SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mid ka Mid Ah Culumaa'udiinka Ugu Caansan Soomaaliya Oo La kulmay Ardayda Soomaliyeed Ee Malaysia Wax ka Barta...

Sh C/qadir Nuur Faarax oo loo yaqaan Sh.C/qadir Gacmeey ayaa muxaadaro uqabtay ardayda Somaaliyeed ee Dalka Malaysia Wax kabarta isagoona ugu hadlayey Muxaadaradaas arimo badan Shiikhu.waxa uu Cadeeyey in ay Muhiim tahay in Mar waliba Alle kacabsiga iyo Barashada cilmiga lays ku xiro, taana ay tahay mida Badbaadadu ku jirto.



Sidoo kale Sh C/qadir Nuur waxa uuu sheegay in jahligu kamid yahay waxa Soomlaaliya maanta heer kaas Foosha xun Taagay isagoo si cad uu weeraray Dhinacyada Siyaasada Soomaalida isku haya yirina " Runbaan idiin Ssheegayaa, anigu cidna kama baqayo, Soomaaliya waxa ay ka dagi la'dahay Waa Ragga Hogaanka Siyaasada haya Xukunkana Doonaya”.



Sh C/qadir Nuur ayaa Carabka ku adkeeyey in Ardayda wax baranaaya hada ay yihiin Jiilka Cusub ee Dalka iyo Dad kuba Sugayaan looga fadhiyo soo celinta Midnimadii Nabadii iyo wanaagii Somaliya lagu yaqiinay Sh C/qadir Nuur oo hadlkiisa Wata Muxaadaradaan xiisaha badana ujeedinayey Ardayda Somaaliyeed ee Malaysia ayaa Yiri " Xilligii leegada ee Gobanima doonka nin garaad leh baan ahaa, waxaana laysku dhaarin jiray (wiil Soomaaliyeed iyo Walaalkaa ha'isku kaamid Noqdaan), idinkana Waxaa laydin ka rabaa taasoo kale" Shiikh Gacameey ayaa Muxaadaradiisa Ardaydi Dhagaysanayey ay ku wada maqsuudeen iyagoona Shiikha umahad ceshay.

Sh C/qadir Nuur Gacameey oo ka yimid magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee maamul Goboleedka Puntland ayaa Arimo Caafimaad uyimid Caasimada Dalka Malaysiya ee Kulalambuur balse Shiikha ayaana qabin cudur uu la jiifo isagoona Caafimaad kiisu is ka Wanaag sanaa Shiikh Gacameey ayaa Muxaadaro dad ka wada qancisay ku qabtay Jaamacad Islaamiga Caalamiga ah Magaceedana loo soo gaabiyo ( I.I.U.M ) ee ku taala Bartamaha Caasimada Malaysiya Jaamacadaas oo ay wax kabartaan Arday badan oo Somaaliyeed oo Gabdho iyo Wiilal ba leh.

Shiikh Gacameey ayaa Muxaadaradiisa waxa ay wada bada shay wajiyadooda Ardaydii Halkas kusug naa oo mar kaas Dhagaysanayey Maxaadarada Shiikha, Ardaydaan kasoo qabgashay oo goob jooga ka ahaa Dhagaysiga Maxaadaradaan Qaaliga ah ee Shiikh Gacameey ayaa waxa ay is kugu jireen Gabdho iyo Wiilal ba Arday Somaaliyeed ah oo ka kala yimid Gobolada kala duwan ee Dalka Somaalia.


Ardaydii kazoo qayb galay Dhagaysiga Qudbada Shiikha oo is kugu jiray Gabdho iyoo Wiilalba ayaa iyagu ahaa kuwo Edeb iyo Akhlaaq ay ka muuqatay iyagoona ukala fa dhiyey laba qay bood Dhinac Raga ah iyo Dhinac Dumarka ah.

Dalka Malaysia ayaa waxaa kunool sida lagu qiyaaso Dad Somaali ah oo tiradoodu gaarayso 1000 Dad kaas Somaalida ah ayaa iskugu jira Ganacsato Arday iyo Dad kale oo Arimo bixitaan ah halkaas ujooga majiraan wax dhib gaar ah oo Somaalida halkaas kunool ay kala kul maan dawlada wadankaas iyagoona sidiiran loo soo dhaweeyey.

Ibrahim C/caziz Lugujire.
Email: ibrapost@gmail.com
Kuala-Lumpur,Malaysia.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 5, 2008

Isbahaysiga Dib-u-Xoraynta Soomaaliya oo Casmara Kula shiraya Wafti ka socda Maraykanka...
iyo Madaxwayne Isaias oo wadahadal la yeeshay US Congressman Donald Payne iyo C/laahi Yuusuf oo kusii jeeda London, UK... Akhri... Jan 5

Golaha Wasiirada Xukuumadda Cusub ee Col. Cadde oo La dhaariyey
Sabtidii waxaa magaalada Baydhabo lagu dhaariyey 12 wasiir iyo 5 wasiir xigeen oo kamid ah 23-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha xukuumadda col. Nuur Cadde... Dhegeysi/Sawirro

Minnesota: Jaaliyadda Reer Kenya oo Qoraal u Gudbiyey Sen. Coleman
kenya
Minnesota Somali Kenyans, Kenyans, iyo saaxiibadood ayaa Senator Coleman u  gudbiyey cabasho kusaabsan fowdada iyo qalalaasaha doorashada Kenya.... Akhri warbixinta...

C/Laahi Yuusuf "waa nin meelahaas markasta wixii uu rabo iskaga hadla, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu..."
Sidas waxaa yiri Daahir Riyaale oo si kulul uga jawaabey hadalki C/laahi Yuusuf ee ahaa... Akhris/Dhegeysi...

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com