SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Gudiga Ganacsatada Eastlieght Business Comunity oo Shir saxaafadeed dhinacyo badan taabana Nairobi ku qabtay...

Axad, Jan 6, 2008


Sawirka Bidix Gudoomiye Xaaji Xasan Guuleed, iyo wariye Yasin Cise

Shirkaan Jaraa'id ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Eastlieght ee magaalada Nairobi iyadoo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah madaxda sare ee (Eastlieght Business Comunity) iyo gudoomiyaha Eastlieght Business Comunity Xaaji Xasan Guuleed iyo gudoomiye ku xigaynka guddi hoosaadka ahna afhayeenka ururka Eastlieght Business Comunity.

Ugu horayntii waxaa halkaasi hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay gudoomiyaha gudiga ganacsata Islii Xaaji Xasan Guuleed isagoo marka hore ku nuux nuuxsaday xaaladaha ammaanka iyo qaabka ay amaanka goobaha ganacsiga ee xaafada Eastlieght ay isaga kaashadeen ciidamada ammaanka ee dalka isagoo sheegay in ciidamo dhar cad iyo kuwa loo yaqaan Adminsitration Police (AP) iyo dhalin yaro abaabulan ay iska kaashadeen sidii loo sugi lahaa ammaanka goobahaasi gacansiga maadaama uu dalka ku jiro xaalad cakiran iyadoo dhac iyo boob loo gaystay meelo ganacsi oo dalka ku yaal.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu baaq u jeediyay dadka Soomaalida ah gaar ahaana kuwa hoos yimaada Eastlieght Business Comunity in ay dhex dhexaad ka noqdaan xaalada oo dalku marayo ee siyaasada salka ku haysa.


Sawirka Xaaji Guuleed iyo Wariye Maxamed Cabdi Bootaan

Ugu danbayntii Xaaji Xasan Guuleed gudoomiyaha Eastlieght Business Comunity dadka Soomaaliyeed xaafada Islii ee ay Soomaalidu gacansiga ugu badan ku haysato in ay gar gaar deg deg ah la gaaraan shacabka tabaalaystan ee kenyanka ah ee ku bara kacay gobolada dalka waxaana uu ku baaqay in raashin, dharba lala gaaro dadkaasi isagoo si gaar ah ula hadlayay ganacsata dharka ku haray dukaamadooda ay sadaqaystaan oo ay dadka dhibku helay la gaaraan, waxaana uu sheegay in haayada Laanqayrta Cas loo sii marin doono kaalamadaasi dadka dhibanayaasha ah.


Sawirka Wariye Xaaji Gool iyo Wariye Maxamed Cabdi Bootaan. iyo goobta tabarucaada la keenayo

Goobta lagu soo hagaaninayo kaalmooyinkaasi ayaa waxay noqon doontaa Sida uu Xaaji Xasan Sheegay halka loo yaqaan Ex Kenya Buss oo hada uu ka dhisan laga dhisay Eastlieght Mall Shoping Complex.


Sawirka Bashiir Cali Mahad


Dhismaha tabarucaada la keenayo

Sidoo kale Waxaa isna hadal ka jeediyay goobjoogna ka ahaa Gudoomiye ku xigaynka gudi hoosaadka Eastlieght Business Comunity Bashiir Cali Mahad isagoo si la mid ah gudoomiyaha ku dhiiri galiyay ganacsatada in ay muujiyaan taxadar iyo fiiro gaar ah inta uu dalku qasan yahay, waxaana uu ku tartansiiyay dadku in ay ku dadaalaan sidoo gacan looga gaysan lahaa taakulaynta dadka tabaalaysan iyadoo Xarunta Air Base Force ee ciidamada cirka ee xaafada islii lagu soo waramayo in ay dad ka soo barakacay goobaha dhibku ka dhacay ay ku sugan yihiin sida ay sheegeen Eastlieght Business Comunity.



Sawirada Matatu Islii Maraya, iyo Banki Xiran

Dhanka kale Xaalada dalka ayaa dalka ayaa sidicaadiga ahayd ku soo laabatay laga soo bilaabo maalintii sabtida ahayd iyadoo isku socodka gadiidka iyo gawaarida si wayn looga dareemayo Nairobi balse waxaa xiran Bankigada caalamiga ah ee dalka ku yaal cabsi ay ka qabaan in rabshado dhacaan.

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
bootaan_somalitalk@yahoo.com
botaan1@hotmail.com 
Niarobi-kenya.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 06, 2008

Golaha Wasiirada Xukuumadda Cusub ee Col. Cadde oo La dhaariyey
Sabtidii waxaa magaalada Baydhabo lagu dhaariyey 12 wasiir iyo 5 wasiir xigeen oo kamid ah 23-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha xukuumadda col. Nuur Cadde... Dhegeysi/Sawirro

Minnesota: Jaaliyadda Reer Kenya oo Qoraal u Gudbiyey Sen. Coleman
kenya
Minnesota Somali Kenyans, Kenyans, iyo saaxiibadood ayaa Senator Coleman u  gudbiyey cabasho kusaabsan fowdada iyo qalalaasaha doorashada Kenya.... Akhri warbixinta...

C/Laahi Yuusuf "waa nin meelahaas markasta wixii uu rabo iskaga hadla, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu..."
Sidas waxaa yiri Daahir Riyaale oo si kulul uga jawaabey hadalki C/laahi Yuusuf ee ahaa... Akhris/Dhegeysi...

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com