SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Garoowe. Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Ramaas RPP iyo Saraakiisha Hay'adaha Caalamiga ah qaarkood oo wada hadalo u bilaabmeen.
  • Agaasimaha warfaafinta Xisbiga Ramaas Maxamuud Cumar Bille
    Fadhigooda Garowe
    mcbille@gmail.com 

Tan iyo markii uu faraha ka baxay amnigii guud ee DGPL ayaa waxaa soo batay afduubyo loo geysanayo shaqaalaha hayadaha caalamiga ah ee ka hawl gala Puntland , qaraxyo iyo magaalooyinka qaarkood sida Garoowe oo amnigeedu faraha ka sii baxayo waxaana soo baxaya cabsi ay qabaan dadka ajnabiga ahi.
Hadaba ka dib markii ay hay aduhu ka caalwaayeen xukuumada oo aan waxba ka qaban amni-xumada isi soo taraysa ayey la hadleen masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga mucaaradka ah ee ka jira Puntland loona yaqaan Ramas Puntland Political Party(RPP.

Wararkaan oo ah kuwo hoose oo aan wali saxaafada loo soo bandhigin ayaan weydiinay masuuliyiinta xisbiga Ramas.
Hadaba Maxamed Cabdullaahi Xuseen oo ah Ku Xigeenka kowaad ee dhinaca arimaha bulshada Xisbiga Ramas RPP ayaa wuxuu saxaafada qaarkeed u cadeeyey in ay jiraan wadahadlo dhexmaray masuuliyiinta Ramas iyo qaar ka mid ah saraakiisha hay adaha degan Puntland oo qoraalo iyo taleefoono ay ku xiriireen masuuliyiinta xisbiga iyo sidoo kale buu yiri shir ay saraakiil Soomaali ah ku yeesheen Garoowe oo ah magaalo madaxada DGPL ee ay hay aduhu xafiisyada waa weyn ku leeyihiin.

Maxamed Cabdullaahi Xuseen ayaa sheegay in Ramas ay hay aduhu ka codsadeen in ay ka caawiyaan in ay u sheegaan dhaliilahooda.

Hay adaha oo masuuliyiintu RPPP weydiisay waxa ku kalifay in ay Ramas la hadlaan ayaa waxay soo bandhigeen qodobo ay sheegeen in ay tixraaceen waxayna dhaheen

Waxaanu daba joognaa warbixino ay noo soo gudbiyeen saraakiisha gudaha iyo kuwo aanu xog ogaal u nahay.

1. Caalamka oo dhan waxaa ka jira mucaarad iyo muwayid labaduna waaxay ka tirsan yihiin isla umada wadankaas iyo madaxdeeda ka dib marka lagu kala qayb samo sida siyaasada.

2. Ka hor intaan afduubku bilaaban waxaa Saxaafada Dibada iyo Gudaha ka hadlay Maxamuud Cumar Bille oo ah aqoon yahan ka mid ah dhalinyarada Reer Puntland oo ku dhaliilay hay adaha musuq maasuqa ay ku hayaan dhinaca shaqooyinka iyadoo ay ka maqleen Idaacadaha qaarkood ogeysiisyo arimahaas ku wajahan , iyo waxyaale kale oo uu sheegay in ay keeni karaan nacayb iyo amni xumo soo wajihi karta saraakiisha hay adaha, hadalkii Bille ka dib waxaa la afduubay nin weriye ah oo u dhashay dalka Faransa , waxaana xigay 2 gabdhood oo u shaqeeya MSF oo dhamaantood lacag aad u fara badan oo madax furasho ah lagu bixiyey sii deyntoodii.

2. Maxamuud Cumar Bille oo laga maqlay erayo naceyb ah uu u qabo hay-adaha qaarkood meelaha dadka badani isugu yimaadaan marka laga reebo labo hay adood uu intooda kala canbaareeyey oo kala ah Diakonia Sweden iyo Save the Children Uk oo uu ku amaanay waxqabad iyo shaqaalaha oo si fiican ay ku qaataan.

3. Maxamuud Cumar Bille oo naloo sheegay in uu la shiray dhowr goor dhalinyaro hubaysan , balse aan la aqoon ujeedada shirkaas, inkastoo loo fasirtay mid ku wajahan dhinaca hay adaha.

4. Dhallinyaro ay isku hayb yihiin Maxamuud Cumar Bille oo weerartay hay ada UNDP ee Garoowe oo shaki na gelisay ka dib markii Maxamuud waraysiyo uu siiyey Saxaafada gudaha iyo dibadaba ku canbaareeyey UNDP Musuq-maasuqa shaqooyinka.

5. Maxamuud oo ku ku biiray mucaaradka ka dib goortuu muddo baago muudo ahaa oo laga yaabo in uu rabo in uu halkaas ku aargoosto, maadaama uu yahay Suxufi madax banaan.

6. Maxamuud Cumar Bille oo sheegay in horay looga qaaday si xaqdaro ah oo musuq maasuq ah shaqooyin aad u fara badan , kuwaas oo uu sheegay in ay ka qaadeen masuuliyiin isugu jirta kuwa hay adaha sida Soomaalida iyo ajnabiga iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka oo garabayshan ahaan lagu sii yey dad aan u qalmin waa siday hadalka u dhigeene uuna hayo dhamaan markhaantiyaashii.

7. Maxamuud Cumar Bille oo khimrad dheeraad ah u leh qaabka ay hay aduhu ku shaqaalaysiiyaan dadka ka dib markaanu hay ado badan ka helnay taariikh nololeedkiisa kuwaas oo noo sheegay in dad kale la qaatay si kastaba ha ku dhacdee.

8. Sidoo kale waxaa ay soo bandhigeen saraakiisha hay adaha qaarkood waraysi ay ka duubeen Maxamuud Cumar Bille oo uu siiyey Idaacado caalami ah in uu isticmaalay hadalo ay aad uga naxeen sida weedhaan soo socota. Most of the officers for International NGOs and United Nationas Agencies In Puntland came only for abuse of humanitarian donations or sponsorships for personal gains, cases of bribery to fulfill their targets as free, for the reason that our people are still dying for thirst, hunger, lack of shelters and medicine while International Community have done their ability up to the best extent to help our people, but unfortunately corruptions dominate their goodwill.

iyo sidoo kale weedhaan kale oo u qornayd sidatan ay sheegeen in uu isticmaalay Maxamuud .
Most of the Agencies give job opportunities to only recommended individuals by the government officialdom in the moon of corruptions and mismanagement
.
Sida uu noo sheegay sarkaalka qoraalkaan na soo gaarsiiyey Shirkaan ayaa waxaan goob-joog ka ahayn gudoomiyaha RPPP, balse waxaa joogay Maxamuud Cumar Bille, sarkaalka dhinaca saxaafada u qaabilsan Xisbiga RPPP iyo masuuliyiin ka socota maamulka.

Maxamuud Cumar Bille ayaa isagu gaashaanka ku dhuftay qodobada qaarkood balse qirtay in uu ka hadlay musuq maasuqa shaqooyinka oo uu sheegay in uu run ka sheegay sidoo kalena wuxuu qirtay in uu ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee RPPP, balse wuxuu ku gacan sayray dhamaan inta kale qodobada la soo hordhigay.

Sidoo kale , wuxuu sheegay in ay ku balameen masuuliyiinta hay adaha qaarkood shir balaaran oo dhexmara dhamaan masuuliyiinta ugu saraysa mucaaradka iyo Hay adaha Calamiga ah qaarkood.
Maxamuud Cumar Bille ayaa ku gacan sayray in uusan marnaba aqbalayn in sidaan wax ku sii socdaan balse wuxuu sheegay in uu soo jeedinayo talooyin iyo tusaalooyin ku saabsan waxa dadku ka cabanayaan uuna gacanta ku hayo iminkaba wuxuuna u sheegay inta badan hay aduhu in ayba yihiin kuwo qabiilo gaar ah leeyihiin.

Agaasimaha warfaafinta Xisbiga Ramaas Maxamuud Cumar Bille
Fadhigooda Garowe
mcbille@gmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2008

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com