SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print


AFRICOM iyo Qaaradda Afrika: Welwelka Afrikaanku ka Qabaan saldhigga Militari ee AFRICOM Akhri...


Maxaa sababey in Idaacadda Hornafrik ay ay xiranto

Khilaaf soo kala dhexgaley Milkiilayaasha Idaacada

Shacabka soomaaliyeed ee ku nool Dalka iyo dibadiisa ayaa maalmahan is weydiinayaaa waxa ku dhacay Idaacadihii Hornafrik iyo Capital Voice oo muddo sadex maalmood ka maqan hawada , dadka intiisa badan waxay u qaateen in ay idaacadda ay ku maqan tahay sababo Cillad farsamo hase yeeshee markaan xuuraansaney oo aan sameyney dabagal ayaa waxaan ogaaney in idaacada ay hawada uga maqan tahay sababo la xiriira khilaaf soo kala dhexgaley Milkiilayaashii Idaacadaas

Idaacada ayaa waxaa lagu waramey in ay damiyeen Rag ka socda Qoyskii uu ka geeriyoodey Cali Imaan Sharmaarke iyagoo ka cabanayaa dhaqaalihii Idaacadaas oo aan waxba ka soo gaarin , inta aan la damin ayaa waxaan wareystey Weriye ka shaqeeya Idaacadaas oo qariyey magaciisa wuxuuna sheegey in Murankaan uu soo jiitamayey wixii ka dambeeyey geeridii Cali iimaan , waxaan weydiiyey maxaa loo xalin waayey inta aan idaacadaas la damin wuxuuna ku jawaabey ” Qoyska ayaa u arka in xal la helayo marka idaacada hawada ka maqnaato”

Shaqaalihii idaacadaas oo aan shaqeyn Muddo sadex maalmood ayaa qaarkood waxay raajicinayan in ay shaqo ka raadsadaan idaaacadaha kale ee magaalada Muqdisho waxayna tani ku soo beegan xilli ay idaacadaas ka tageen wariyayaal fara badan oo ka cararey dagaalada ka socda magaalada Muqdisho iyo hanjabaadyo qaarkood loo soo jeediyey

Geeridii Cali Iimaan Sharmaarke ka dib idaacadda waxaa iyana ka shaqo tagey Axmed Cabdi salaan oo isna Dowlada Federaalka ka noqdey Raiisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka warfaafinta iyo Ciyaaraha isagana ka ma hadlin Khilaafka sababey in ay xiranto Idaacadaas oo lahayd Dhageystayaan Farabadan , sidoo kale dhageytayaasha ayaa iyana ku jahwareersan markii ay waayeen dhigeysigii Idaacada Codka maraykanka ee afka Somalia iyo British Broadcasting Corporation ee dhinaca FM-KA oo idaacaas sii deyn jirtey sidoo kale Hornafrik waxay la hayd Tellefishin laga daawanayey dalka gudihiisa iyo dibadiisa waxaana iyana meesha ka baxay dawadayaal fara badan.

Odoyaal ka kala soo jeeda raga is ku haya Idaacadaas ayaa wada dadaal lagu doonaya in lagu xaliyo waxa dhaliyey in ay xiranto idaacadaas

Markuu dhashey Kacaankii Idaacadaha ee soomaaliya 1999 ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo kordhey idaacadaha Maxaliga ah ee FM –yada waxaana magaalada ka furan ilaa iyo dhowr iyo toban Idaacadood.

WD Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 21, 2008

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com