SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Jan 10, 2008

  • Xukuumadda Cusub ee Col. Nuur Cadde oo La Ansixiyey
  • Iska hor imaad ka dhacay Boosaaso
  • Ciidamada Ethiopia Ee Ku Sugnaa Deegaanka Gubta Oo Saaka Faaruqiyey Goobtaasi.
  • Wadooyinka Soo Gala Xamar -weyne Iyo Xamar Ja-jab Oo Xaniban Maalintii Labaad.
  • Weriye Cawaale oo Xabsiga Dib loogu Celiyey

Xukuumadda Cusub ee Col. Nuur Cadde oo La Ansixiyey

Baydhabo: Kulan ay maanta [Khamiis Jan 10, 2008] baarlamaanka DFKMG ku yeesheen magaalada Baydhabo ayey ku ansixiyeen xukuumadda cusub ee col. Nuur Cadde oo ka kooban 18-wasaaradood.

Kulankii maanta oo ay ka soo qayb galeen 230 xildhibaan ayaa aqlabiyad ku ansixiyey cod loo qaaday xukuumadda.

Iska hor imaad ka dhacay Boosaaso

Boosaaso: Waxaa maanta [Jan 10, 2008] is ka hor imaad magaalada Boosaaso ku dhex maray ciidamada Booliska Puntland iyo koox hubaysan oo ay ciidamada boolisku ku hareereeyeen guri ku yaal xaafadda Biyokulule ee magaalada Boosaaso.

Waxaa wararka sheegen in ilaa lix qof ay ku dhaawacmeen oo labada dhinac ah.

Wararka ugu horeeya ee ka soo baxaya iska hor imaadkaas ayaa tibaaxay in ciidamada Booliska Boosaaso ay hareereeyeen guri sida la sheegay ay ku tuhmayeen kooxdii afduubka ka geystey Boosaaso toddobaadyadii la soo dhaafay, laakiin halkaas ay kala kulmeen iska caabin xoog leh.

Faahfaahin Dheeraad ah: Dagaal ka dhacay Bosaaso oo geestay dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada amaanka iyo kooxda guriga ku jirtay ayaa waxa ay iswaydaarsadeen rasaas iyadoo magaalada dhamaanteed si xoogan looga maqlay rasaasta labada dhinac isku ridayaan, balse goordame ayaa rasaastu sii xoogaysatay kadib markii la sheegey inay gurmad heleen raggii guriga ku jiray.

Ciidamada booliiska ayaa iyaguna heley gurmad xooggan waxana jira dhimasho dhaawac aan la cayimin, waxayse goobjoogayal sheegeen inay arkeen dad ay xabado ku dheceen.

Dhinaca kalena isbataalada magaalada ayaa la geeyey dad ku wax yeeloobay tacshiiradda ka dhacday xaafada Biyo kule ee magaalada Boosaaso.

Arrintaasi oo ay hadda kulan kaleeyihiin madaxda, odayaasha, waxgaradka, iyo culumaa’udiinka gobolka.

Tacshiiradan rasaaseed ee saaka ka dhacdey bartamaha magaalada Boosaaso ayaa waxay saameyn yeelatey iso socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee goobaha iska horimaadku ka dhacay, iyadoo sidoo kale suuqa weyn ee magaalada Boosaaso gabaabsi uu ku yimid isu socodka ganacsiga iyadoo goobta tacshiiradu ka dhacdey ay ku taal duleedka Suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso .

warar somalitalk.com ay ka helayso dad xog ogaal ah oo goobtaasi ku sugan ayaa waxay sheegayaan in ciidamada amaanka ay adeegsadeen gaadiidka dagaalka, oo ku doonayeen inay ku jabiyaan iska cabin ay kala kulmeen kooxda hubaysan ee ku sugneyd guriga.

Tacshiiradii ay isdhaafsaneyeen kooxaha hubaysan iyo ciidamada amaanka ayaa wararku sheegayaan inay sababtey khasaare kooban oo soo gaarey guryo ku yaal goobta tacshiiradu ka dhacdey.

bashiir cumar cali/bosaaso
bashiir137@hotmail.com

Ciidamada Ethiopia Ee Ku Sugnaa Deegaanka Gubta Oo Saaka Faaruqiyey Goobtaasi.

Muqdihso: Ciidamada xukuumada Ethiopia oo maalinmadii shalay baaritaano xoogan ka wadey xaafada gubta ee deegaanka dayniile oo halkaas ka samaystay Fadhiisano mudo labo maalmood ah ayaa saaka faaruqiyey goobtaasi Kadib markii la sheegay in dad badan oo shacab ah oo ku xanibnaa guryahooda ay halkaasi ka taxaabteen islamarkaan aan la ogayn halka iyo goobta ay geeyeen.

Ciidamadda xukuumada Ethiopia ayaa iyagu yimid deegaankan gubta kadib markii maalintii isniintii ay dagaalo iskaga hor yimaadeen iyaga iyo xoogaga kasoo horjeeda islamrkaana halkaasi ay ka dheceen dagaalo Qasaarooyin Geystay waloow ay dad deegaanka ku dhaqani saxaafada u sheegeen in halkaasi dagaalka kadib ay ciidamada ethiopia xasuuq ba,an u gaysteen dadka rayidka ah .

Sidoo kale ciidamadan ethiopianka ah ee saaka faaruqiyey deegaankaasi gubta ayaan la ogayn sababaha keenay inay saaka goor hore iskaga guuraan deegaankaasi.

Dhinaca kale dadka tirada yar ee ku sugan xaafadaasi ayaa soo dhoweeyey ka guuritaanka ciidamada ethiopia oo sheegay inay inta ay deganaayeen ku sugnaayeen wel wel iyo walaac cabsiyi ku dheehen tahay taasoo ay sheegeen inay ka uruursadeen dhalinyarada da, yarta ah ee ku sugnayd goobtaasi islamrkaana aysan ogayn halka iyo goobta ay ku sugan yihiin waqti xaadirkan iyo xaaldaooda nololeed .

Wadooyinka Soo Gala Xamar -weyne Iyo Xamar Ja-jab Oo Xaniban Maalintii Labaad.

Waxaa maalintii labaad xiran wadooyinka soo gala degmada xamar weyne iyo xamar ja-jab ee gobolka banaadir kadib markii halkaasi ay gooyeen Ciidamada dawladda FKMG ah oo baaritaano hubeed kawada halkaasi .

Ciidamada Booliska FKMG oo shalay halkaasi ka bilaabay howlgallo ay ku baadi goobayaan hub iyo walxaha qarxa sida ay sheegeen ayaa la sheegayaa in maantana sidoo kale howl gal kale ka bilaabeen islamarkaana ay xaniban yihiin gaadiidka isaga kala gooshi jiray deegandaasi iyo weliba howlaha ganacsi ee degmooyinkaasi .
wadooyinka waaweyn ee soo gala degmooyinkaasi ayaa waxaa buux dhaafiyey ciidamo aad u fara badan oo kuwa dowlada KMG ah iyadoo ay ku yar yihiin dhaqdhaqaaqa dadka rayidka ah oo si teel teel ah loogu arkayo wadooynka qaarkood .

Dhaqdhaqaaqan ciidan ee ka socda wadooyinka soo gala degmooyinka xamar-weyne iyo xamar jajab ayaa kusoo beegmaya xili ay ka jiraan caasimada dagaalo kafool kafool ah iyo weliba qaraxyo ka dhacay habeenadii lasoo dhaafay oo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa ethiopia oo dhinac ah iyo kooxaha kasoo horjeeda .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Weriye Cawaale oo Xabsiga Dib loogu Celiyey

Shalay [Jan 9, 2008] ayaa maxkamad la keenay weriey Cawaale Jaamac Salaad  oo muddoo kuxiran magaalada Boosaaso, laakiin Guddoomiyaha maxkamada Maxamed Cabdi Awaare ayaa sheegay in dacwadda dib loo dhigay ilaa Axada isagoo aan sharraxaad kabixin sababta, sidaasna markale xabsiga loogu ciliyey weriyaha.

SomaliTalk bosaso

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2008


gaaniXildhibaan Sharma'arke "Waa in la soo magacaabaa Gole Wasiiro Cusub…" - Waxaa lagu xadgudbay Dastuurkii lagu soo qoray Kenya.....

Kibaki oo Dowladiisa Cusub Dhisay
isagoo musharaxiintii la Tartamasay mid ka mid ah ka dhigay ku xigaynkiisa.... Akhri...

xildhibaanQorshaha Xukuumadda Col. Nuur Cadde oo Baarlamaanka loo qaybiyey
iyo Aragtiyo kala duwan oo aan ka soo uruurinay qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo is rasaaseyn sababtey dhimasho oo ka dhacdey Raamo Cadeey... Dhegeysi

caddeGolaha Wasiirada Xukuumadda Cusub ee Col. Cadde oo La dhaariyey: Sabtidii waxaa magaalada Baydhabo lagu dhaariyey 12 wasiir iyo 5 wasiir xigeen oo kamid ah 23-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha xukuumadda col. Nuur Cadde Dhegeysi/Sawirro Jan 5

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com