SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print

Kulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde
nuur cadde
G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...


Kulan ay albaabada u xiran yihiin oo dhex maray Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Commissioner Louis Michel … 

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ah  Mudane Nuur Xassan Xusseen ( Nuur Cadde) oo beryahaan socdaal ku marayay magaalada xarunta u ah Midoowga Yurub ee Brussels ayaa shalay kulan ay albaabada u xiran yihiin la yeeshay Madaxa Horumarinta iyo Gargaarka Aadmiga u qaabilsan Guddiga Midoowga Yurub Mr. Louis Michel. Kulan oo ay ku yeesheen xarunta Midoowga Yurub ayaa waxaa ay labada mas’uul ka wada hadleen arrimo iskugu jira xaaladda guud ee dalka Soomaaliya iyo kaalinta uu Guddiga Midoowga Yurub ka qaadan karo.

Ugu horeyntii waxaa furey Mr. Michel oo soo dhoweyn iyo hanbalyo gaarsiiyay Mudane Cadde iyo wafdiga uu hor kacayay wuxuuna ugu hanbalyeeyay ra’iisul Wasaaraha cusub sida uu ugu guntaday is badal cusub oo xagga nabadda ah wuxuuna ku dhiiri galiyay inuu sii wado aragtidiisa ku aadan sida wada hadal wax loogu xallin lahaa. 

Commissioner Michel ayaa sheegay in uu Guddiga Midoowga Yurub ugu talo galay muddo shan sano ah oo ka bilaabanaysa 2008 da lacag dhan 254 million oo ah Euro halka uu sheegay in ay ugu talo galeen 15 million howl gallada Ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliye ee ka imaanaya dalalka Africa (AMISOM).

Wuxuu kaloo Michel uu sheegay in ay jiraan dad gaaraya 2 milyan oo ka bara kacay amni xumo in ay u baahan yihiin gargaar  biniaadannimo.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Cadde ayaa shalay kulan kula yeeshay  baarlamaanka Midoowga Yurub Madaxa Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Yurub Mr. Wolskiafe iyo Madaxa Horumarinta Guddiga Baarlamaanka Yurub Mr. Borrel iyo dhow xubin oo ka tirsan Baarlamaanka Yurub oo ay ka mid yihiin Ms.Ane Gomes iyo Ms. Kinnock halkaasoo ay labada dhinac isku waydaarsadeen arrimo kala duwan oo isugu jira kaalinta Baarlamaanka Yurub ee arrimaha horumarinta Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Nuur cadde ayaa u kicitimay Magaalada Paris ee dalka Faransiiska isagoo halkaasi kulan kula lahaa madaxda dalka Faransiiska.

Dada ad ugu dhow Mudane Cadde oo aan waydiiyay sababta uu u aaday Paris ayaa ii sheegay inuu ka helay casuumaad madaxda dalkaasi Faransiiska.

Saida Sheikh Ahmed (VIP)  
Brussels Belgium


 
FG Xuquuqda sawirrada waxay u dhowran tahay Saida VIP  
 

Kulanka  Cadde iyo Commissioner Michel oo English ah hala aqriso links kaan  http://europa.eu/ 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2008

bosasoDEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....
Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Saddexdii Dhallinyarada ahaa ee ku xirnaa Thailand oo la soo daayey...: 3-dii dhallinyarada ahaa ee katirsanaa Cidamada Daraawiishta Puntland ee saddexda sano (2005-2008) ku jirey xabsiga Thailand ayaa helay Xoriyadoodi, waxay hadda ku sugan yihiin..... Akhri...

G/sare C/lahi Yusuf: DFKMG waxay jiri doontaa 5-sano ka badan, Itoobiyaankuna kama bixi doonaan Soomaaliya.... Daawo Waraysi

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com