SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Bayaan Ay Soo Saareen Beesha Harti Waamo Ee Ku Dhaqan Gobolada Jubbooyinka.

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Isimada , siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Beesha Harti waamo, ayaa waxaa lagu magacaabay Gudi Siyaasadeed ay leedahay beel-weynta harti waamo ee ku dhaqan gobolada jubooyinka iyadoo gudigaasina uu leeyahay Gudoomiye siyaasadeed oo Beesha Harti waamo ah oo ku meel Gaadh ah waxaana loo magacaabay Mudane Axmed Soomow Gurey, sidoo kale waxaa la magacaabay Af-hayeen Beesha harti waamo waxaana loo magacaabay Mudane Siciid Ibraahim Cashara.
Kulankan oo ka dhacay magaalada xarunta u ah gobolka jubada hoose ee kismaanyo ayaa waxaa sidoo kale kulankan shir gudoominayey Ugaaska beesha harti waamo Ugaas Maxamuud Ugaas xuseen Ugaas maxamed (Baqow) .

Waxaa kale oo lagu xusay baaqan shirka dib u heshiisiinta ah ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada kismaanyo islamrkaana lagu doonayo in lagu wada heshiisiiyo beelaha wada dega gobolada jubooyinka , waxaan kale oo la go,aansaday in la ilaaliyo xeerka soo jireenka ah ee u yaala Waamo.
Baaqan ayaa waxaa si wada jir ah u soo saaray Isimada , Nabadoonada ,siyaasiyiinta, Waxgaradka ,Culimo Awdiinka iyo Ururada Dhalinyarada Beesha Harti waamo.

1. Ugaas Maxamuud Ugaas Xuseen Ugaas Maxamed (Baqow)
2. Suldaan Maxamed Guuleed Cadde
3. SuldaanAhmed Aadan Shaakmadaare
4. Caaqil Yuusuf Haybe Abuukar
5. Nabadoon Ibraahim Bashiir Ahmed (Korijow)
6. Nabadoon Maxamed Xuseen
7. Nabadoon Cali Goobweyn
8. Nabadoon Xuseen Xaaji Dhufe
9. Nabadoon Xasan Dheere
10. Nabadoon Xaaji Xuseen Afey
11. Nabadoon Maxamed Madoobe
12. Nabadoon Cabdulaahi Saalax maxamed
13. Nabadoon Jaamac Nuur Cadde
14. Nabadoon Cabdi Xaydh
15. Nabadoon Xiiray
16. Maxamed Xabiib Ugaas Maxamuud
Wixii faahfaahin ka kala xidhiidh
Tel:0025215561944
Wabilaahi Towfiiq

Cali Geedi Oo Sheegay Inuu Isu Soo Sharaxayo Xilka Madaxweynanimo Ee Soomaaliya .

Raysal wasaarihii hore ee dowlada KMG ah ee xilkiisa iska casiley Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay inuu isu soo sharaxi doono xilka madaxweynanimo ee soomaaliya doorashada ugu soo horaysa xili ay dowladii uu ka tirsanaan jiray ay xalin la,dahay amaanka caasimada muqdisho.

Prof. Geedi ayaa kulan uu la qaatay jaaliyahadaha qurba joogta ee wadanka dibadiisa ku dhaqan kaga waramay inuu rajo weyn ka qabo inuu kusoo baxo xilka madaxtinimo ee dalka soomaaliya taasoo uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sida ay ugu muuqato inuu xilkaas u tar tami karo.

Cali maxamed geedi ayaa horey xilka isaga casiley kadib markii lagu eedeeyey in xukuumadiisu ku guuldaraysatay inay wax ka qabtaan amaanka iyo kala dambaynta islamrkaana uu khilaaf xoogani soo kala dhex galay isaga iyo madaxweyne yuusuf .

Sidoo kale prof -geedi ayaa iska casilista xilkiisa la sheegay inay la xiriirto kadib markii xukuumada ethiopia ay ku qasabtay inuu xilka iska casilo khilaaf mudo soo jiitamayey oo u dhexeeyey isaga madaxweynaha dowlada KMG c/laahi yuusuf.

Si kastaba hadalka kasoo yeeray prof -cali maxamed geedi ayaa kusoo beegmaya xili uu madaxweyne c/laahi yuusuf uu u ambabaxay safar dibada ah oo la sheegay in arimo caafimaadkiisa ah wax lagaga qabanayo .

Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowlada Oo Ku Dhintay Israsaasayn Dhex Martay Ciidamo Kawada Tirsan Dowlada .

Qaar ka tirsan ciidamada dowlada KMG ah ayaa maanta isku rasaaseeyey deegaanka ceelasha biyaha iyadoo halkaasi uu ku geeriyooday hal askari oo kamid ah ciidamada dowlada KMG ah ee ku sugan deegaankaasi
Dilka Askariga la dilay ayaa waxaa ka dambeysey israsaasayn xoogan oo dhex martay qaar ka tirsan ciidamdaasi iyadoo aan la ogayn sababta ka dambaysa israsaasayntan dhex martay ciidamadan kawada tirsan ciidamada dowlada oo halkaas ka wadey howlgalo maalmahan la sheegay in lagu xoojinayo amaanka deegaankaasi .

Sidoo kale ciidamada dowlada KMG ah oo badanaaba lagu eedeeyo inay gaystaan falal ka dhan ah shacabka islamarkaana lid ku ah amaanka ayaan la ogayn sababta dhabta ah ee ay ciidamadaasi howl galka ku jiray isu rasaaseeyeen.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2008

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com