SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Barnaamijkii Radio Xoriyo
12 Jenuary 2008.

 
Wargelin


Gudoomiyaha Web-Site-ka 4 Somali Women Tariik Axmed Cilmi waxay ku wargelineysaa Dhamaan Akhristayaasha Web-ka in uu Hawada uga maqan Yahy Cilad Farsamo sida ugu dhaqsiyaha badan dib ugu soo laaban doono , webkan ayaa inta badan ka hadla arrimaha Haweenka iyo caruurta sidoo kale waxaa lagu soo bandhigaa waxqabadka ururka SWACRO hadaba sidaa ula socda Akhristayaasha
mahadsanidiin

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada cadowga.

Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha.

Macaluul ka dhalatay xiisadaha Kenya.

Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Dhaqanka Halgamaaga)....

======================


Dagaallo lagu jabiyay ciidammada cadowga.

Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si wayn loogu jabiyay cidammada saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

07/01/08 dagaal aad u adag oo ka dhacay Goosay-waab, oo u dhaw magaalada Qorile ee degmada Dannood, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 16 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 07/01/08 dagaal ka dhacay Caano-kulul, oo ka tirsan Godey, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 07/01/08 dagaal ka dhacay meesha lagau agacaabo Gabro-dheer waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

06/01/08 dagaal ka dhacay Gol-shabeel, oo ka tirsan degmada Sagag, waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

05/01/08 Boholaley, oo ka tirsan Dhagaxbuur, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 0501/08 dagaal ay CWXO iyo kuwa gumaysigu iskaga horyimaadeen meesha lagu magacaabo Hinsaraarka waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 9 askari.

Sidoo kale 05/01/08 dagaal aad u qallafsan oo ka dhacay Gujiska, oo ka tirsan degmada Dhagax-madow, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 30 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 21 askari.

04/01/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay, oo ku sugnaa Isku-dhoonka, oo u dhaw magaalada Qorile ee degmada Dannood, waxayna u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Isla 04/01/08 waxaa weerar lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Madax-adhi, oo Qorile u dhaw, waxaana lagaga dilay 3 askari.

03/01/08 Dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex maray Garrida, oo Galaalshe ka tirsan, waxaa ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 03/01/08 dagaal isaguna ka dhacay meesha lagau magacaabo Glaalaha, oo ka tirsan degmada Galaalshe, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

03/01/08 dagaal isaguna ka dhacay Waafdhuug, oo ka tirsan gobolka Doollo, waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 3 askari.

Sidoo kale 31/12/07 dagal adag oo ka dhacay Laan-jaleelo, oo u dhaxaysa caado iyo Dannood, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 12 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay inta la ogyahay.

Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha.

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwayne rayad ah. Waxayeellooyinkan ayaa isugu jira dil, xidhay, jidhdil iyo dhac.
07/01/08 ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa Goosay-waab, oo u dhaw magaalada Qorile e degmada Dannood, ku dilay nin shacab ah oo lagu magacaab Daahir Cabdi Hoorri

05/01/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Qamuuda ku dileen nin wadaad ah oo lagu magacaabo Sh C/llaahi.

03/01/08 waxay ciidammada gumaysigu Galaalaha, oo ka tirsan degmada Galaalshe, ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Maxamed Muxumed Dhagey.

02/01/08 meesha lagu magacaabo Caano-kulul, oo Godey ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Hooyo aanaan magaceeda helin, waxay sidoo kale dhaawac gaadhsiiyeen wiil yar oo ay xanbaarsanayd. Waxay kaloo halkaas ku laayeen 80 Neef oo Adhi ah iyo 15 Neef oo Geel ah.

09/01/08 waxay ciidammada gumaysigu ka soo qaqateen Bashuuro, oo Sagag ka tirsan, dadwayne rayad ah oo ay ku xidhxidheen magaalada Fiiq. Dadkaasi waxay kala yihiin;
1- Sawda Ibraahim Oomaar
2- Xabo C/nuur iyo
3- Ibraahim Maxamed Daahir

04/01/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Dhagaxbuur ku xidhxidheen dad shacab ah oo aad u badan, kuwaasoo ay ku jiraan odayaal tiradoodu 80 gaadhayso. Dadka maalintaas la xidhxidhay waxaa ka mid ah;
1- Axmed-nuur Cabdi Cali
2- Rabiic Macalin C/llaahi
3- Cali Aaden Cumar
4- Maxamuud Cali Gaaciye
5- Khadar Xaashi
6- Suldaan Axmed
7- Cali-wayne oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin
8- Aar C/llaahi
9- Cismaan Xasan Nuur iyo
10- Cali Geelle

02/01/08 wxay ciidammada gumaysigu sidoo kale magaalada Dhagaxbuur ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Cabdi-dhuux oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin iyo
2- Maxamed haybe

28/12/07 ciidammada gumaysiga ayaa dadwayne rayad ah dhac iyo jidhdil ugu gaystay Qarjajabo, oo ka tirsan degmada Dhuxun. Dadka dhaca iyo jidhdilka loo gaystay waxay kala yihiin;
1- Muus Macalin Maxamed oo 600 oo Bir laga dhacay
2- Bishaar C/llaahi Nasteex oo 4000 oo Bir laga dhacay iyo
3- Shukri Bashiir iyo
4- Cabdi Asad Mukhtaar oo iyaga jidhdil ba’an loo gaystay.

Dhinaca kale magaalada Godey waxay ciidammada gumaysigu ka wadaan olole naxariis darro ah, waxayna Ganaax 1500 – 3000 oo Bir u dhexeeya saareen ganacsatada magaalada, iyagoo dadka ku qasbaya inay sameeyaan malleeshiyo la hawlgasha ciidammada gumaysiga.

Macaluul ka dhalatay xiisadaha Kenya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 500,000 oo Kiinyaan ah ay u baahan doonaan gargaar cunto oo degdeg ah, ka dib markii ay waddanka Kenya ka billowdeen xiisado ka dhashay khilaafka la isku khilaafay natiijada doorashadii madaxtinimada dalkaas ee la qabtay daba-yaaqadii bishii hore.

Qaramada Midoobay waxay ku talajirtaa inay toddobaadka soo socda gargaar cunto gaadhsiiso qiyaastii 250,000 oo qof oo xiisadaha colaadeed ay ku qasbeen inay guryohoodii ka qaxaan, hase yeeshee waxay deeq bxiyayaasha caalamka ugu baaqday inay gacan ka gaystaan dhibaatadan.

Qaramada Midoobay waxay ka cabsi qabtaa in dhibaatadu ay gaadho heer aan waxba laga qaban Karin haddii ay sii socdaan xiisadaha colaadeen iyo cunta la’aanta dalka ka jirta.

Mucaaradka Kenya ayaa jimcihii ku baaqay in dib loo billaabo bannaanbaxyadii lagu diiddanaa guusha uu madaxwayne Kibaki sheegtay. Mucaaradka ayaa baaqan jeediyay, ka dib markii ay guuldarro kala dheelmadeen masuuliyiin meelo kala duwan ka yimid oo isku dayay inay dhexdhexaadiyaan mucaaradka iyo dowlada.

Ugu yaraan 500 oo qof ayaa ku dhintay dagaallo qabiil oo ka dhashay muranka lagu muransan yahay natiijada doorashii madaxtinimada Kenya.

Radio Xoriyo
12 Jenuary 2008

Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com