SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CADAADO

Khasaaraha dagaalkii Khamiista kadhacay degmada Cadaado ee Gobolka galgaduud oo sii kordheysa....

Ilaa 12 ruux ayaa laxaqiijiyay inay kugeeriyoodeen halka inkabadan 20 ruux oo kale aay kudhaawacmeen dagaal maanta [Khamiis Jan 3, 2008] kadhacay degmada cadaado sida uu warbaahinta caawa uu uxaqiijiyay gudoomiye kuxigeenka degmada cadaado Cabdul cali gureey.

Dadka geeriyooday ayaa laxaqiijiyay intooda badan inay ahaayeen maleeshiyooyinkii dagaalamayay oo dadka deegaanka xaqiijiyeen inay kala taabacsanaayeen dowlada kmg ah iyo midawgii maxakmadaha islaamiga inkastoo gudoomiye kuxigeenku uu arinkaasi beeniyay isagoo kutilmaamay dagaalku inuu udhaxeeyay maleeshiyaad wada daga gobolka galgaduud oo khilaaf soo kala dhex galay.

Degmada Cadaado malahan wax isbitaal ah oo lagu daweeyo dadka dhaawaca ah taasina waxa aay sababtay in dadkii kudhaawacmay dagaalkaasi loo qaado magaalada Gaalkacyo.

Xaalada degmada Cadaado ayaa imina iyadoo gudoomiye ku xigeenkana rajo ka muujiyey inuu xaalka degi doono.

Dagaalkani oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu barqanimadii khamiista abaaro 9:15 daqiiqo ka biloowday bartamaha magaalada Cadaado waxaana wararka ka imaanaya ay sheegayaan in markii danbe uu dagaalka u siqay dhanka galinsoor.

Abdulkarim Mohamed Jim’ale (Muxsin)
muxsin55@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2008

VIDEO-XIRIIR AH: Daawo Rabshadaha Ka Socda Kenya video

C/Laahi Yuusuf "waa nin meelahaas markasta wixii uu rabo iskaga hadla, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu..."
Sidas waxaa yiri Daahir Riyaale oo si kulul uga jawaabey hadalki C/laahi Yuusuf ee ahaa... Akhris/Dhegeysi...

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com