SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

DHACDO LA YAAB LEH OO KA DHACDAY LONDON

Dhacdadan ayaa ka dhacday CROWLAND COMMUNITY SCHOOL taariikhdu markay aheyd 21.02.2008, anagoo joogna garoonka, kuna guda jirna tartan weyn oo maalinle ah oo aan u qabanay caruurta Soomaaliyeed ee dagan magaalada London, ayaa la gaarey xiligii salaada duhur, waxaana go'aansanay inaan ku tukano garoonka dhaxdiida salaada waqtigaas oo aan ku jirnay Break Time-ka.



Waxay xirteen salaada duhur dhamaan dadkii ka shaqeynayayey munasabadaas hadii ay ahaan lahaayeen gudigii qaban qaabada iyo waalidiintii caruurta iyagoo dhan, markii ay salaada bilaabeen ayaa waxaa timid diyaarad Helikobter oo kuwa qumaatiga u kaca ah iyagoo ku soo dhawaatey garoonka, kadibna kor istaagtey dadkii salaada tukanayeey iyadoo dhawaqeeda aad u dheer yahay.



Aniga oo ka soo socda geeska kale oo raba inaan salaada ka qayb galo ayaan dareemay in dhawaqa Helikopterka uu aad noogu dhaw yahay hadana dhawaqa u kor taagan yahay meesha ay ka socoto salaada, kor ayaan eegay waxaana dareemay in Helikopterkaan ay daawaneyso dadka tukanaayo ama ay Film ka duubaneyso, Helikopterka ayaa afka ku wadatey Bir dheer oo aan u gartey inay dhulka dhan si caadi ah uga duubaneyso dhaq dhaqaaqa ka jira.

Waxaan go'aansadey inaan arinkaasi sawiro ka qaado, nasiib wanaag waxaan jeebka ku sitey camerada lagu sawirayey kooxaha, intaan istaagay ayaan sawirey dadkii Soomaaliyeed ee salaada gudanaayey kadibna waxaan sawir ka qaaday Helikopterkii, markii aan sameeyay ilaa 4 sawir ayay waxay bilaawdey inay kor sii aado una dhaqaaqdo dhan kale.

Salaadii ayaana xirtey wayna soo laabatey iyadoo meel fog wareegaysa una dhaw halkii aan caruurta Soomaaliyeed ciyaaraha ugu wadnay.



Markii salaada ay ka soo baxeen ayay waxay bilaabeen inay ka sheekeyaan aragtidoodii intii ay salaada tukanayeen iyo waxay dareemeen, mid ka mid dadkii meesha joogay ayaa yiri waxaan soo xasuustey sida ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka u layaan dadka masaakiinta ah ee ku nool Iraq iyo Afghanistan,waxaana ku sigtey inaa cagaha wax ka dayo oo aan nafteyda badbaadsado.

Waxay kale oo i sheegeen inay soo xasuusteen duqayntii ciidamada Mareykanka ee Marineska ( Rangers) markii ay duqaynayeen suuqa bakaaraha sanadku markii uu ahaa 1993.

Anagoo ka yaaban ayaan dhacdadaas ka sii wadanay howshii aan u nimid garoonka oo aheyd inaa caruurta Soomaaliyeed ku dhiirigalino dheelida kubbada cagta.

Ugu dambayntii qisadaas meesha ayaan kaga soo tagnay, waxay aheyd inaan Police magaalada ku wargalino si aan wax uga ogaano ula jeedada ay ka laheyd arinkaas helikopterka.laakinse ma aysan dhicin.

Yusuf Yusuf

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com