SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Kooxo Hubeysan oo caawa (oo talaado soo geleysey) maqribnimadii nin ku dishey degmada Caabudwaq ee gobolka Galgaduud.
  • Dr. Zakariye Xaajo oo Isniintii Brusells kula kulmay Midowga Yurub
  • Muqdisho: Hay'adda Al-manhal oo Deeq Raashin Gaarsiisey
  • Dagaal U Dhexeeya Muqaawimada Iyo Ethiopianka Oo Mar Kale Isniintiika dhacay  Suuqa Xoolaha Ee Degmada Huriwaa .

Kooxo Hubeysan oo caawa (oo talaado soo geleysey) maqribnimadii nin ku dishey degmada Caabudwaq ee gobolka Galgaduud.

Jan 22, 2008: Ninkani ayaa lagu magacaabi jirye Bashiir Jaamac Gurbo laguna naynaasi jiray "Wadaad yare" isagoo caan ka ahaa magaaladaasi Caabudwaaq waxaana kooxo hubeysan ay caawa maqribnamadii ku dileen magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

sababha loo diley nikaasi ayaa la sheegyaa inay ahay aano qabiil inkastoo aanan la xaqiijin, xaalada magaalada Caabudwaaq ayaa kacsanayd goortii la dilay nikaasi inakstoo iminka ay yara degantahay.

Bashiir Jaamac Gurbo (Wadaad yare) oo ahaa ninka la diley ayaa ka mid ahaan jirey saraakiishii ciidamadii Booliska ee maamulkii allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, isagoo ahaa markii ay dhacaysay xukuumadii siyaad bare taliyaha qaybta boliska gobolka bay, inkastoo iminka uusan ka shaqaynin hawlaha ciidamada ahaana qof u ololeeya dhinaca nabada iyadoo si weyn ay uga naxeen dadka ku nool magaalada caabudwaaq dilka marxuumkaasi ayna cambaareeyeen.

Abdulkarim Mohamed Jim’ale (Muxsin)
Mail: muxsin55@hotmail.com


DR.ZAKARIYE XAAJI MOHAMUD OO ISNIINTII KULA KULMAYA MAGAALADA BRUXSELLS MIDOWGA YURUB.

London 21.01.2008. Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha fulinta Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Dr. Zakariye Xaaji Mohamud ayaa maanta kulan kula leh midowga Yurub magaalada Bruxsells.

Dr.Zakariye Xaaji Mohamud ayaa shalayto soo gaarey magaalada London, isagoo ka soo kicitimay magaalada Casmara soona marey magaalada Dubai, isagoo u sii jeeda dalka Biljamka.

Mudane Zakariye Xaaji Mohamud oo aan kula kulmay magaalada London ayaa isheegay inuu wadahadal la leeyahay midoowga Yurub xafiiskooda ku yaal magaalada Bruxsells ee dalka Biljamka,mudanaha ayaa isheegay inay ka wada hadli doonaan masuuliyiinta mashaakilka ka taagan arimaha Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Mudane Zakariye ayaa sidoo kale cadeeyay inay xiriir wanaagsan la leeyihiin midowga Yurub, United Nations iyo beesha caalamka.

Waxaa iyana xusid mudan in Midowga Yurub uu mar hore dhaqaalihii u soo marsiin jirey UNDP ka jarey kooxda Mbagathi,kadib markii Baarlamankii ku kala jabay qabsashada Soomaaliya ee Ethopia.

Waxaa jira dadaalo badan oo ka soconaya meelo badan oo ku waajahan dhibaatada gumaystaha iyo kuwa uu ku adeegto ka wadaan Soomaaliya sidii loo soo afjari lahaa.

Waxaana iyana muuqata in beesha caalamka ay si wayn u doonaysa in ay wax ka qabtaan arimaha Soomaaliya,kadib markii Ethopia ku fashilantey qorsho dowlada Mareykanka ku doonaysay inay kaga taqaluusto maxkamadaha Islaamka ee Soomaaliya,sababta fashilka ayaa ugu wacan tahay in dadka Soomaaliyeed aysan marnaba aqbali karin in Ethopia dalkooda haysato, iyadoo marmarsiiyo been ah ka dhiganeysa waxaan caawinayaa u adeegayaasheeda Soomaalida muuqa ka ah qalbigana ka ah adoonta,taas oo keentay in halsano oo iska caabin buuxda ah ay kala hortageen shacabka Soomaaliyeed gumaysiga iyo kuwa ay wadato.

Waxaa soo dhaw guushii Soomaaliya madaama beesha caalamka hada waxay wadaan qorsha yaal ka duwan kii markii hore ay wateen.

Waxay idin soo gudbin doontaa safarka gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya uu kulamada u la soo qaato Xafiiska midowga Yurub ee Afrika.

Isha warka: Wargal


HAY’ADDA Al-MANHAL OO DEEQ RAASHIN AH GAARSIISAY QAAR KAMID AH DADKII KA BARA KACAY DAGAALLADA MUQDISHO

21- December- 2007

Hayadda Samafalka Ee Al-Manhal ayaa Waxay Deeq Raashin ah gaarsiiyay dadka ku barakacay dagaallada Muqdisho ee ku dhaqan inta u dhaxeysa Muqdisho & Afgooye , deeqdan ayaa Hay’adu gaarsiisay dadka ka soo barakacay dagaalada ee ku nool xeryaha qaxootiga ee ku yaala Ceelasha Biyaha.
Deeqdan oo ka koobneyd bariis , Bur , Sokor iyo saliid ayaa waxaa ka faaideystay 650 qoys oo ku nool xerooyinkaas . ayadoo qoys kasta uu helay 12.5kg Bariis ah ,12.5kg Bur ah , 12.5kg Sokor ah iyo 6 liitar oo Saliid ah

Lacagta lagu hirgeliyay mashruucan waxaa ku deeqay walaalaha ku nool dalka kuweyd.



Baaq & Mahad celin

Hay’adda Samafalka ee Al-Manhal waxay u mahad celinaysaa dhammaan dadkii gacanta ka geystay deeqdan waxayna Ilaahay uga baryaysaa in uu ugu daro miisaanka xasanaatkooda.

Sidoo kale waxay Hay’adu ugu baaqaysaa jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo ganacsatadaba in ay u istaagaan kaalmeynta walaalahooda dhibaataysan .

Wixii faahfaahin ah kala xiriir emaillada Hay’adda :-
almanhal@hotmail.com, almanhal1@hotmail.com almanhal@globalsom.com

Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
0025215576666
002521653623


Dagaal U Dhexeeya Muqaawimada Iyo Ethiopianka Oo Mar Kale Ka Qarxay Suuqa Xoolaha Ee Degmada Huriwaa .

Jan 21, 2008: Dagaal Xoogan oo Laysu Adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay Deegaanka Suuqa xoolaha ee magaalada muqdisho halkaasoo ay ka dheceen khasaaraha dhimashada ilaa 3-qofood oo rayid ah halka dhaawacana lagu sheegay ku dhoiwaad 4-qofood.

Dagaalkan oo u dhexeeya xoogaga diidan siyaasada dowlada KMG ah iyo Joogitaanka Ciidamada Shisheeye iyo ciidamada Ethiopia ayaa ka Bilowday ka dib markii ciidamada Ethiopianku ay saaka halkaasi ka bilaabeen Howlgalo ay kusoo faafeen deegaanka xaafadaha suuqa xoolaha iyo kuwa ku xeeran.

Dadka Ku Geeriyooday dagaalkan ayay sheegeen dad goob joogayaal ahi oo xiligaasi ku sugnaa xaafada suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa inuu ku jiray nin madaxa looga jiray oo ay dileen ciidamada Ethiopia ee ku sugan halkaasi .

Dagaalkan oo iminka istaagay ayaa sababay isu socodka Gaadiidka isaga kala goosha suuqa xoolaha iyo magaalada inteeda kale kadib markii ay ciidamada Ethiopianku Gooyeen wadadaasi soo gasha deegankasi suuqa xolaha halkasoo ay xaalada iminka degan tahay waloow aysan jirin wax dhaq dhaqaaq ganacsi ah oo ka kala socda deegaankasi dagaalku ka dhacay .

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Dabageed oo Raali Galin ka Bixiyay Xarigii wariyaha British Broadcasting Corporation

Shir Jaraa,id oo uu maanta ku qabtay magaalada beledweyne gudoomiyha gobolka hiiraan yuusuf axmed hagar (daba geed) ayuu ku sheegay inuu raali gelin ka bixinayo xarigii dhowaan loogu gaystay magaalada beledweyne weriyaha Idaacada British Broadcasting Corporation Ayaanle xuseen cabdi iyo shaqaalihii SAVE THE CHILDREN.
Daba Geed ayaa xusay inuu aad uga xun yahay xarigaasi loo gaystay weriye ayaanle oo uu sheegay inuu ku dhacay si qaldan islamrkaana aan laga fiirsan oo uu sheegay in ciidamadiisu ay kusoo xireen weriyahaasi iyo shaqaale ajnabi ahaa oo uu maanta raali gelin ka bixinayo.

''Waxaan cadaynayaa In Xarigii Mas’uuliyiintaasi loo gaystay maalmihii tegay in uu qalad ku dhacay islamrkaana raali galina aan ka bixinayo aniga oo ah yuusuf waan ka xunahay markalana ma dhacayso waxaan jecelnahay in aad hilmaantaan wixii dhacay oo aad xalayb dhalay ka noqotaan" ayuu yiri dabageed.
Hadalka Gudoomiyaha gobolka hiiraan ayaa kusoo beegmaya xili uu raysal wasaare nuur cadde ka dhawaajiyey imaatinkiisa muqdisho inay dhowri doonaan xuquuqda weriyayaasha islamrkaana aysan dhici doonin in weriye dambe aan lagu qaldmi doonin waa siduu hadalka u dhigaye.

Kulan Maanta (Jan 21, 2008) Lagu Wado Inuu Dhex Maro Ganacsatada Gobolka Banaadir Iyo Saraakiisha Ethiopia Oo Ka Dhacaya Muqdisho.

Waxaa La filayaa maanta inuu shir uga furmo ganacsatada gobolka banaadir iyo weliba saraakiil Ethiopian iyo somali isugu jirta magaalada muqdisho shirkaasoo la sheega in lagaga wada hadli doono xaalada nabad gelyo ee si xumaanaysa ee caasimada muqdisho.
Kulankan oo noqon doona Kii labaad oo ay mudo asbuuc Gudihiisa ay wada yeeshaan ganacsatada iyo saraakiisha Ethiopianka iyo kuwa dowlada KMG ahi ayaa ku qotoma sidii xaalada suuqa weyn ee bakaaraha oo amaankiisu faraha kasii baxayey asbuucaydii nasoo dhaafay loogu gorfayn lahaa waloow uu kulankii hore ku dhamaaday is afgaranwaa ka dhex abuurmay sarakiisha isbaahaysiga ethiopianka iyo weliba kuwa Dowlada KMG .

Sidoo kale kulamadan oo u Muuqda kuwo soo noq noqonaya ayaysan jirin cid cadanaysa Sababta Dhabta ah ee ka dambaysa in ganacsatada gobolka banaadir ay amaan darada caasimada lug ku leeyiiin ,halka wararka qaarkoodna oo laga helayo saraakiisha dowladuna ay sheegayaan in mucaaridka ugu weyn ee kasoo horjeeda siyaasada dowlada iyo joogitaanka ciidamada ethiopia ay lug ku leeyihiin ganacasatada goblka banaadir oo ka howl gala suuqa weyn ee bakaaraha
Dhinaca Kale Ganacsatada gobolka banaadir ayaa Kulankii Hore oo ku dhamaaday fara taag taag saxaafada u sheegay Inay si weyn u taageersan yihiin islamrkaana kulanka ka Dhex sheegay In Xoogaga Ka Soo Horjeeda Dowladda ay Kalsooni Buuxda Ku Qabaan Taas Oo ay Ku Macneeyeen In aysan Kala Kulmin Wax Dhac, Dil Iyo Xarig ah islamarkaana ay dantu keenayso inay soo dhowaystaan .

yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
faytin@live.com


Baarlamaanka Puntland ayaa wali ku kala maqan fasax ay dhawaan galeen.

Golaha wakiilada Puntland, ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey ku kala maqnaa fasax ay dhawaan galeen, kaasi oo soo dhaxgalay kalfadhigii 19aad ee ay yeeshaan golaha baarlamanka Puntland intii ay jireen.

Fasaxa xildhibaanada Baarlamaanka DG Puntland ayaa ka danbeeyey, kadib markii ay soo siyaadeen xaaladdo nabadgalyo xumo iyo mid dhaqaale oo soo korortay, taasi oo dhalisay in wakiilada loo kala diro gobolladii ay ka soo kale jeedeen si ay u darsaan xaaladaha ammaan ee deegaanadaasi ka jirta.

Gudoomiye ku xigeenka wakiilada Puntland Salaad Xareed Cali, ayaa idaacadda Daljir usheegay in xildhibaanada baarlamanku ay haatan ka wadaan gobolladii ay ka soo kale jeedeen dadaalo dheeri ah oo ay wax kaga qabanayaan wacyi galinta dadweynaha, si looga hor tago waxkasto oo loo micnaysto in ay meel ka dhac ku yihiin jiritaanka Puntland.

Mudadii uu socaday kalfadhiga wakiilada Puntland, ayey ka doodeen arimo badan oo qaar ka mid ah lagu lafo gurayey ammaanka Puntland, iyadoo xukuumadda M/weyne Cadde Muuse loogu soo jeediyey wax ka qabashada Xaaladda gobolka Sool, oo ay haatan ka arimiyaan maamulka Soomaaliland muddo ka badan labo bilood, in kastoo aysan wali jirin jawaabo cad cad oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda Cadde oo ku aaddan waxa uu baarlamaanka kaga qancinayo arintaasi.

Bartamaha bisha February ee soo socota ayaa lagu wadaa in ay dib iskugu soo laabtaan xildhibaanada baarlamanku si ay u sii anbaqaadaan howlaha hor yaal ee la xiriira kalfadhigoodii 19aad.

Taliyaha Ciidamada booliiska ee Puntland sareeye guuto C/casiis Siciid Maxamuud 'Gacamey' ayaa maanta ka hadlay xaaladda guud ee amaanka Puntland, kuna sheegey in guud ahaanba amaanka gobollada Puntland uu yahay mid caadi ah.

Jan 20, 2008: Taliyaha Ciidamada booliiska ee Puntland sareeye guuto C/casiis Siciid Maxamuud 'Gacamey' ayaa

Taliyaha oo saxaafadda kula hadlayey xafiiskiisa Bossaso ayaa ku nuuxnuuxsaday in ciidanka booliska Puntland ay ku jiraan heegan aad u sareeya oo ay kaga hortagaan fal kasta oo amniga ka dhan ah oo la doonayo in laga sameeyo gudaha Puntland.

Md. Gacamaey ayaa intaasi sii raaciyey in falalkii afduubyada ahaa ee ka dhacay magaalada Bossaso ay ahaayeen kuwa ay dambeeyeen dad ka shaqeynaya amni xumo soo foodsaarta Puntland, islamarkaana waxaa uu tilmaamay inay xabsiga dhigeen dad badan oo ka qeyb qaatay falalkaasi kuwaasi oo dhawaan maxkamad la soo taagi doono.

Taliyaha oo ka hadlayey weerar xalay lagu qaaday mid ka mid ah sariikiisha dekadda Bossaso ayaa sheegey inuu falkaasi uu ka mid yahay falalka amni darro ee dadka danaha shisheeye wata ay ka sameeyaan Puntland.

Hadalka Md. Gacamey ayaa ku soo beegmay iyadoo xalay ay kooxo hubeysan rasaas ku fureen gaari uu watay mid ka mid saraakiisha ciidamada Puntland, ka dibna ay waxyaabaha qarxa ku tureen goobtaasi, mana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

bashiir cumar cali/bosaaso
bashiir137@hotmail.com

bashiir cumar cali/bosaaso
bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 22, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com