SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

HAMBALYO GUUSHA HALYEEY-FAARAX MACALIN DAWARA

Waxaa guul weyn ah oo farxadeeda leh Talaabadda weyn oo Taariikhda Dalka Kenya ku cusub,Xilka Qaran ee loo Doortay Halyeeyga Somaaliyeed FAARAX MACALIN DAWARA oo noqday Gudoomiye ku xigeenka Golaha Barlamaanka Kenya,waa markii Koowaad oo Muwaadin Asalkiisu yahay Somaaliyeed gaaro ama loo doorto Xilkaas weyn.

Faarax Macalin oo ka soo jeedda Degaamada Berigga(Dhulka Somaaliyeed oo weli ku jirra gacan Dalka Kenya ayaa ka tirsan Xisbiga Mucaaradka oo aqlabiyada Barlamaanka ku guuleeystay Doorashadii ugu dameeysay, si cadna looga boobay guushii Xilka Madaxweynenimada Dalkaas, Dadka aqoonta gaarka u leh Farah Macalin waxeey ku tilmaameen Muwaadin Xalaal ah,Geesi weyn oo aan ka gaban u doodida Xuquuqda Qoomiyada Somaaliyeed, waxaana Tusaale u ah sida cad wuu u Cambaareeyo Joogitanka Ciidamada Itoobiya ee Somaaliya iyo Dhaliilsha Nidaamka ka Taliya Kenya oo Taageersan Duulimaadka xaq darada ah iyo Tacadiyada Itoobiyaanka u geeysanaayaan Dadka Somaaliyeed, iyo diidmadiisa ku aadan sida xun oo Xukuumadda Kenya ula Dhaqanto Muslimiinta Dalkiisa ku Dhaqan.

Runtii waa Guul weyn oo u soo hoyateey Goboladda Barigga iyo Guud ahaanba Qoomiyadda Somaaliyeed ee Reer NFD oo si weyn uga Dameeya Degaamada kalle dhanka horumarka,Biyaha Daryeelka Caafimaadka, Waxbarashadda, Wadooyiinka, Shaqadda iyo Xuquuqdda Muwaadin-nimoba, waxaana si weyn u dayacay Kaalintoodii ka Seexday Xildhibaanada Somaaliyeed oo ku balan Furay Shacabkii soo doortay, Danahooda gaarka ah u Xoogsada, Laakiin Doorasahadda iyo hanashada Xilkaas sarre ee Faarax Macalin waxaa loo arkaa guul weyn iyo faa'iido u soo hoyateey Shacabka Reer NFD iyo guud ahaanba Somaali Kenya ku nool, Waxaan Halyeey Faarax Macalin Dawara ku Xusuustaa Doorkii iyo Booqasahadii geesinimada laheyd ee ku yimid Caasimadda Muqdisho Xiligii Midoowgii Maxaakiinta Islaamiga ka talinayeey iyo Warbixiintii saraaxada laheyd wuu ku amaanay Maxaakiimtii Somaaliyeed iyo doorkoodii wax qabadba.

Waxaan Halkan Hambalyo uga soo jeedinaayaa Halyeeyga Weyn Faarax Macalin Dawara,waxaan u rajeeyeey guul iyo in wuu sida ku haboon ugu adeego Ummadiisa,intii Tabartiisa ah ku raadiyo Xuquuqdda Shacabka Somaaliyeed ee Reer NDF, Guud ahaanba Muwaadiniinta Muslimiinta ah.

DoodFuran: Jawaabaha Dadweynaha..... Guji...

Hambalyo-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK-16/01/2007-
- sharifhassan50@yahoo.com -

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com