SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
05 Jenuary 2008.

Dagaallo ciidammada gumaysiga lagu jabiyay.

Dad ay ciidammada gumaysigu ku laayeen meelo kala duwan.

Dadwayne ciidammada gumaysigu xidhxidheen.

Booliska Jigjiga oo shaqadii laga joojiyay.
Mareykanka oo Ogadenia u diray koox xaqiiqo raadis ah.
Meles oo kala dooran la' in uu joogo Somaliya ama uu ka baxo
======================

Dagaallo ciidammada gumaysiga lagu jabiyay.

Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;

02/01/08 dagaal ka dhacay Hiinsaraar, oo ka tirsan degmada Sagag, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari.

Sidoo kale 02/01/08 dagaal ak dhacay Harjumaan, oo ka tirsan degmada Galaalshe, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

31/12/07 dagaal CWXO iyo kwa gumaysiga ku dhex-maray Boodhley, oo ka tirsan degmada Sagag, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 31/12/07 dagaal isaguna ka dhacay Garasle, oo ka tirsan degmada Galaalshe, waxaa ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

27/12/07 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex-maray Balli-aftaag, oo ka tirsan degmada Dannood, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

26/12/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan degmada Gunagado, waxayna u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Sidoo kale 26/12/07 weerar gaadmo ah oo loo gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Saliidda, oo ka tirsan defmada Fiiq, waxaa lagaga dilay 2 askari inta la ogyahay.

25/12/07 weerar loo gaystay ciidammada gumaysiga eek u sugan Babaase, oo ka tirsan degmada Dannood, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

18/12/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar kadiso ah ku qaaday kolonyo ay wateen ciidammada gumayisga Itoobiya oo maraysay Kabtii-naag, waxayna ka dileen inta la ogyahay 3 askari, 2 kalana way ka dhaawaceen.

16/12/07 dagaal ka dhacay Ina-huruuf, oo ka tirsan Fiiq, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

15/12/07 dagaal ak dhacay meesha lagu magacaabo Dhabaa-dhube, oo ka tirsan degmada Galaalshe, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7 askari.

13-14/12/07 waxaa weerarro mir ah loo gaystay ciidammada gumaysiga eek u sugan magaalada Dhagax-madow, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Dad ay ciidammada gumaysigu ku laayeen meelo kala duwan.

Ciidammada nacabka ah ee guamysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dad rayad ah oo aan waxba galabsanin.

01/01/08 Qarjajabo, oo Garbo ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku laayeen afar qof oo shacab ah oo kala ah;
1- Idiin Cabdi Sulub
2- Maxamed C/naasir
3- Mustafe Baddal iyo
4- Nin kale oo magaciisa aanaan haynin

31/12/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Qabridaharre ku dileen nin shacab ah oo magaciisa hore aanaan haynin, laakiin uu dhalay ninka lagu magacaabo Muxumed Gacandhi.

22/12/07 waxay ciidammada gumaysigu sidoo kale ku laayeen Jeexdin labo qof oo shacab ah, waxayna kala yihiin;
1- Shukri Xarbi iyo
2- Xasan Caydiid

Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale aaseen Ceelashii ku yaallay nawaaxiga Jeexdin ee dadwaynuhu ka cabbi jiray. Waxay sidoo kale furteen oo la tageen Riigag saarnaa Ceelasha qaarkood. Arrintan ayaa sababtay in dhibaato biya la’aaneed oo qallafsani la soo gudboonaato dadwaynaha deegaankaas ku dhaqan, iyadoo waliba lagu jiro xilli Abaar ah oo roobabkii Dayrtu ayna si fiican u di’in.

Dadwayne ciidammada gumaysigu xidhxidheen.

Ciidammada gumaysigu waxay meelo kala duwan oo gobollada Ogaadeenya ka mid ah ku xidhxidheen dad rayad ah, iyadoo qaarkood ay u gaysteen jidhdil ba’an.

01/01/08 Daawa-diid, oo Dhuxun ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Maxamed Cabdi Wali
2- Faadumo Irshaad
3- Shariif Xamari
4- Xaali Maxamed Ibraahim
5- Shukri Maxamed
6- Maxamed Macalin
7- Xasan Baddal
8- Xasan-nuur Maxamed Ibraahim
9- Deeq Yuusuf C/qaadir iyo
10- Nuuriya Cabdi Hayin

31/12/07 waxay ciidammada gumaysigu gabagabeeyeen reero deggan duleedka degmada Garigo’an, kuwaasooa y dhibaatooyin kala duwan u gaysteen. Waxay bililiqaysteen hantida reerahaas, iyagoo jidhdil gaadhsiiyay qaar ka mid ah dadkaas. Ciidammada gumaysigu waxay halkaas ka taxaabteen oo ay geeyeen magaalada Shaygoosh dadka kala ah;
1- C/wali Xirsi Nuur
2- Deeq IbraahimCabdi iyo
3- Axmed Bashiir Yoonis

29/12/07 waxaa magaalada Jigjiga lagu xidhxidhay dadka kala ah;
1- C/rashiid oo Qururx ku magac-dheer
2- Maxamed Sh Cabdi
3- Axmed Cabdi Saahid
4- Maxamed Dhagawayne
5- Axmed-nuur oo Mursal ku magac-dheer
6- Axmed Ilka-case
7- Kawsar Cismaan
8- Xasan Xaashi iyo
9- Maxamuud Sh Cabdi
Seddexda qof ee denbe sidii guryohooda loogala baxay lama garanayo meel la geeyay.

28/12/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Iimey ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Haadi Mustafe oo jidhdil ba’an loo gaystay
2- Nadiir Cumar Nuur
3- C/llaahi Muxumed
4- Ardo Faarax iyo ilmo ay dhashay
5- Axmed Bile iyo
6- Xandulle Qoorleex

27/12/07 waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen Qarjajabo, oo ka tirsan degmada Garbo, dadka kala ah;
1- Gabadh lagu magacaabo Muus oo magaceeda oo buuxa aanaan haynin iyo
2- Maxamed Axmed Askar.

Booliska Jigjiga oo shaqadii laga joojiyay.

Markii ay taariikhdu ahayd 02/01/08 waxaa magaalada Jigjiga kulan ku yeeshay xubnaha maamul ku-sheegga Kililka, wuxuuna kulankooda oo dhami ku saabsanaa sidii looga hortagi lahaa waxa ay ugu yeedheen hawlgallada ay JWXO ka fuliso magaalada Jigjiga dhexdeeda.

Maamul ku-sheegga Kililka ayaa sidii caadada u ahayd waxay is-waydaarsadeen eedaymo ay isu jeediyeen oo ku saabsan in xubin waliba uu midka kale ku eedeeyo inuu la shaqeeyo JWXO.

Eedaymo qallafsan iyo far isku-fiiq badan ka dib waxay eeddii oo dhan dusha ka saareen booliska oo ay ku tuhmeen inuu fududeeyo hawlgallada ay ku sheegeen inay JWXO ka fuliso magaalada Jigjiga dhexdeeda.

Arrintan ayaa keentay in la soo saaro go’aan booliska ka mamnuucaya inay si madaxbannaan uga shaqeeyaan magaalada Jigjiga dhexdeeda.

Hawlihii uu boolisku hayayna waxaa loo xilsaaray dhalinyaro, rag iyo dumar isugu jira, oo loo tababaray hawlaha sirdoonka, kuwaasoo si qarsoodi ah magaalada uga shaqayn doona. Waxaa sidoo kale la shaqaaleeyay dad ilaa iyo 100 qof oo ka mid ah dadka Tagsiilayaasha ka ah magaalada Jigjiga, kuwaasoo qaban doono hawlo sirdoon ah.

Tallaabadan ay ak denbaysay, ka dib markii magaalada Jigjiga laga fuliyay falal dhawr ah oo qaarkood lagu laayay saraakiil sirdoon ah oo u dhashay qowmiyada Tigreega. Markii ay taariikhdu ahayd 02/01/08 waxaa bamboo lagu qarxiyay baabuur ay wateen askar Itoobiyaan ah, kaasoo ay ku dhinteen 2 askari oo midkood yahay sargaal sirdoona ah oo Tigree u dhashay. Waxaa sidoo kale toogasho lagu dilay sargaal kale oo Tigree ah oo sirdoonka u shaqayn jiray 25/12/07.

Mareykanka oo Ogadenia u diray koox xaqiiqo raadis ah.
Dowladda mareykanka ayaa shaacisay iney Ogadenia u dirtay koox xaqiiqo raadis ah oo soo baadha baahida bani'aadanimo ee ka jirta gobolkaas halkaasoo ay ka ciidamada itoobiya kula dagaalamayaan Ururka kasoo horjeedo ilaa iyo bishii Juun ee sanadkii hore.
September-tii lasoo dhaafay ayey UN-tu ku talisay in baadhitaano madax banaano lagu sameeyo eedeymaha sheegayo in itoobiya ay ka samaneyso dambiyo dagaaal gobolkaas .
Waribixin kasoo baxday safaaradda mareykanka eeEthiopia ayaa lagu sheegay in koox gargaar banii'aadam ah oo ka socoto mareykanka ay joogto Ethiopia ayagoo baadhahayo xaaladda caafimaad, nafaqo xumi, cunno yari iyo xaaladda nolosha ee liidata ee gobolkaas. Warbixintu waxey intaas ku dartay in kooxdani ay imaatay halkaas bishii December 20keeda oo ay indho indheyn ka bilaabeen gobolada Jigjiga iyo Dhagaxbuur toddobaadkii hore.
Xukuumadda washington ayaa u aragta Ethiopia iney tahay saaxiib xaga"dagaalka lagula jiro argagixisada" arintaas oo ay Ethiopia ku hesho boqolaal milyan oo doolar sanad kasta.
Hay'adaha gargaarka iyo kuwa u dooda xaquuqul insaanka ayaa caddeeyay in Ogadenia ay ka dhaceen ku tumasho xuquuqul insaan iyo baaba' banii'aadamnimo oo badan kuwaasoo dhacay kadib markey ciidamada itoobiya bilaabeen dagaalka balaadhan ee ay kula jiraan ONLF tasoo ka danbeesay weerarkii ay ONLF ku qaadday goob ay shirkad shiinees ah ka qodeysay shidaal bishii april ee sanadkii hore.xukuumada Ethiopia ayaa eedemyahaas gaashaanka u daruurta mar kasta.
Itoobiya iyo ONLF labaduba waxey sheegtaan iney iska dileen tiro aad u badan oo ciidamadooda kamid ah lakin sheegashadaas lama caddeyn karo sababtoo ah Itoobiya uma ogola wariyayaasha caalamiga ah iyo shaqaalaha gargaarka iney booqdaan gobolka.
ONLF waxaa la aas aasay 1984 waxeyna u dagaalameysaa xornimada Ogadenia . ONLF waxey aaminsan tahay iney xukuumadda Addis Ababa ka geysto gobolkaas tacddiyo banii'aadanimo.
Meles oo kala dooran la' in uu joogo Somaliya ama uu ka baxo
Wargeyska Indian Ocean ee lagu magacaabo African Intelligence ayaa Todobaadkii hore qorey maaqaal uu ku sheegayo in Meles Zenawi uu kala doooran kari la'yahay in uu Soomaaliya ka baxo ama uu joogo.

Waxa uu Wargeysku sheegay in Meles Zenawi marka uu meel fagaaro ah ka hadlayo uu dafiro in ay ciidamada wadankiisa ku adkaatey in ay soo afjaraan la dagaalanka Kooxaha Mulsimiita ee Soomaaliya. Isaga oo xataa Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa hay'adaheeda ku eedeeyey in ayna qiimeynin kaalinta fiican ee ay Ciidamada Itoobiya ka ciyaraaneen Soomaliya. Laakiin sida wuu Wargeysku sheegay dooda ama wada xaajoodka saraakiisha sare ee Itoobiya waa mid aad u tilmaameysa rajo aanan fiicneyn

Bishii Dec 11, 2007 saacadu markii ay ahayd 11 Barqinimo ilaa iyo intii ay habeenimadu ka soo galeysay , Meles Zenawi ayaa kulan ay albaabadu u xidhan yahay la qaatey Jeneraalada Ciidamada Itoobiya, si ay u qiimeeyaan Xaalada Soomaaliya. Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Itoobiya Samora Yunis. Sida uu sheegayo Wargeyska Idian Ocean in badan oo ka mid ahaa ka soo qaybgalayaasha kulankaasi waxa ay isku raaceen in Xaalada Ciidamada Itoobiya ee Soomaliya aad u qalafsantahay, iyaga oo sheegay in ay aad u liidato sirta Ciidamada Itoobiya ee ku aadan Soomaaliya. Waxay intaas ku dareen oo kale in ay niyada Ciidmadu aad u liidato, iyada oo ay joogto tahay dagaalka ay ku hayaan kooxaha ka soo horjeeda ee Soomaalida ah.

Qaar ka mid ah Jeneraalada Itooboya ayaa ku tala bixiyey in Ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya, ama qaybo ka mid ah Muqdisho. Mid ka mid ah Jeneralaada kulankaas joogey ayaa isagu ku tala bixiyey in marka Ciidamada Itoobiya laga soo saaro Soomaaliya, hubka laga dhigo Ciidamadaas si looga hortago in ay Ciidamadaasi qalalaase dhaliyaan. Balse Jeneralada kale ayaa sheegay hub ka dhigista Ciidmadan aadka u tababaran waxa ay wax u dhimeysaa niyada Ciidamada kale, taas oo keeni karta dhibaatooyin badan.
Ugu dambeyntii kulankaas wax go'aan ah laguma gaarin, in dib loo kulmana laguma balamin

Radio Xoriyo
05 Jenuary 2008

Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari

 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 6, 2008

Golaha Wasiirada Xukuumadda Cusub ee Col. Cadde oo La dhaariyey
Sabtidii waxaa magaalada Baydhabo lagu dhaariyey 12 wasiir iyo 5 wasiir xigeen oo kamid ah 23-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha xukuumadda col. Nuur Cadde... Dhegeysi/Sawirro

Minnesota: Jaaliyadda Reer Kenya oo Qoraal u Gudbiyey Sen. Coleman
kenya
Minnesota Somali Kenyans, Kenyans, iyo saaxiibadood ayaa Senator Coleman u  gudbiyey cabasho kusaabsan fowdada iyo qalalaasaha doorashada Kenya.... Akhri warbixinta...

C/Laahi Yuusuf "waa nin meelahaas markasta wixii uu rabo iskaga hadla, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu..."
Sidas waxaa yiri Daahir Riyaale oo si kulul uga jawaabey hadalki C/laahi Yuusuf ee ahaa... Akhris/Dhegeysi...

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com