SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Dagaal Xalay ka dhacay Muqdisho

Xalay (oo Jimce soo gelayey, Jan 18, 2008) waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal xooggan oo la isu adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan, dagaalkaas oo ka dhacay Degmada Huriwaa.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaas, balse ciidamada Itoobiya ayaa madaafiic ku garaacay aagga dagaalku ka dhacay xaafadaha ku xeeran.

Dagaalkii Khamiistii ka dhacay Muqdisho

Khamiistii (Jan 17, 2008) waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal aad u xoog badan kaas oo geystey dhimasho iyo dhaawac farabadan.

Dagaalkan ayaa dhacay kaddib markii ciidamada Itoobiya ay isku baahiyeen jidka 30-ka ayaa kooxaha iska caabinta ay weerar ku qaadeen ciidamada Itoobiya ee magaalada Muqdisho ku sugnaa mudada ka badan halka sano.

Dagaalka ugu xoogga weyn ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Al-Baraka ilaa xaafadda Cali Kamiin.

Markaas ayaa ciidamada Itoobiya waxay madaafiic aan loo meel deyin ku garaaceen xaafadaha Muqdisho, halkaas oo madaafiicdaasi ay geysteen xasuuq ba'an, gaar ahaan waxay madaafiicda la beegsadeen Suuqa Bakaaraha, Xaafada Tookiyo, aagga Geedka Jacaylka, xaafadda Barmuuda, xaafadda Kaaraan iyo xaafadaha ku xeeran jidka 30-ka.

Inkasta oo aan la ogeyn khasaaraha dhabta ee ay dagaaladaasi geysteen hadana wararka hordhaca ah ayaa muujiyey in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen xaafado ka mid ah Muqdisho, halka dad kor u dhaafay 80 ay ku dhaawacmeen.

Dagaalada ka dhacay Muqdisho waxaa bayaan ka soo saaray Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed, hoos ka akhri bayaankaas.

Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saartay xasuuqii ay shalay ka geysteen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee M/Muqdisho

1- Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed waxa ay shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyaynaysaa gumaadkii arxan darada ahaa ee ay shalay u geysteen Ciidamada Cadowga ah ee Abasiiniya Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana ay illaahay uga baryaysaa in uu ka aqbalo intii ku shahiiday duqeyntaas, caafimaad deg deg ahna siiyo intii ku dhaawacantay, badal kheyr badana alle ka siiyo intii ku hanti beeshay.

2- Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed waxa ay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo mujaahidiintiisaba kula dardaarmaysaa in aysan marnaba ka leexan hadafkooda isla markaana ku sabraan dhibaatada ka soo gaaraysa qabsashada iyo ku dhaqanka diintooda Islaamka ah.

3- Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed waxa ay ugu baaqaysaa Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee loo aas aasay in ay ka difaacaan dalka cadowgooda in aysan ku fiirsan walaalahooda shacabka ahi dhibaatada,xasuuqa,boobka dhaca iyo kufsiga ay kula kacayaan ciidamada macatab ku dagaalka ah ee ku soo duulay diinteena.dalkeena iyo dadkeena Soomaaliyeed ee ku il-qabowsanaya gumaadka shacabkeena Soomaaliyeed gaar ahaan “Biri-magoydadooda” aan waxba galabsan.isla markaana ay ka dhiidhiyaan arintaas kana dhax shaqeynin oo ay iska baxaan cadowga gudihiisa maadaama ay dulinimo iyo nasiib daraba u tahay in maanta xaruntoodii gaashaandhiga uu cadow soo jireen ahi ka gumaado shacabkoodii ay u dhaarteen difaaciisa!!!.isla markaana ay iskala mid dhigin meleshiyaadka mooryaanta ah ee aan u arxamayn shacabkeena kana ganacsanaya hilbaha dadka.

4- Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed waxa ay shacabka Soomaaliyeed si cad ugu sheegaysaaa in aysan wadanka ka jirin wax dowlad la yiraahdo taas oo ay maanta uga cawdaan gumaadka isir baabi’inta ah ee ay cadowgoodii soo jireenka ahaa ugu geysanayaan gudaha dalkoodii Soomaaliya.

Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed
Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka guud
Muqdisho – Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com