SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maxamed Dheere Oo Qaxooti Deganaa Xeeradii Buulo Tikniko Ku Amray Inay Mudo 24-Saacadood Kaga Guuraan.

  • Qaar Ka tirsan Wadooyinka Magaalada Muqdisho Oo Taadadii ay Xireen Ciidmada Ethiopianka .

Guddoomiyaha Gobolka banaadir maxamd cumar xabeeb (maxamed dheere) ayaa maanta Wareegto kasoo baxday xafiiskiisa waxuu ku amray in mudo 24- saacadood gudahood ah lagaga guuro deegaanada xeradii buulo tikniko oo ay degan yihiin dad qaxooti ah oo ka soo barakacay meelo kamid ah gobolada koonfurta soomaaliyeed.

Maxamed Dheere ayaa wareegtadiisan waxaa ku xusnayd in goobtaasi laga dhigi doono iskuulo wax barahso lamana oga in dadkaas qaxootiga ah ee u badan maato caruur iyo haween ah oo an waxba haysan meesha ay aadi doonaan .
Afhayeenka gudoomiyaha gobolka banaadir Cabaas galeyr ayaa saxaafada u sheegay in sababaha loo rarayo dadkan qaxootiga ah ay tahay in xerada laga dhigayo goobo waxbarasho, islamrkaana la dhisi doono waa siduu hadalka u dhigayo.

Qaar ka tirsan dadka soo barkacay ee ku sugan goobtaasi ayaa walaac xoogan ka muujiyay xiligan oo ay magaalada muqdiso ku jirto xili adag inay ku adag tahay halka iyo meesha ay aadi doonaan islamrkaana k murugooday arintan kasoo baxday xafiiska gobolka banaadir.

Qoysaskan oo kasoo barakacay gobolada dalka gaar ahaan gobolka bay iyo bakool ayaa gaaraya ilaa boqolaal qoys oo deganaa in mudo ah islamrkaana aan haysan wax hanti ah .

Nin U shaqaynayey Hay,ada Sam sam oo Kamid ah Hay,adaha Samafalka Oo La Diley.

Masuul ka tirsan Hay'ada Sam Sam oo ka howl gasha magaalada muqdisho ayaa lagu dilay deegaanka geed qalooc ee degmada yaaqshiid ,

Dilka ninkan ayaa waxaa fuliyay labo nin oo ku hubaysan Bastoolado islamrkaana rasaas madaxa kala beegsaday, sida ay sheegeen dadka degananaa agagaarka dilku ka dhacay.

dilka kadib ayaa waxaa goobtaasi ka qaaday meydkaasi ehelda marxuumkaasi iyadoo ay baxsadeen nimankii dilkasi geystay .

Ma cada sababta dhabta ah ee ka dambaysa dilka ninkaasi u shaqaynayey hay,ada Sam sam oo ah hay,adaha samafalada ah ee fahdigeedu yahay magalada caasimada ah ee muqdisho.

yaasiin faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2008

Qaar Ka tirsan Wadooyinka Magaalada Muqdisho Oo Taadadii ay Xireen Ciidmada Ethiopianka .

Wadooyinka caasimada muqdisho qaarkood ayaa saaka ku waaberiistay ciidamo ethiopian ah oo ku teedsan wadooyinkaas oo ay kamid yihiin wadada wershedaha halkaasoo ay ciidamdaasi kawadaan baaritaano xoogan islamrkaana waxaa hakad galay gawaarida BL-ka ee isaga kala goosha suuqa weyn ee bakaaraha iyo degmooyinka kale ee caasimada iyo weliba gawaarida yar yar sida gaarka ah loo isticmaalo.

Ciidamada Ethiopianka oo ku hubaysan gawaarida gaashaaman iyo weliba hubka yar yar ayaa la sheegayaa inay xataa baaritaano ku hayaan dadka shaqsiyaadka ah ee ku dhex lugaynaya wadadaasi taasoo ay hakad geliyeen isu socodka wadadaasi dadka iyo gaadiidka isticmaalaya

Sidoo kale xiritaankla wadooyinkan ayaa ka dambaysay kadib markii habeenkii xalay ay dagaalo ku dhex mareen xoogaga sida weyn uga soo horjeeda siyaasada dowlada iyo ciidamada shisheeye iyo weliba ciidamada ethiopia islamrkaana uu halkaasi ka dhacay dagaal laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan taasoo aysan weli cadayn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaaladaasi .

Dhinaca kale madaafiic habow ah ayaa habeenkii xalay ahaa ku habsaday labo qoys oo kala deganaa degmada hodan iyo shibis taasoo uu ku geeriyooday aabihii qoyskaasi islamrkana ku dhaawacmay wiil uu dhalay aabahaasi geeriyooday ,halka la sheegay madfaca kale ee degmada shibis ku dhacayna uusan gaysn wax qasaare ah .

Qaar ka tirsan dadka deriska ah ee qoyska madfacaasi ku soo dhacay ayaa sheegay inay madaafiicdaasi aysan garanayn halka ay uga yimaadeen islamrkaana ay sheegeen inaysan agagaarahooda wax dagaal ahi ka jirin waloow ay sheegeen in badanaaba ay madaafiicda lagu duqeeyo magaalada ay ridaan ciidamada ethiopianka ee degan duleedka caasimada muqdisho marka xarumaha ay degan yihiin weerarada hubaysan lagu soo qaado.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com