SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Madaafiic Lagu garaacay Villa Somalia iyo Garoonka Muqdisho
  • Faahfaahin: Isbahaysiga Dib u Xoraynta oo la Kulmay Midowga Yurub
  • Lacaga been abuurka ah ee lagu soo daabaco Puntland oo laga diidey G/Galgaduud
  • Rag ku hubaysan Tuute oo Dhac ka geysta Bedelweyne, G/Hiiraan
  • Dagaallo badan oo lagu jabiyay gumaysiga.
  • Dadwayne gumaysigu meelo kala duwan ku laayay
  • Jaaliyadda beesha mudulood ee dalka S/ Africa oo gudoomiye....

Madaafiic Lagu garaacay Villa Somalia iyo Garoonka Muqdisho

Ugu yaraan 5 madfac ayaa maanta (Arbaca Jan 23, 2008) ku dhacay meel ku dhow xarunta madaxtooyada guriga uu ka deggan yahay Col. Nuur Cadde xilli uu ka socdey kulan uu la leeyahay wafti ka socda Midowga Afrika.

Sidoo kale waxaa madaafiic lagu garaacay garoonka Muqdisho sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeen u hadlay ciidamada Midowga Africa ee jooga Muqdisho.

Lama oga khasaaraha ay geysteen weerarada lagu qaaday xarunta madaxtooyada iyo garoonka Muqdisho.



Bruxsells 22.01.2008: Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha fulinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya mudane Zakariye Xaaji Mohamud oo kulan la yeeshay Xafiiska gargaarka iyo bini aadanimada Afrika ee midowga Yurub.

Kulan muhiim ah ayaa shalayto ku dhaxmarey gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Fulinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyo xafiiska u qaybsanaha gargaarka bini aadanimada Afrika ee midowga Yurub oo ku yaal magaalada Bruxsells.

Waxaa kulankaas ka qayb galay mudane Zakariye Xaaji Mohamud oo wakiil ka ahaa Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, isagoo kulan la qaatey:

  • 1.Commissioner Louis Michel .
  • 2. Micheal Servon Officer of Horn of Africa desk.
  • 3. Jermy Lester Head of East Africa, Horn of Africa, Central Africa and Indian ocean.

Waxayna labada dhinac ka wada hadleen arimaha Soomaaliya oo ay ugu muhiim sanayeen, siyaasada, nabadgalyada iyo arimaha samafalka ama gargaarka.

Mudane Zakariye Xaaji Mohamud ayaa i sheegay waxyaabihii ay isla soo qaadeen madaxda EU - da

  • In dalka Soomaaliya gumaysi haysto, ciidamada Ethopia-na ay si sharcdi daro ah ku joogaan, kuna soo galeen Soomaaliya.
  • In ciidamada Ethopia iyo maleeshiyada Mbagathi ay ka gaysteen Soomaaliya xasuuq iyo dambiyo dagaal oo ka dhan bini aadanimada.
  • In Ethopia ku fashilantay mashruceeda qabsashada Soomaaliya kadib markii dadka Soomaaliyeed ka hor yimaadeen.
  • In Somaliya aysan ka jirin dowlad sharci ah, sidaa daraadeedna uu dalku xukumo Gabre oo ah Governerka Zenawi u fadhiya Soomaaliya.
  • In la furo maxkamad caalami ah oo baarta falgaboodka iyo tacadiyada dagaal ee ka dhanka ah shacabka ay ka gaysteen ciidamada Ethopia iyo maleeshiyada kooxda Mbagathi.

Waxyaabihii ay labada dhinac isla garteen waxaa ka mid ahaa:

Isbahayisiga dib u xoreynta Soomaaliya inuu yahay wakiilka ummada Soomaaliyeed ee halganka kala soo horjeeda ciidamada Ethopia ee haysta Soomaaliya.

  • In aan dadka Soomaaliyeed loo kala qaybin karin argagaxiso iyo qunyar socod ayna yihiin hal dad oo Soomaali ah walina Muslim ah.
  • In Ethopia joojiso xasuuqa ay ka gaysaneyso Somali Galbeed ama Ogadeniya iyo guud ahaan Soomaaliya, walina la baaro fal gabood yadaas.
  • In Ethopia ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya bilaa shuruud.

Midnimada Soomaaliya iyo Dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya inay tahay lama taabtaan.

Arimaha Kenya hadii dhibaatada iyo dagaalada ka sii socdaan inay qatar galayso nabadgalyada geeska Afrika, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in wax laga qabto madaama Qaxooti aad u badan oo Soomaali ah ku nool yihiin.

  • In midowga Yurub gargaar bini aadanimo oo deg deg ah la gaaro shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya iyo xeryaha qaxootiga Soomaalida ee Kenya.
  • In dadka Soomaaliyeed wadahadlaan isla markaana dhistaan dowlad rasmi ah ay iyaga doorteen, midowga Yurub na arinkaas gacan ka gaysto.

EU & USA in ay isla qaatan goaanadaan walina fuliyaan iyagoo isku aragti midaysan ka ah arimaha Soomaaliya.

Ugu dambayntii waxaa lagu balamay in ergay rasmi ah oo ka socda midoowga Yurub uu boqasho rasmi ah ku tago magaalada Casmara si u ula kulmo madaxda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, waxaa kale oo xusid mudan in mudane Zakariye Xaaji Mohamud iyo madaxda EU ee gargaarka bini aadanimo Afrika inay ku balameen in ay is arkaan mudane Jovar Solana si arimaha laga wada hadlay oo la isku wada af gartey horey loogu sii wada ambaqaado.

Gudoomiye ku xigeenka golaha fulinta ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya mudane Zakariye Xaaji Mohamud ayaa ku gabagaboobay guul iyo is af garad.

Dhamaad
Isha: Wargal


Lacaga been abuurka ah ee lagu soo daabaco maamul goboleedka Puntland ayaa laga diidey degaano katirsan gobolka Galgaduud,

Lacaga been abuurka ah ee lagu soo daabcao maamul goboleedka puntland ayaa Talaadaddii laga diidey degaano katirsan gobolka Galgaduud, arinkaasii waxuu saamayn weyn ku yeeshay dhaqdhaqaaq ganacsi ee degaanaaasi iyadoo si weyna looga dareemay goobaha ganacsiga iyo suuqyada xoolaha lagu iibisado.

Sicirka maciishada qutul daruuriga ayaa suuqyada degmada Dhusamareb iyo qaar ka mid degaana gobolka Galgaduud ka gaarey halkii ugu sareysey, iyadoo arinkanina loo aanaynayo kadib markii ay suuqyada gobolkani ay buux dhaafiyeen lacagaha been abuurka ah oo sida la sheegay lagu soo daabaco degaanada maamul goboleedka Punt land.

Samaynta lacagaha been abuurka ayaa sababtey in qiimaha lagu sarifo dollarka mareekanka uu cirka isku shareero, sidoo kale ganacsatada degaano ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa diiday qaar ka mid ah lacagaha 1000 ka shilin somaliga ah, waxayna sheegeen lacagahani cusub inay been abuur yihiin.

Arinka diiditaanka lacagaha faalsada ayaa looga gol leeyahay in laxakameeyo sarakaca xowliga ah ee ku yimid maciishada qutul daruuriga, iyadoo aysan jirin warcad oo ay ka soo saareen, arintani maamulada ka arimiya guud ahaan gobolka Galgaduud, dhanka kale waxaa isi soo tarayso cabashada ka imaanaysa shacabka ku nool gobolkani iyadoo ay ka mid yihiin dadkii ka soo barakacey rabshadaha ka soconaya magaalaa muqdisho.

Rag ku hubaysan Tuute oo Dhac ka geysta Bedelweyne, G/Hiiraan

Rag ku hubeysan qoryaha fud-fudud iyo bistoolado oo ku libisan dareeska ciidamada ayaa dhac ka geysanayo xiliyada beenkii gudaha magaalada b/weyen ee gobolka hiraan taa oo ay dhib aad u weyn ku qabaan dadka ku dhaqana magaalada.

Sida uu warka inagu soo gaarsiinaya wariye Ilyaas Axmed Cilmi oo ku sugan magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa cabasho aad u balaaran ka mujiyay rag iyagu ku libisan dareyska ciidamada oo xiliga habeenkii ah dhac iyo boob ka geysanaya marka ay hoyanayaan dadka shacabka ah kuwaasi oo ka qaata waxa ay wataan sida Mobillada iyo lacagaha iyo waxii kale oo ay siteen.

waxaana ugu daran xaafadaha howl-wadaag iyo buundo weyn ee Degamdan B/weyne waxaana dadka deegaankaasi ay cabasho ka muujiyeen dhaca sidan oo kale ah oo ku soo badanaya guud ahaan magaalada B/weyne.

Cabdiraaxmaan Cali Xassan oo ka mida dadka deegaanka isla markaana ku jiray dadkii laga qaataya waxa ay siteen ayaa warbaahinta sharaxaad uga bixiyay waxyaabihii uu kala kulmay ragaasi ku libisanaa dareeyska Ciidamada, waxaana uu sheegay in xalay abaaro sagaalkii fidnimo laga qaatay wixii uu watay oo dhan islamrakaasina handadaad iyo garaac loo raaciyay waxuuna c/raxmaan ka codsaday maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada in sida ugu dhaqsiyahabadan wax looga qabto arrintani.

Saraakiisha Amaanka ee magaalada B/weyne oo wax laga weydiiyay arrimaha burcadan baarata dadka shacabka ah ee ku soo kordhay degmada B/weyne ayey ka gaabsadeen in ay wax war ah ka bixiyaan balse waxaa ay ku gaabsadeen in ay wax ka qabanayaan taasina ma muuqato haatan.

Falalka Amaan xumi ee ka dilacaya magaalada B/weyne ee gobolka hiiraan ayaa ku soo beegmay xili magaalada ay ku sugan yihiin Ciidan Booliis ah oo loo tababaray in ay sugaan Amaanka Magaaladaasi inkastoo aanu jirin wax dadaal ah uu muuqdo ilaa iyo iminka oo ay wadaan ciidamadaasi.

Abdulkarim Mohamed Jim'ale
Mail:muxsin55@hotmail.com


Barnaamijkii Radio Xoriyo
22 January 2008.

Dagaallo badan oo lagu jabiyay gumaysiga.
Dadwayne gumaysigu meelo kala duwan ku laayay
Shir lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada
Wiil lagu magacaabo Dhakool Muxumed Deeq oo maanta lagu diley Koonfur Afrika
Magaalada Jigjiga oo wiil oo Ardey ah guryahooda lagala baxay
Barnaamijkii Xog-Warran (Marxaladaha halgan soo maro iyo midhaha ka dhasha).
======================

Dagaallo badan oo lagu jabiyay gumaysiga.

Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si wayn loogu naafeeyay ciidammada saama la-luudka ah ee gumayisga Itoobiya. Dagaalladu waxay u dheceen sidatan;

19/01/08 dagaal adag oo ka dhacay Biya-khadhaadhe, oo ka tirsan degmada Sagag, waxaa gumaysiga lagaga dilay 8 askari, 11 kalana waa lagaga dhaawacay.

18/01/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Yucub, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

17/01/08 Cali San-cad, oo degmada Dhuxun ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay hal baabuur oo Uuraal ah, kaasoo ay ciidammada gumayisga kaga dhuinteen in ka badan 50 askari.

15/01/08 dagaal ka dhacay Maygaag-dheere, oo Fiiq ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

14/01/08 waxaa sidoo kale weerar gaadmo ah loo gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tegay Carra-jiif, oo ka tirsan degmada Dannood, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

13/01/08 dagaal adag oo ka dhacay La-helow iyo Waafdhuud dhexdooda waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 20 askari, 13 kalana waa lagaga dhaawacay.

Intii u dhaxaysay 13 – 18/01/08 waxaa weerarro mir ah loo gaystay ciidammo gumaysiga ka socda oo hawlgal u tegay Dusmo, waxaana weerarradaas loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin. Ciidammada gumaysiga ayaa Dusmo ka cararay, ka dib markii weerarradaas aan kala joogsiga lahayn loo gaystay.

12/01/08 Garbo-qudhun, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay, lamana oga khasaaraha weerarkan ak soo gaadhay.

11/01/08 waxaa weerar mir ah loo gaystay ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Dhagax-madow, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Isla 11/01/08 dagaal ka dhacay Xabaal-wadaad, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay. Waxaa sidoo kale isla taariikhdan weerar gaadmo ah loo gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Gobayo, oo Fiiq ka tirsan, lamana hayo khasaaraha gaadhay.

10/01/08 dagaal ka dhacay Dhiddin, oo Doollo ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 10 askari, 11 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 10/01/08 Ceeley, oo Doollo ka tirsan, waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u joogay, waxaana laga dilay 5 askari, 3 kalana waa laga dhaawacay.

09/01/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Dhuxun, waxayna u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Sidoo kale 09/01/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhiga magaalada Gunagado, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

08/01/08 waxaa weerar mir ah loo gaystay ciidammada gumaysiga ee fahdigoodu yahay magaalada Gunagado, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

06/01/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar ku qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tegay Moordhe, oo Gurdumi u dhaw, waxayna weerarkaas kaga dileen 3 askari, 2 kalana way kaga dhaawaceen. Isla taariikhdan kor ku xusan ayaa ciidammada gumaysiga lagu weeraray Gurdumi gudaheeda, waxaana lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

05/01/08 weerar lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan Dig, waxaa lagaga dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 05/01/08 waxaa weerar mir ah loo gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tegay Laas-galool, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

04/0108 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Horo-haween, oo degmada Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 04/01/08 dagaal isaguna ka dhacay Geed-dheer, oo Dig u dhaw, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 10 askari, 5 kalana waa lagaga dhawacay.

Sidoo kale 04/01/08 waxaa Dhukullaale lagu qabtay askari ka tirsan ciidammada gumaysiga, kaasoo ka fiigay ciidammadii uu la socday.

Dadwayne gumaysigu meelo kala duwan ku laayay


Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo gobollada Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dadwayne rayad ah oo aan waxba galabsanin.

19/01/08 Garbo-libaax, oo Iimey ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Axmed Muqaddin Raage.

14/01/08 Fardhiig, oo Qabridaharre ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen labo nin oo shacab ah oo kala ah;
1- Maxamed Xuseen Bile iyo
2- Nin kale oo magaciisa aanaan haynin.

Sidoo kale 14/01/08 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen meesha lagu magacaabo Carra-jiif 6 qof oo shacab ah. Dadkaas waxaan magacyadooda helnay;
1- Dhagawayne Biixi Wayne iyo
2- Maxamuud Axmed Bile.
Afar qof oo ka mid ah dadka meeshan lagu laayay waxay ahaayeen safar, waxayna ciidammada gumaysigu ka dhaceen wixii hanti ahaa ee ay wateen.

11/01/08 Magaalada Caado waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Ina Cabdi-Cadde Maxamed oo magaciisa hore aanaan haynin.

10/01/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Uubataale, oo gobolka Doollo ka tirsan ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Dhabbar Faarax Jaamac.

Sidoo kale 10/01/08 magaalada Garloogube waxay ciidammada gumaysigu ku dileen gabadh lagu magacaabo Xamdi Daahir.

06/01/08 Limaad, oo ka tirsan degmada Godey, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen labo nin oo dhacab ah, waxayna kala yihiin;
1- Ina Cali Hirmooge oo magaciisa hore aanaan haynin. Ninkan waxay sidoo kale ka qaateen Qori BKM ah.
2- Ina Ciise oo isagana magaciisa oo buuxa aanaan haynin.

Shir lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada


Maalintii sabtida ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 19/01/08 waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen dumarka reer Ogaadeenya eek u dhaqan magaalada Toronto iyo nawaaxigeeda. Shirkan waxaa lagaga hadlayay sidii ay dadwaynaha reer Ogaadeenya ee deegaankaas ku dhaqan u sii xoojin lahaayeen taageerada ay u fidiyaan halganka ay ummadoodu ugu jirto aaya ka-tashigeeda.

Shirkan waxaa warbixin aad u qiimo badan oo meelo badan
Taabanaysay ka jeediyay Dr C/raxmaan Yuusuf oo ka xog-warramay cadaadiska naxariis darrada ah ee gumaysiga Itoobiya ku hayo dadwaynaha Ogaadeenya iyo sida ay cunaqabatayntu u saamaysay nololsha asaasiga ah ee dadwaynaha.

Waxaa iyaguna shirkan hadallo aad u qiiro badan oo dhaqaajiyay dareenka ka qayb galayaasha ka soo jeediyay qaar ka mid ah hooyooyinkii shirka ka soo qayb galay, kuwaasoo dadwaynaha ku dhiirri galiyay inay ka dhidhiyaan dhibka lagu hayo dadkooda, isla markaana ugu baaqay inay caalamka gaadhsiiyaan dhibaatada uu gumaysigu ku hayo dadwaynaha Ogaadeenya.

Shirku wuxuu bogaadin u soo jeediyay madaxda JWXO iyo CWXO oo dadkooda si fiican uga caabiyay ciidammada hororka ah ee gumaysigu soo dhoobay dalka Ogaadeenya.


Wiil lagu magacaabo Dhakool Muxumed Deeq oo maanta lagu diley Koonfur Afrika


Jan 21, 2008 Maanta abaarihii 11 subanxnimo ayay tuug hubaysan oo koonfur-Afrikan ahi weerar kusoo qaadeen tukaan oo wiil Soomali ahi lahaa oo kuyaala Tuulada Sinoorisbaas oo u dhow magaalda Capte Town ee Gobolka Western Cape, waxayna toogasho ku dileen Alle ha u naxariistee Dhakool Muxumed Deeq oo tukaanka ka shaqaynayay.

Sida warku sheegayo Dhakool ayaa waddanka joogay muddo yar oo aan 2 bilood dhanayn. Alle ha u naxariistee Dhakool ayaa lafilayaa in Barri maydkiisa lagu aaso magaalada Cape town.

Toddbaadkii hore ayay ahayd markay dad Konfur-Afrikan ah oo ka cadhaysan dil loo gaystay nin tuug ahoo wadanka u dhashay ay boobeen 32 tukaan oo ganacsato Ssoomaali iai ku lahaayeen Tuulada Jefresbey oo 70 KM u jirta magaalda madaxda Gobolka Eastern Cape.

Dhanka kale:magalada Dhagaxbuur ayaa lagu xidh-xidhey Odey dhaqameedyo. Xadhigan oo galay maalintii 5aad ee Odayaasha xabsiga loo taxaabayo ayaa waxa uu ku sal leeyahay dalab ay saraakiisha Itoobiya iyo Maamulka dabaqoodhigu ku amreen Odeyaashu in ay keenaan maleesjiyaad uu u dhan yahay hubkoodu oo laga horgeeyo Jabahada ONLF

Arinkan ayey Odeyaashu ku gacan sayreeen in ay ka qaybqaataan, taas oo keentay in xabsiga loo taxaabo kuwa badan oo iyaga ka mid ah.

Hadaba waxaa ilaa hada na soo gaadhey magacayadan oo aaney qaarkood dhameystireyn;
Xaaji Nuur (Waa la sii daayey wax yar kadib)
Maxamad Axmed
Maxamed Xaashi


Magaalada Jigjiga oo wiil oo Ardey ah guryahooda lagala baxay


Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in 21-01-08 7:00PM fiidnimo ee sacada Jigjiga guryahooda lagala baxay 7 Wiil oo Ardey.

Magacayadan wiilashana oo aan dhameystireyn ayaa waxa naga soo gaadhey 4 ka mid ah oo kala ah;
Daarood Ismaaciil
Maxamuud
Cabdi Casiis
Cabdi Madoobe Yuusuf
Sida warku sheegayo Cabdi Madoobe Yuusuf ayaa la soo daayey kadib markii laga qaatey waraaqaha aqoonsiga.

Magaalada Jigjiga ayey Ciidamada Itoobiya ka wadaan hawlgalo ka dhan ah dadka shacabka ah, iyagoo oo maalmahan ay magaaladaas ku sugnaayeen saraakiil sar sare oo ka mid ah Xukumada Itoobiya

22 January 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari


Jaaliyadda beesha mudulood ee dalka S/ Africa oogudoomiye .

Dalad ay ku midaysan yihiin jaaliyada beesha mudulood ee ku sugan dalka south afrika gaar ahaan magaalada keptown ayaa loo doortay in uu gudoomiye ka noqdo Mudane Abshir Shiiraar waxaana sidoo kale la magacaabay gudi ka kooban ilaa sagal xubnood kuwaasoo la ashaqeyn dono gudoomiye Abshir Shiiraar oo mar uu dhawaan la hadlayey saxaafada sheegay in ujeedada ugu weyn ee loo aasaasay cuminitigaan ay tahay sidii ay isaga kaashan lahaayeen wixii dhib ah ee soo gaara uguna midoobi lahaayeen daladaan cusub suurta galna ay tahay in ay ku midoobaan xubnaha beesha mudulood ee ku sugan dalka S/Africa isla markaana isaga war hayaan xaaladahood guud

Abshir shiiraar "waxaan balan qaadayaa in aan ku dadaali doono sidii aan meel isugu keeni lahaa xubnaha beesha mudulood ugana dhigi lahaa kuwo meel wax isula wado”

gudoomiyaha cusub Mr shiiraar ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen qaar ka tirsan xubnaha beesha mudulood ee ku sugan dalka S/Africa ku doortay Gudoomiye cusub Abshir shiiraar wuxuuna noqon doonaa gudoomiyihii ugu horeeyey oo ay yeelato jaaliyada beesha mudulood ee S/Africa,

waxaanu jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, isagoo ka hadlay Gudoomiyuhu sida mustaqbalka u hagi doono Golaha iyo arimo kale oo dhawr ah sidoo kale wuxu sheegay in ay beeshu ku tala jirto sidii ay meel isugu keeni laheyd beelweynta somaliyeed loona dhisi lahaa gole ay ku mideysan yihiin dhamaan dhinacyada ay ku abtirsadaan umada somaliyeed

xafladaas oo socoto muddo dhowr saacadood ayaa ku dhamaatey jawi aad u heer sareeya,

gabagabadii xafladaasi caleemo saarka ah ayaa waxaa looga mahad celiyey qabanqaabiyayashii iyo dhamaan dadkii ka soo qeyb galey iyo xubnaha ganacsatada S/Afrika waxana ka xusi karnaa

1) C/waaxid maxamed Cali ,
2)cabdi yare,
3)maxamed muuse (deeq deeerow)
4)xaaji maxamuud rooble,
5) sh, yuusuf jiirow,
6)C/laahi Axmed cali shiine ,
7) Daahir maxamed Cali,
iyo dhamaan inta gacanta ka geysatey,


Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
0025215576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 23, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com