SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - IOWA

Barack Obama oo Guushii ugu horeysey ka soo hooyey Tartanka Isreeb-reebka Madaxtinimada Maraykanka....


Barack Obama
  • SomaliTalk.com | USA | Jan 4, 2008

Doorashii ugu horeysey ee isreeb reebka [caucus] ee tartanka madaxweyna-nimada Maraykanke ee caawa [Khamiis Jan 3, 2008] kacday Iowa waxaa dhanka xisbiga dimoqraadiga ay guushii raacday Barack Obama, halka dhanka xisbiga Republicanka ay raacday Mike Huckabee.

Tirintii codadka ee ugu horeysey ee dhanka xisbiga Dimoqraadiga waxay muujisay in Barack Obama uu ka guuleysey musharaxiintii kale oo ay kamid yihiin Hillary Clinton iyo John Edward.

Tartarnkan ayaa waxaa uu yahay mid musharaxiintu ay ku doonayaan in ay helaan taagerada xisbiga si loogu xusho musharaxii xisbiga u matali lahaa doorashada guud ee madaxweynaha.

Arrinta cajaa'ibka ahayd, sida ay muujiyeen dadka siyaasadda odorosa, waxay hayd guusha uu Obama ka gaarey Gobolka Iowa, maadaama dadka gobolkaasi deggani ay yihiin dad caddaan ah (93.9%), gobolkaas oo ay aad iyo aad ugu yar yihiin dadka madow (2.1%). Obama waa ninka keliya ee madowga ah ee sannadkan 2008 u tartamaya in uu noqdo madaxweynihii ugu horeeyey Maraykanka ee madaw ah.

Obama tirintii ugu horeysey ee codadkii reer Iowa ee u codeynayey xisbiga Dimoqraadiga waxa uu helay 38%, halka John Edward ka haystey 30%,  Hillary Clinton ay haysatey 29%.

Hal-kudhegga Barack Obama waa "Isbedel aan rumaysan karro".


Sawirka: ABC

Shaashadaha telefishanada Maraykanka ayaa fiidkii Khamiistii hal mar soo saaray guusha Obama oo far waaweyn ku qoran tahay, tii oo lagu muujiyey khariidada gobolka Iowa ee ku guulaystey.

Tallaabada xigta ee doorashada Maraykanka waa in sida Iowa oo kale ay musharaxiintu u raadiyaan taageerada gobolada kale ee lagu qaban doono doorashada xulashada musharaxiinta, gobolka kusoo xigana waa New Hampshire ilaa marka ugu dambaysa xisbiyadu ay soo xushaan mid kasta hal musharax oo uga qayb gaeli doona doorashada guud ee ay shacabka Maraykanku dooran doonaa madaxweynaha.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2008

Minnesota: Jaaliyadda Reer Kenya oo Qoraal u Gudbiyey Sen. Coleman
kenya
Minnesota Somali Kenyans, Kenyans, iyo saaxiibadood ayaa Senator Coleman u  gudbiyey cabasho kusaabsan fowdada iyo qalalaasaha doorashada Kenya.... Akhri warbixinta...

C/Laahi Yuusuf "waa nin meelahaas markasta wixii uu rabo iskaga hadla, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu..."
Sidas waxaa yiri Daahir Riyaale oo si kulul uga jawaabey hadalki C/laahi Yuusuf ee ahaa... Akhris/Dhegeysi...

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com