugayo, oo loo caaboon yahay. waa markii ugu horeysay oo sheekhu yimaado dalkani isagoo ku socda casuumad eey soomaalidu u fidisay, billo ka hor ayaa waxa sidoo kale yimid dalka Muftiga kale ee caanka ah Sh. maxamed Umal.

C/naasir Axmed SH. bashiir (saxansoxo). Email: saxansoxo1@hotmail.com. Tell:+27767059384. SomaliTalk.com, Johansburg Southafrica. Email: southafrica@somalitalk.com


Kaalmo lacageed ka timid jaaliyada somaliyeed ee norwey magalada oslo oo maanta la gaarsiiyey ispitaalda dayniile iyo madiino

Deeqdaan lacageed oo gaalraysay $1000 dooalrka maraykanka ah ayaa waxaa la gaarsiiyey bukaanada ku jira ispitaalda madiino iyo dayniile ee magaalda muqdisho .

Kaalmadaan ayaa waxaa iskla soo uruuriyey jaaliyada somaliyeed ee ku dhaqan dalka norey magaalada oslo kuwaas oo soo wakiishay cabduqadir jimcaale boore arintaas oo suurta galasey in ay casha cisman ugaas (caasha shaacuur ) ay u qeybsi deeqdaa lacageed bukaanda jiifa ispitaalda dayniile iyo madiina si ay wax uun ugu iibsadaan.

Ispitaalka madiina oo ay jiifaan dhaawacyo gaaraya 94 ayaa markii lacagtaa laga qeybinayey la keenayey dhaawacyo cusub oo isugu jira qaraxyo. Xabado iyo kuwa ka dhashay shilal baabur jawiga ayaa ahaa mid aad u kacsan ka dib markii la keenay dhaawacyo cusub oo ay sababeen maafiic ku dhacday agagaarka airporka dad deganaa maxaana la keenayey kuwo ka dhashay shil gaari oo kor u dhaafayey ilaa 10 ruux ,

Maamulka ispitaalka madiina ayaa ugu danbeytii ka mahadceliyey deeqdaan la gaarsiiyey maanta iyaga oo ugu baaqay shacabka somaliyeed in ay la soo gaaraan tabarucaad intaan ka badan ,

Sidoo kale ispitaalka dayniile oo ay hay.adda MSN French ka howl gasho ayaa waxaa bukaanadii jiifay la gaarsiiyey deeqdaan mid la mid ah waxaana ka gudomay maamulka ispitaalka dayniile oo uu hogaaminayey Dr xasan guutaale siyaad ,

Ugu danbeyntii waxaa hadalo mahadcelin ah iyo duco ka so jeedisay caasha cisman ugaas ( caasha shaacuur ) oo sheegtay in ay ka balanqaaday in ay gacanteeda ku qeybiso deeqdaan sidaana ay yeeshay ka dib markii ay gacanteeda ku qeybisay dhamaan lacgtii iyada oo aan waxba ka reebin si ay u gaarsiiso bukaanda ku jira ispitalda ay qorsheysatay oo ay ka mid ahaayeen madiina iyo dayniile waxyna garisiisay midkiiba $500

Kaalmadaan lacageed ayaa waxey si aad ah uga farxisay bukaanadii ka faaiiidaystay fursadaan waxeyna ilaah uga baryeen in meeshii laga soo qaaday uu ugu badalo wax ka qeyr badan ,

Arintaan ayaa ku aaday xili shacabka somaliyeed gaar ahaan dadka dagan magaalda muqdisho ay baahi weyn u qabaan gargaar bini aadannimo isla markaana ay la il daran yihiin dhawacyo kala duwan oo u badan xabado ,qaraxyo , iyo kuwo kale oo ay sababeen shilal baabuur xili ay si aad ah uga socdaan dagaalado daba dheeraday gudaha iyo dafaha magaalada muqdisho,

Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdsiho somaliya
0025215576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 23, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com