SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MPLS
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Senator Coleman oo warqad Kenya ku saabsan u qoray US Assistant Secretary of State for Africa Ms. Frazer.

Ka dib markii ay xubno ka tirsan jaaliyadda reer Kenya ee Minnesota ka codsadeen inuu gaarsiiyo dareenkooda state department iyo inuu cadaadis ku saaro maamulka Bush inuu ka qayb qaato dejinta Kenya iyo u hiilinta cadaaladda; Senator Norm Coleman oo ka tirsan US Senate guddigiisa arrimaha dibadda waxaa uu qoray warqad dheer oo uu ku codsanayo in marka hore gargaarka la siinayo Kenya la kordhiyo. Senator Coleman ayaa waxaa caado u noqotay inuu jaaliyad walba ha yaraato ama ha badnaato codkooda gaarsiiyo Washington DC.

Senator Coleman waxaa kale oo uu cadeeyey ama ku raacay xaqiiqda ah in shacabka reer Kenya la qiyaameeyey oo ay sireen siyaasiyiin.

Senator Coleman waxaa kale oo uu walaac ka muujiyey xaaladda qaxootiyada Soomaalida iyo Afrikada kale ka yimid ee jooga Kenya, waa sida ay u soo gudbiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota. Jaaliyadda reer Kenya ee degan Minnesota ayaa lagu qiyaasaa ilaa 10,000.


Warqadda Senator Coleman oo dhamaystiran halkan ka aqriso

Xafiiska Coleman, MN

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 14, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com