SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wariyihii labaab oo ku xiran xabsiga magalada bosaaso.

Ciidanka Amaanka ee Puntland ayaa Xabsiga dhigey Wariye Iidle macalin oo ka mid ah Suxufiyiinta Puntland ,ayagoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay ciidanka Booliska Puntland oo talaabadan ku aadan.

Xabsiga Magaalada Boosaaso waxaa ku jirey mudo dhan 19-Maalmood Cawaale Jaamac Salaad oo ay xireen ciidanka Bileyska Puntland ,markii uu Sawiro ka soo qaaday Kooxihii heystay Wariyihii udhashay dalka Faransiiska.

Puntland ayaa sheegtay in ay Wariye Cawaale Jaamac Salaad uu deegaanada Puntland ka sheegay war aan waxba ka jirin oo ku aadan in ay Puntland joogto Argagixiso iyo waxyaabo kale ,ayagoo sheegay in ay Xabsiga ku sii heynayaan ilaa danbigiisa Maxkamad lasoo taagayo.

Wariye Cawaale Jaamac Salaad ayaa utagey oo Sawiro ka soo qaaday Kooxihii Afduubkan ahaan uheystay Wariye udhashay dalka Faransiiska ,isagoo ilaa markaasina ku jirey Xabsiga Magaalada Boosaaso.

Majiraan wax Maxkamad ah oo lasoo taagay Wariyaashii lugu hayo Xabsiyada Magaalada Boosaaso ee Puntland ,ayagoo Wariye Iidle ay saaka qabteen Booliska Boosaaso ,isagoo kuda jirey howlihii Suxufinimo ee maalinimo.

Xiritaankan Suxufiyiinta ee ay ku dhaqaaqday Puntland ayaa ka soo horjeeda Dastuurka Puntland iyo Xeerarka Caalamiga ah ee Madax banaanida Saxaafada Aduunka ,ayagoo aysan horey ujirin xiritaanka Saxaafada dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.


bashiir cumar cali/bosaaso
bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2008

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com