SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIYA

(CRD) oo Aqoon-isweydaarsi lagu xoojinayo kaalinta haweenka ee Dhisidda Nabad ku soo gabagabeysey magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe

Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga (CRD) waxay maalintii khamiista ee taariikhdu aheyd 03/01/08 magaaladda Jowhar ee Gobolka Shabeelladda Dhexe ku soo gabagabeysey Aqoon-isweydaarsi lagu xoojinayo kaalinta haweenka ee arrimaha dhisidda nabadda. Aqoon-isweydaariskaan oo soconayey muddo saddex cisho waxaa ka soo qeyb galay 57 haweena oo ka kala yimid dhammaan qeybaha haweenka ee heer degmo iyo gobol.

Aqoon-isweydaariskaani wuxuuna qeyb ka yahay barnaamijyo taxane ah oo hay’ada CRD ka soo qabatey gobolo badan oo ka Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya sida Gobolada Hiraan, Galgaduud. Koofurta Mudug, Bay iyo Bakool. Barnaamijyadaas oo ujeeddaddou tahay in la wacyigaliyo lana kobciyo kartida waxqabad iyo aqooneyd ee haweenka si loo xoojiyo kaalintooda ku ay ku leeyihiin arrimaha dhisidda nabadda, dib u heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka ee heer gobol, degmo iyo degaan. Taasoo lama huraan u ah sidii loo gaari lahaa nabad waarta oo ay saldhig u yihiin bulshada qeybaheeda kala duwan gaar ahaan haweenka, dhalinyarada iyo carruurta kuwaas inta badan ay ku dhacdo saameynta ugu balaaran ee dagaaladda ahna kuwo baahi weyna u qaba inay helaan nabad iyo xasilooni ay ku naaloodaan.

Muddadii aqoon-isweydaariskaani socday waxay ka qeybgalayaashu isku dhaafsadeen aqoontooda iyo waayo-aragnimadda ku aadan doorka ay haweenku ka qaadan karaan dhisidda nabadda heer degaan iyo degmo, Waxaa kaloo ay ka kororsadeen aqoon la xiriirta arrimaha xalinta khilaafaadka, dhisidda nabadda, muhimada iyo suurtogalnimadda iskaashi haweenka dhex mara.

Sida ay qireen ka qeybgalayaashu aqoon-isweydaarisgaani wuxuu ahaa kii ugu horeeyey ee noociisaa oo loo qabto haweenka gobolka iyagoo u arkey inuu yahay mid wax weyn ka taraya kordhinta garaadkooda, wacyigooda ku aadan arrimaha nabad dhisidda. Ka qeybgalayaashu waxay kaloo sheegeen in aqoon-isweydaariskaani uu ahaa mid muhiim u ahaa haweenka gobolka isla markaana aad loogu baahnaa iyagoo ku micneeyey inuu wax ka taraya sidii ay haweenku kaalin muuqata ugu yeelan arrimaha nabad ku soo dabaalidda bulshada gobolka iyo dalka guud ahaan. Haweenkii kaqeybgalayaasha ayaa alifey hees ay ku tilmaayaan aragtidooda ku aadan sida ay u arkaan iyo muhimadda aqoon-isweydaariska iyagoo ku soo gooynayey tixdan:

Siminaarkaaneey sidaan rabnay waayee, sideed degmow isu keenay oo su’aal isweydiihaaya, Soomaalina saan iyo sinnaan aan u rabnaa.

Dood dheer kadib ka qeybgalayaashu waxay gudoonsadeen inay iskaashi iyo wada waqeyn heer gobol, degmo iyo degaan ka yeeshaan arrimo ay ugu waaweynaayeen wayigelinta bulshada, xiriirinta bulshada iyo maamulada, xalinta khilaafaadka beelaha gobolka, dhaqaale abuuris iyo ka qeybqaadashada musiibooyinka sida fatahaadaha, abaaraha iyo dagaaladda. Si ay waxqaadyadaasi ugu fududaana waxay gudoonsadeen inay Gudi sameystaan iskana dhex xulaan. Intaas kadibna waxay ka doodeen oo isla fahmeen sifooyinka ka mid noqoshada gudiga iyo xeerka ay rabaan inay ku wada shaqeeyaan iyagoo dambeyntiina ku guuleysteen inay iska dhex doortaan gudi ka kooban 8 gabdhood oo ka soo jeeda degmooyinka gobolka.

Aqoon-isweydaariskaan waxaa furitaankii iyo xirtaankiiba ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Moxamed cumar Deelle iyo Gudoomiyaha Degmada Mudane Caqiil iyagoo ka qeybgalayaasha ku booriyey inay nabada iyo arrimaha horumarineed ee gobolka ka qeybqaataana aqoonta iyo waayo aragnimada ka kororsadeen aqoon-isweydaariskana ay ka dhaqan galiyaan marka ay ku noqdaan deegaanadooda iyo bulshada.

Axmed Macalin

Waxaa soo tebiyey:
amiinkhasaaro yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 11, 2008


Qaabkii ay u dhacday Anxisintii Xukuumadda Col. Nuur Cadde...
iyo waraysi SomaliTalk la yeelatay Cali Axmed Jaamac Jangali... Dhegeysi/Akhris...

dugsiDugsi Sare oo Loogu Magacdarey Amiir-Nuur oo Laga furey Degmada Garbaharey ee Gobolka Gedo...: Dugsigan sare oo ah kii ugu horeeyey ee Degmadaasi laga hergeliyo tan iyo waxii ka dambeeyey Burburkii Dowladii hore ee Soomaaliya.. Akhri... Jan 8

casmaraWar-saxaafadeed : Xildhibaan Sulaymaan Colaad Rooble ‘’Mowliid Macaane iyo Cabdulaahi Yusuf labadii xaq daro ku heshiisa xaqa ayay ku diriraan" Jan 8

gaaniXildhibaan Sharma'arke "Waa in la soo magacaabaa Gole Wasiiro Cusub…" - Waxaa lagu xadgudbay Dastuurkii lagu soo qoray Kenya.....

Kibaki oo Dowladiisa Cusub Dhisay
isagoo musharaxiintii la Tartamasay mid ka mid ah ka dhigay ku xigaynkiisa.... Akhri...

xildhibaanQorshaha Xukuumadda Col. Nuur Cadde oo Baarlamaanka loo qaybiyey
iyo Aragtiyo kala duwan oo aan ka soo uruurinay qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo is rasaaseyn sababtey dhimasho oo ka dhacdey Raamo Cadeey... Dhegeysi

caddeGolaha Wasiirada Xukuumadda Cusub ee Col. Cadde oo La dhaariyey: Sabtidii waxaa magaalada Baydhabo lagu dhaariyey 12 wasiir iyo 5 wasiir xigeen oo kamid ah 23-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha xukuumadda col. Nuur Cadde Dhegeysi/Sawirro Jan 5

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com