SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Labo qof ayaa ku dhaawacmeen baabuur xamuul ah oo marayey duleedka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

labo qofood ayaa ku dhaawacntay gaari rakaab ah kadib markii kooxo burcad ah ay ku rasaaseeyeen xili uu marayey wada isku xirta deegaanda ceel gaal iyo Jawiil oo dhinaca woqooyi Bari kaga beegan magaalada Baladweeyne ee gobolka Hiiraan.

Gaariga ay burcada rasaaseeysay ayaa ahaa nuuca waaraadka oo xalay ka baxay maaalada Beledweeyne ee gobolka Hiiraan xili uu ku sii jeeday magaalada gaalkacayo ee Gobolka Mudug.

Kooxaha Rasaasta la beegsatay gaarigan xamuulka ah ayaa waxaa la sheegay in markii gaariga ay rasaasta ku ridayeen aysan u oolin wax jidgooyo ah.

Labada ruux ee ku dhaawacmay gaarigani ayaa waxa uu ula cararay Istbitaalka Istarliin ee degmada Guriceel iyadoo aanan ku oolin wax isbitaal ah inta u dhaaxaysa Magaalaa Baladweyne iyo degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka qaar ayaa wax aay sheegayana in dhaawacyada ay intaasi ka badan yihiin laakiin lama ogaan karo tirada xaqiiqda ah ee ku dhaawacantahay gaarigaani, si kastaba ha ahaatee arinkaani ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili ciidamo ka Tirsan kuwa Ethiopia ee ku sugan Buurta 115 jante kuun dishe iyo kala beeyrka ayna wadaan dedaalo ay ku sugayaan amaanka deegaanda dhinaca woqooyi bari kaga beegan magaalada Baladweeyne.

Kulana looga hadlayey xaalda amaanka ee gobolka Galgaduud oo lagu soo gabagabeeyey degmada Guriceel ee gobolkaasi.

kulamo muddooyinkaan dambe looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa xaalada ammaan daro ee kajirta deegaano katirsan gobolka g/gaduud oo ay lahaayeen odoyaal dhaqameedyo kaasi oo lagu soo gabogabeeyay degmada guraceel ee gobolka g/gaduud.

Wada hadaladaasi oo socday mudooyin ayaa waxa looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa xaalada ammaan daro ee ka jirta gobolka g/gaduud.

21 xubnood ayaa kulankaasi laga dhex magacaabey kuwaas oo maamulo u samayn doona deegaanada matabaan,guraceel iyo degmada dhuusa mareeb waxana xililalkaasi magacaabey sadex xubnood oo loo magacaabey xililalka taliyaha ciidanka iyo taliye xigeenada ciidamada nabadgalyada deegaanadaasi.
Guddoomiyaha degmada guraceel Cali sheikh ayaa sheegay in guddigaan la dhisay uu wax ka qabanayo xaaladaha ammaan daro ee kajira gobolka g/gaduud qeybo ka mid ah gaar ahaan degmooyinka ay maamul ahaan ka taliyaan.

Jidgooyooyinka fara badan ee maleeshiyaadka ay dhiganayaan deegaanadaasi qeybo ka mid ah ayaa waxaa ka qaadey kooxo hubeysen oo taabcasan maamulka degaanka iyadoo maalintii shalay ahaydna ay ku dileen hal ruux ilaa afar kalena ay kusoo qabqabten kuwaasi oo dhiganayey jidgooyo inta u dhaxaysa degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan iyo degmada Guriceel.

Maqnaanshaha maamulkaani ayaa waxa ay walaac xoogan galisay dadka ku dhaqan deegaanada guraceel,matabaan iyo degmada dhuusa-mareeb inkastoo ay jireen kooxo hubeysan oo taabacsan maamulka degaanadaan kuwaasi oo sifeeynaayey jidgooyooyinka sida sharci darada ah loo dhigtey.

Abdulkarim Mohamed Jim'ale (Muxsin)
muxsin55@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2008

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com