SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MPLS
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Casho Sharaf loo Sameeyey Wasiirka Arimaha Dibida ee Soomaaliya: Cali Axmed Jaamac Jangeli

Xaflad si qurux badan loo soo agaasimey ayaa caawa waxa ay ka dhacdey
badhtamaha magaalada Minneapolis Minnesota, maqaayada weyn ee shirarka
lagu qabto ee la magac baxdey East Village Grill. Xafladaas ayaa waxa ay
ku saabsaneyd, ka dib markii loo doortey jagada Wasiirka Arimaha Dibada
ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangeli. Jaangeli, ayaa waxa uu ku
noolaa qurbaha in badan, xilal kala duwana ka soo qabtey dowlada ku
meelgaarka. Xilalkaas oo ahaa heer wasiir nimo: wax uu noqdey, wasiirka
warfaafinta, wasiirka xanaanda iyo xoolaha, iyo wasiirka boostada iyo
isgaarsiinta.

Jaangeli, ayaa waxa uu xilal kala duwan ka qabtey dowldii Maxamed Siyaad
Bare, xilalkaas oo kala ahaa Agaasimaha guud ee wasaarada Arimaha
Dibada, ambassador u fadhiyey Djibouti iyo Safiirka u fadhiyey India.
Xafladaas ayaa waxa ka soo qayb galey Soomaalida degan gobalka Minnesota
iyo mas’uuliyiin ka kala yimid gobolada kale ee Mareykanaka. Xafladaas
ayaa waxa goobjoog ka ahaa safiirka u fadhiya Soomaaliya Baxreen iyo
abwaanka weyn ee Axmed Cigaal.

Xafladan ayaa waxa soo qabanqaabiyey madaxa Somali Media, Abdimalik
Maxamed Askar, waxana suurta galiyey ganacsatada gobolka Minnesota.
Halkaas oo loogu wada hambalyeey wasiirada xilka lagu magacaabey iyo
wasiir ku xigeenada. Waxana loogu mahad celiyey sida baarlamaanku u
ogolaadey in ay shaqadooda wataan.

Somali Media
Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com