SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG Soomaaliya "Itoobiya Waxay bur-burisay khatar xoog leh oo halis galisay"
  • Siyum Musfin Oo Dhex- dhexaadinaya C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde iyo isagoo Qaadacay Wada Hadalka Ururka Dib U Xoraynta iyo DFKMG....
  • Degmada Buraan ee G/Sanaag oo laga hir galiyay adeeg Isgaarsiineed

Ciidamada DFKMG oo diley Nin ay Walaalo ahaayeen Wasiirka Warfaafinta DFKMG: Waxaa magaalada Muqdisho [Feb 27, 2008[ toogasho lagu diley Abuukar Cabdisalaam oo ay walaalo ahaayeen Wasiirka dhowaanta loo magacaabay Waraafinta DFKMG, Axmed Cabdisalaam. Wararku waxay tibaaxeen in arrintani ay dhacday kaddib Ciidmada DFKMG ay arkeen ninkan oo gurigiisa hortaagan oo ku hadlayey Telefoonka gacanta, markaasna ay ka shakiyeen oo cayrsadeen, oo toogasho ku dileen. [Tixraac]

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG Soomaaliya "Itoobiya Waxay bur-burisay khatar xoog leh oo halis galisay"

Jingali: "Dadadka wax heysta oo Somalida ah ayaan ogoleyn in la helo maamul dowladeed oo shaqeeya..."

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee DFKMG wadanka Somaliya Cali Axmed Jaamac Jingali ayaa xalay [Feb 27, 2008] kulan gaaban la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Wadanka Uganda, waxaana kulankaas oo uu soo qaban qaabiyay Sii-hayaha Safaaradda Soomaalida ee Uganda Cadulqaadir Faarax uu wasiirku uga sheekeeyayay qodobo dhowr ah oo la xiriira siyaasadda Dowladda FKMG, Nabadda, joogista Ciidamada Itoobiya, doorashada 2009, iyo Furitaanka Safaaradda Somaaliya ee Uganda.
 
Kaddib warbixin guud oo guddoomiyaha Jaaliyadda uu Wasiirka siiyaya ayaa Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku billaabay "Dowladda Uganda aad iyo aad ayay noo gacan qabtay, wax la isku aamino tii ugu fiicneyd ayay Somaliya ku aaminten, taas oo ah wiishashooda, waayo waxay u dhabar adeygeen in ay wadan dhibaateysa ciidankooda geeyaan, si ay uga qeyb qaataan Nabad ku soo dabaalista Somalia, waxay saaxiib aad u dhow yihiin dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ah joogaan, mar kasta oo aan la sheekeysano, waxay noo sheegaan in Dadka Soomaaliyeed ee Ugadan degan ay yihiin dad Nabad iyo wanaag ku jooga, runtiina waa abaal ay noo galeen" ayuu yiri Wasiirka oo intaas sii daba dhigay "Safaaradda Somaliya ee Uganda goor dhow waa howl galeysa, waxaa magacaaban Safiirka Somaliya ee Uganda Sayid Axmed Sheekh Daahir, waloow ay jirto dhaqaale la'aan aad u xoogan, hadana dano xoog leh ayaa naga dhexeeya Uganda waana howl galeysaa Safaaraddu goor dhow"
 
Mar wax laga weydiiyay dib u heshiisiinta iyo Ururka dib u xoreynta Somalia ee jooga Asmara wuxuu yiri "Dowladda cusub ee tirada yar leh waxay jidka u xaaqeysa nabadda iyo Dib u heshiisinta, waana in qof kastaahi dhexda marada ku xirtaa si loo helo qaran taagan, kooxda Asmara waxay ku dhegan yihiin hal qodo oo ah Waa in IToobiya dalka ka baxdaa, laakiin maahan in ay is toxbiyaan oo meel ay qabsadaan, inaga waxaan dooneynaa in ay dowladnimada ay nala qeyb sadaan, diyaar ayaana u nahay in ay maamulka wax ka qeybsadaan, runtiina qof kastaahi waa inuu ogaadaa in dowladdu ay tahay mid loo dhamaado waayo Dano kulmay oo la isku af garto ayaa fuliya ujeedo la la isku raacsan yahay, xilli kasta waan la xiriirneynaa waana soo dhaweyneynaa is fahan na dhex mara, shacbka kale qudhoodu ha ogaadeen in ay wax ku leeyihiin dib u heshiisiinta, waana in dad badan oo aamusan ay hadalaan oo wax la wada toosiyo, danta Soomaaliyeedna laga fikiraa"
 
"In la heshiiyaahi waa muhiim, isku dhag-dha, ka carar iyo kala qeybsanaan siyaasadeed waxba ma tareyso, dad badan oo is gumaaday oo ba' iska raacsiiiyay ayaa heshiisay, bal eeg Rwanda waxa ka dhacay, ma is leedahay marka in ay dad saaxiibo ah oo is dhexgala, wada ganacsada, isla kaftama ay heshiin waayaan?, waa in laga heshiiyaa, la isna aaminaa oo meesha laga saara is fahamdarrida yar ee jirta" ayuu sii daba dhigay Wasiirku.
"Waxaa nasiib darro ah in 5-tii sano ee Dowladda KMG loogu talo galay ay ku dhammaan rabto khilaaf iyo kala fogaasho, in kasta oo shirkii dib u heshiisiinta ee dhawaan la qabtay uu xoogaa is bedel ah sameeyay, taas oo ay ka mid tahay Xukuumad yar oo tayo leh oo tan maanta shaqeyneysa ah"


kulankii Jaaliyadda Somalida ee Uganda iyo Jangali

 
Su'aal Somalida Uganda ay weydiisay Wasiirka oo aheyd YAA KA DAMBEEYA DHIBKA SOMALIYA KA JIRA? wuxuu Wasiirku uga jawaabay "Laba arrimood ayaa ka dambeeya dhibka Somalia ka jira, 1, Dadadka wax heysta oo Somalida ah ayaan ogoleyn in la helo maamul dowladeed oo shaqeeya, waana arrin la yaab leh in fidno ay hor kacaan dad hantiile yaal ah, adduunka waxaa jirta in dadka xoolaha heystaahi ay iyagu Nabadda raadinaay si ganacsigooda iyo dhaqaalahooda ay u nabad galaan, iyo 2, aaminaad darro siyaasadeed oo ka timid ku xadgudubkii ama abuse loo geystay dowlad shaqeyneysay oo meesha laga saaray, waxaana idiin sheegayaa in aan lagu mar-marsiyoon American iyo Itoobiyaan ayaa diidan Nabadda Soomaaliya ee inaga ayaa isku diidan"


Bixid: Jangali

 
Mar uu ka hadlay Mr. Jingali sida ay ciidamada Itoobiya dalka ku soo galeen wuxuu yiri "Itoobiyaanku ma dooneyn, mana doonayaan wax la yiraahdo Jihaad lala galo, waxayna u aragtay khatar xoog leh oo soo foodsaartay kooxihii watay Jihaadka, mana jirto Dowladda fiirsaneysa khatar ku soo wajahan jiritaankeeda, maantana waxay diyaar u tahay in ay Soomaaliya ka baxdo, in kasta oo dadka qaarkiis ay aaminsan yihiin in Itoobiya ay wadanka qabsatay, hadana waa wax kama jiraan oo ma dhici karto dal dal kale qabsadaahi maanta oo qarnigii 21-aad lagu jiro"
 
Wasiirka oo Saadaal ka bixinaya doorasho kaddib dowladan hadda jirta ayaa yiri "Waxaa hubaal ah haddii ay sidan ku sii socoto in aysan dhaceynin doorashada 2009, in ay nooga darto ayaa suurto gal ah Doorasho, waayo dowladda dhisanaa ayay qal-qal galisay, qaarkoodna waa bur-burisay, laakiin haddii Xukuumadda aan hadda ka tirsanahay ay u hirgasho qorshaha doorasahda iyo diyaarinta Tastuur xoogan, waxaa dhici karta in wadanku uu jawi nabadeed uu galo, la iskuna fahmo dano kulma oo horumar horseeda"
 
W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Kampala, Uganda
Email: farahblue_545@hotmail.com

Ogaysiis Muhiim ah oo ka Yimi Shirkada Golis

Bosaaso:- Waxa la ogaysiinayaa Macaamiisha Sharafta leh in Shirkada Golis Telecom ay wax ka bedeshay Furayaashii dibada looga soo waci jiray waxana laga dhigay sidan soo Socota, Moobilka waxa dibadda looga soo wacayaa 00252-90-, Fixed Line-ka Waxa dibada looga soo wacayaa 00252-5.
Fadlan la soco hadii Mobilka dibada looga soo waco Furaha ah:- 00252-5 Masoo galayo Khadku, Sidaasi darteed waxaan Macaamiisha Shirkada Golis ka codsanaynaa inay Eheladooda Asxaabtooda iyo Qaraabadooda ka soo wacaya Dibadda ay Sidaas ula socodsiiyaan.

Xafiiska Suuq Gaynta ee Shirkada Golis


Siyum Musfin Oo Dhex- dhexaadinaya C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde iyo isagoo Qaadacay Wada Hadalka Ururka Dib U Xoraynta iyo DFKMG....

Masuuliyiinta ugu sarsaraysa dowladda FKMG ah ayaa maalintii shalay [Feb 27, 2008] ahayd u ambabaxay magaalada baydhabo kadib markii uu isugu yeeray Wasiirka arimaha Dibada Siyum Musfin oo la sheegay inuu kala dhex galayo c/laahi yuusuf iyo Col Nur cadde oo khilaaf soo kala dhex galay.

Khilaafkan ka dhex taagan masuuliyiinta dowlada FKMG ah oo dhowaanahanba ahaa mid sii xumaanayey ayaa la sheegayaa inuu madaxa la galay meeshii ugu darayd islamarkaana uu salka ku hayo dadaalka Nuur cadde uu ku doonayo inuu Mucaaridka dowlada KMG ah sidii uu wada hadal ula yeelan lahaa iyo madaxweynaha DFKMG yuusuf oo arintaasi kasoo horjeestay.

Sidoo kale kulankan lagu dhex dhexaadinayey madaxweynaha DFKMG yuusuf iyo Nuur cadde oo ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen ayaa warar hoosaadyo laga helayo sheegayaan in wasiirka arimaha Dibada Ethiopia uu khasab kaga dhigay Nuur cadde inuu joojiyo wada hadalka uu ku doonayo inuu la yeesho Masuuliyiinta ugu sarsarysa ururka dib u xoraynta soomaaliya oo fadhigoodu yahay Xarunta wadanka Ereteriya ee Asmara .

Siyum Musfin oo ah wasiirka arimaha Dibada Ethiopia ayaa sidoo kale la sheegay inuu Ururka dib u xoraynta soomaaliya oo dhowaanahanba Raysal wasaaraha DFKMG nuur cadde uu dhinaca isgarsiinta wada hadalo kula lahaa sidii uu isugu soo dhoweyn lahaa iyaga iyo dowlada FKMG ayuu ku sheegay wasiirku inay argagixiso yihiin islamarkaana uu Gaashaanka ku dhuftay inuusan Nuur cadde wax wada hadal ah la yeelan Karin.

Dhinaca kale khilaaf gacan ka hadal keenay oo dhex maray madaxweynaah DFKMG c/laahi yuusuf iyo gen.gabra ayaa la sheegay inuu wasiirku kala hadlay arintaasi madaxweynaha DFKMG islamrkaana aan la ogayn waxa kasoo baxay waloow ay warar hoosaadyo laga helayo madaxtooyada baydhabo sheegayaan inuu madaxweynaha DFKMG yuusuf iyo Musfin ay isla meel dhigeen in loo madax baneeyo Gen,Gabra inuu meel kasta oo lagu sheego waxa loogu yeero argagixisada iyo ONLF ay tegi karaan ciidamada Ethiopia ee wadanka soomaaliya jooga .

Wada hadalkan sadexda masuul ayaa kusoo beegmaya xili uu khilaaf ba'ani soo kala dhex galay dowlada FKMG ah dhexdeeda oo ay weheliyaan khilaaf kale oo u dhexeeya sarkaalka ugu sareeya ciidamada xukuumada Ethiopia ee wadanka soomaaliya ku sugan iyo madaxweynaha DFKMG yuusuf taasoo aan la ogayn halka uu ku damabyn doono waloow ay dowlada Ethiopia dadaalo ugu jirto sidii ay u dhamayn lahayd khilafkaasi sidii ay danaheeda uga fushato wadanka soomaaliya .

yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Degmada Buraan ee G/Sanaag oo laga hir galiyay adeeg Isgaarsiineed

Buraan:- Degmada Buraan ee ku taala Gobolka Sanaag ayaa maanta [Feb 28, 2008] si rasmi ah looga hir galiyay adeega Isgaarsiineed taasi oo ay Fulisay Shirkada Golis oo ah Hormuudka Isgaarsiinta ee Casriga haatan la joogo, dadka Deegaanka ayaa sheegay inay aad u sood dhaweeyeen adeegaasi ay Keentay Shirkada Golis, Buraan ayaan horay ulahaan jirin wax Isgaarsiin ah.

Sida ay noo sheegeen wax garadka deegaanka Buraan waxa maanta si toosa daaha looga qaaday galinta Talefoonada oo laga hirgaliyay Degmada Buraan, waxa ay sheegeen in ilaa 250- Guri haatan si toosa loo galiyay Adeegaasi ay Fududaysay Shirkada Golis.

Maxamuud Cismaan oo ka mid ah dadka Deegaanka ayaa shaaca ka qaaday inay hawshaasi ay wadaan Shirkada Golis ay aad u soo dhawaynayaan isaga oo intaasi raaciyay inay dhib wayn ku qabeen Adeega Isgaarsiinta oo aan horay Deegaankaasi uga jirin.

"Waxaan leenahay hadaanu nahay Shacabka Deegaanka Buraan Golis ku soo dhawoow Gacmo furan waanuna la shaqaynaynaa dhamaan halwadeenada Shirkada Golis, Buraan waa magaalo wayn horayna uma lahaan jiray wax Isgaarsiin ah balse maanta waa Ilaahay Mahadiisa  Shirkada Golis ayaa adeegaasi Fulisay, Saas waxa yiri mid ka mid ah dadka Deegaanka Buraan.

Degmada Buraan ee hoos timaada Gobolka Sanaag ayaa waxa lagaliyay adeega loo yaqaan Line-linka oo ka mid ah adeegyada ay Bixiso Shirkada Golis, waxa jira dad badan oo xusul duub ugu jiray inay iyana shagtaan Guryahooda Adeegaasi.

Shirkada Golis oo adeegan iyadu fulisay  ayaa ah mid aad ay u amaanaan Dhamaan Shacabka Somaliyeed iyada oo tan iyo intii ay dhacday Dawladiid dhexe ee Dalka Somaliya lays oran karo waa Shirkada kaliya oo Bulshada Somaliyeed baahideeda Dabooshay.

Gobolka Sanaag ayaa waxa uu ka mid yahay Gobolada sida aadka ah looga Isticmaalo Adeegyada Shirkada Golis iyada oo dhawaan farta laga jaray Magaalooyinka Xingalool, Ceelbuh, Hadaaftimo, Dhahar, iyo Badhan.

[Taariikhda degmada Buraan hoos ka akhri.....]

Wasiirka Xanaanda  Xoolaha iyo Beeraha ee Maamulka Puntland ayaa gaadhay Magaalada Dhahar ee G/ Sanaag

Dhahar: Wasiirka Xanaanada iyo Xoolaha Beeraha iyo Deegaanka  ee Maamulka Goboleedka Puntland Cali Jaamac Faarax (Cali Buureed) ayaa mudo laba cisho ah ku sugnaa Magaalada Dhahar ee Xarunta Gobolka Booxaaro halkaasi oo la sheegay inuu wada hadal joogta ah kula leeyahay wax garadka Deegaanka Dhahar, waxa la sheegay inay Buureed iyo dadka Deegaankaasi ka wada hadleen adkaynta Nabad gelyada.

Wasiirka Xaanada Xoolaha ee Puntland  Cali Jaamac Faarax Buureed ayaa waxa la sheegay inuu aad dadka Deegaanka ugu baraarujiyay inay ka hor tagaan wax alaale wixii Amaanka Deegaanka Maja xaabinaya, Cali Buureed ayaa shaaciyay inay Jiraan kuwa doonaya inay Amaanka Mandaqada Sanaag wax yeeleeyaan balse loo baahan yahay inay dadka Deegaanku arinkaasi garwsanaadaan.

Cali Buureed ayaa sidoo kale sheegay in xaalada Gobolka oo idil ay haatan tahay mid Degan oo aanay jirin wax dhiila Colaadeed ah oo haatan taagan marka laga reebo tii dhawaan ka dhacaday Magaalada Badhan ee xarunta Gobolka Booxaaro, isaga oo taasina ku til maamay mid laga soo Abaabulay Magaalada Hargaysa oo la doonayay in dadka Deegaankaasi Amaankooda wax la yeelo balse ay ka guulaysteen dadka Deegaanku oo ay iska caabiyeen kuwii falkaasi maleegayay.

Cali  Buureed ayaa horay ugu sugnaa Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari isaga oo markiiba Safar deg deg ah ugu booqlay Magaalada Dhahar oo uu deegaan ahaan ka soo jeedo, taasi ayaa timi ka dib markii la sheegay inay Amaanka Gobolka ay Qas ku wadaan Kooxo laga soo maleegay  Magaalada Hargaysa.

Guud ahaan xaalada Gobolka Sanaag ayaa ah mid Degan oo aan saasi looga soo qalinayn, iyada oo ay dhawaan qorshihii ay ka wateen Badhan ku guul daraysteen Kooxo Laaluush ka soo qaatay Maamulka Hargaysa kuwaasi oo doonayay inay Barakac iyo dagaal hore ka dhaliyaan Gobolka  Sanaag oo inta badan lagu tiriyo inuu safka hore kaga jiro Gobolka Degan marka la eego xaalada Dalka Somaliya uu maanta maryo.

Jaamac Ayaanle Feyte
Somalitalk.com
Feyte37@hotmail.com


Taariikhda degmada Buraan

Degmada Buaraan waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu faca weyn soomaaliya , sida ay sheegaana odayaal taariikhda aad u yaqaan waxaa magaaladaa la aasaasay waqti hadda laga joogo dhowr qarni.

Magaalada buraan waxyaalaha lagu xasuusto ee taariikhiga ah waxaa ka mid :

In ay xarun u ahayd taliskii daraawiishta ee uu hogaaminaayey sayid  Maxamad Cabdulle Xasan.

Waxaa ku yaal iskool  aad u fac weyn oo la dhisay 1958 xilligii ingiriiska.

Waxaa ku yaalla ceel durdur ah oo aanay biyihiisu guran g,u iyo jiilaalba,waxaana mar walba joogto looga helaa caano iyo hilib maadaama ay xooluhu ku dhowyihiin iyo reeguurugaba ceelka awgiis iyo daaqa oo aad u fiican mandiqadda guud ahaan gaar ahaan Buraan iyo nawaaxigeeda.

Waxaa ku yaal iskool  loogu talagay ilbixinta reer miyiga iyo dadka waaweyn  laguna barto farsamooyin kala duwan .

Waxaa  ku yaala beero aad u facweyn oo ay ka baxaan timir iyo noocyo badan oo khudaar iyo furut ah.

Waxaa sandkii 1974 laga hirgeliyey Buraan xarun  qaxooti oo la isugu keenay reer miyigii xooluhu ka raaceen abaartii Daba dheer, waxaana xilligaa booqasho ku yimi madaxweynihii jamhuuriyadda ee xilligaas  Maxamad Siyaad Barre alle ha u naxariistee.

Waxay Buraan ahayd rug ganacsi oo qadiimi ah oo ay ka furnaayeen dukaamo aad u fara badan oo gaarayey ilaa 30 dukaan oo aad u camiran waa 1976 iyo waxii ka horeeyey.

Magaalada Buraan waxaa wax ku soo baraty aqoonyahnno soomaaliyeed oo aad u faro badan , ilaa iyo maantana waxaa wax ku barta dhalinyaro aad u badan, waxaana hadda socda oo ay wadaan dhalinyaro reer Buraan ah barnaamij horumarineed oo xagga wax barashada ah.

Waxaan ku soo gunaanadayaa warbixintaas ku saabsan Buraan in ilaahay soomaaliya oo dhan ka dhigo gaarsiiyo nabad iyo horumar iyo inay soomaaliya noqoto mid u soo jeensata xagga horumarka iyo nabadda.

Waxaana halkan mahadnaq gaar ah u soo jeedinayaa shirkadda  Golis oo hirgelisay taleefanka Buraaan iyo maagaalooyin badan oo soomaaliya ah.

Maxamd Bashiir jaamac
gumburi1885@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 28, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com