SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOSASO

Nabaddoon Xasan Dhuqub oo Maalintii Labaad Ku Xiran Boosaaso...

Axad, Jan 6, 2008: Xasan Dhuqub oo ah Nabaddoon ka mid nabaddoonnada Gobolka Bari ayaa maalintii labaad ku xiran magaalada Boosaaso.

Warar ay SomaliTalk.com ka heshay magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in maanta (Axad) ay odayaasha dhaqanka ee uu ka soo jeedo Nabadoonka la xiray ay la kulmi doonaan Cadde Muuse si ay ugala hadlaan sababta ay ciidamadiisu u xireen nabadoonka iyo in ay weydiisanayaan in nabaddoonka laga soo daayo xabsiga.

Nabaddoon Xasan Dhuqub ayaa la xiray makhribnimadii shalay [Sabti Jan 5, 2008]. Maamulka Cadde Muuse ayaan wax war ah ka soo saarin xariga nabaddoonka.

Waxaa kale oo maanta Boosaaso lagu xiray weriye kale oo qoraallo ku soo qori jirey websiteyada oo ah Iidle Macalin Cumar. Waxaa sidoo kale magaalada Boosaaso muddo laba toddobaad ah ku xiran weriye Cawaale Jaamac Salaad.

Mid ka mid ah Nabaddoonnada ugu caansan Gobolka Bari oo caawa ay Xabsiga u taxaabeen Cidamada Cadde Muuse

Waxaa ciidanka Madaxtooyda Puntland caawa maqribkii [Sabti Jan 5, 2008] xabsiga dhigeen nabdoon Xasan Dhuqub oo ka mid ah nabaddoonda ugu caansan goblka bari

Xasan Dhuqub ayaa xiligii la xiraayey waxaa madaxtooyda ugu yeeray Madaxwaynaha DGPL Cadde Muuse halkasai ay si deg deg ah ay ciidmadu ugu qadeen xabsiga weyn , waana markii ugu horreysay ee nabaddoon noocaan ah lagu xiro gobolada puntlanad taas oo ay aad ula yabeen dadka reer puntanad.

Nabaddoonka la xiray ayaa caan ku ah ka shaqaynta nabadda soo jereenka ah ee puntlanad.

Lama oga ilaa hada sababta loo xiray.

Maamulka xilkiisi dhamaday ee Cadde Muuse ayaa dadku waxay sheegayaan in uu door biday inuu bulshada ku jaahweersho qas iyo qaraxyo uu maleegay si u dadka uga dhaadhiciyo in cadaw ku soo duulay.

Nabaddoon ka mid ah beesha uu kasoo jeedo Nabaddoonka la xiray ayaa shaaca ka qaaday in caawa waxii laga bilaabo aaney jirin wax dawlad ah.


Golaha Wasiirada Xukuumadda Cusub ee Col. Cadde oo La dhaariyey

Dhamaan beelaha goblka bari ayaa haatan wada wada ololayn adag sidii loo dejin lahaa beesha uu kasoo jeedo Nabaddoonka la xiray, waxayna ku dadaalayaan in nabad wax ku dhammaadaan.

Nabaddoonno goblka bari ayaa durba soo saray baaqayo adag ay bulshda ugu sheegayaan in la illaaliyo nabadda.

Ilo wargal ah oo jooga Boosaso.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 5, 2008

Minnesota: Jaaliyadda Reer Kenya oo Qoraal u Gudbiyey Sen. Coleman
kenya
Minnesota Somali Kenyans, Kenyans, iyo saaxiibadood ayaa Senator Coleman u  gudbiyey cabasho kusaabsan fowdada iyo qalalaasaha doorashada Kenya.... Akhri warbixinta...

C/Laahi Yuusuf "waa nin meelahaas markasta wixii uu rabo iskaga hadla, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu..."
Sidas waxaa yiri Daahir Riyaale oo si kulul uga jawaabey hadalki C/laahi Yuusuf ee ahaa... Akhris/Dhegeysi...

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com