SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

FURITAANKA SHIR-SANADEEDKA EUROSOM 2008 CAMPANILE HOTEL LEICESTER

 
image
Leicester 11.02.2008 : Magaalada Leicester ayaa lagu qabtey shir- sanadeedkii ururwaynaha EuroSom Sports and Culture socdayna 08.02.2008 – 10.02.2008. 

Shirka sanadkaan waxaa marti galiyey ururada kala ah Leicester Stars Footbal Club, St.Mathews Community Solution Centre iyo Leicester Ethnic Youth Organisation.

esom20_400_01 

Shirka ayaa si rasmi ah uga furmay  08.02.2008 saacadu markii ay aheyd 18.00 fiidnimo Companile Hotel oo ku yaal bartamaha magaalada Leicester.

esom4_400_03 
Iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax ka kala socotey  magaalada Leicester, ururada Soomaalida Leicester, marti sharaf, dhamaan EuroSom iyo xubnaheeda
  • Councilor Abdul razak Osman oo xubin ka ah Community Cohesion magaalada Leicester.
  • Teresa Ratcliffe community service manager YMCA
  • Leicester Police officer
  • Duran Farah  Vice President G.O.S & International Relations
  • Mohamed Diini Chairman of EuroSom
  • Abdi Omar Afrah  Chairman of Seuki
  • Ahmed Nur Chairman of Elman Footbal Club
  • Prof Mussa  Mohamed Naasir
  • Omar Ayeelo Somali National Basketbal  Head Coach
  • Bashir Abdi Dahir President of Somali Archery Federation
  • Yusuf Yusuf  Secretary of Somali Sports Press Assocations & Somalisc editor

esom19_400_01

 

  Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay mudane Abdulahi Sanay  iyo mudane Ahmed Bile Rafle oo si rasmi ah ugu soo dhaweeyay marti sharafta , EuroSom iyo xubnaheeda magaalada Leicester.

Waxaana si dhaqso ah loo gudagalay barnaamijka ay ugu talagaleen gudiga qabanqaabada shirka EuroSom ee magaalada Leicester, iyadoo ay halkaasi warbixinta shirka ka aqriyey Mudane Hashim, kadibna waxaa halkaasi warbixin qiimo leh oo ka hadleysa Ururka EuroSom sports and association ka bixiyey Faruk Noor Mohamed, iyadoo warbixintaas ay ka heleen dadkii ka soo qaybgaley shirka, waxayna halkaasi ka heleen xogta dhabta ah ee EuroSom sida uu yahay iyo sida ay ku shaqeeyaan oo ah qoraalo iyo sawiraba leh.

esom1_400_01 

Waxaa qudbad ka jeediyey Councilor ABDIRAZAK OSMAN oo xubin ka ah maamulka magaalada Leicester isagoo wakiil ka ahaa duqa magaalada LEICESTER, waxaana u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in caawa uu goob joog ka ahaado shirka EuroSom, isagoo balan qaaday in magaalada Leicester ay gacan weyn ka gaysan doonto suurtagalinta iyo martigalinta EuroSom 2008 hadii Eebe idmo.

Waxaa halkaasi ka hadlay  Teresa Ratcliffe oo ah madaxa ururka YMCA oo iyana sheegtey inay aad ugu faraxsan tahay ka soo qaybgalka shirka ayna taageero weyn siin doonto sidii u hirgali lahaa qabsoomida  EuroSom 2008 Events oo ka dhacaya magaalada Leicester  xagaaga.

esom_400_01

Jawahir  oo ka socotey Somali Development Service ayaa ka warbixisay jaaliyada Soomaalida Leicester iyo sida u danaynayaan in magaalada Leicester ay marti galiso jaaliyadaha Soomaalida ee ka imaanaya wadamada Europe.

esom7_400_03 

Waxaana halkaasi ka jeediyey warbixin iyo qaabka ay u martigalinayaan EuroSom Event 2008 gudoomiyaha ST.Mathews Community Solution Center mudane Ahmed Bile Rafle, isagoo ka warbixiyey qaabka magaalada Leicester ugu diyaargaroowday qabashada  EuroSom 2008 Events iyo sida ay diyaarka  ugu yihiin inay kaga guul garaan, isagoo tilmaamay in ay u bixiyeen barnaamijka sanadkaan hal ku dhig ah “ EuroSom More”. Si  waxyaabo badan loo sameeyo oo ku saabsan is dhaxgalka Soomaalida iyo dadka kale ee dagan magaalada Leicester.

esom11_400_03

Ugu dambayntii waxaa halkaasi ka hadlay sarkaal ka mid ah ciidanka nabadgalyada magaalada Leicester, isagoo tilmaamay inay aad ula socdaan barnaamijka EuroSom 2008 ee magaalada Leicester ayna aad u rabaan inay gacan ka gaystaan hadii ay ahaan lahayd ururada ka jira Leicester iyo wadamada imaanaya EuroSom2008 Events in ay dhaxmarto wada-shaqayn iyo xiriir aad u wanaagsan si looga guul gaaro barnaamijka labada asbuuc ka socon doono magaalada Leicester 2008.

esom18_400_01 

Furitaanka shirka ayaa moodaa inuu ka duwanaa qaababkii hore ee ururka u martigalin jirey, iyadoo ay tanina ka duwanayd sababtoo waxaa markii hore warbixin laga siiyey ka soo qaybgalayashii shirka EuroSom, kuwaas oo ka qaatey fakir qaab dhismeedka ururka, waxyabaha u qabto  iyo barnaamijka EuroSom 2008 u dhacaayo sanadka.

Gabagabadii shirka ayaa ka soo qaybgalayaasha ku yesheen casho sharaf loogu talagalay si martida iyo EuroSom isku bartaan una wada sheekeystaan si ay isku dhafsadan fikrado kala duwan.

esom23_400_01
Sacadu markii ay aheyd 19:15 pm ayaa la soo gabagabeeyay furitaankii shirkii EuroSom.
Waxaa ka soo qayb galey marti aad u badan iyo ururo kale oo ka jira wadamada Europe iyo magaalada Leicester, oo ay ka mid ahaayeen ka soo qaybgalayaasha kala ah:
Abdul kadir Birikh oo ahaa ciyaartii hore ee Soomaaliya ee kooxda shidaalka ( Petrolka)
Timacade EX handball Star Soomaaliya
Aden oor ex MBC CLUBMohamud Ismail oo ka mid ahaa ciyaartii kooxda Waxool ee kubbada cagta Soomaaliya haatana ah tafatiraha website Cayaaraha.
Mukhtaar Shuute Gudoomiyha farsamada Seuki
Baana Ali  oo dagan magaalada London, kana shaqeeya London Transport.
Muriidi Zeyn  gudiga farsamada EuroSom
Zabriye Gabow gudiga farsamada EuroSom
Mohamed Lolow Secretary of EuroSom
Mohamud Nur  Treuser of   EuroSom
Faduma Farah Hirda EuroSom
Sahra M.Farah  Hirda Youth
Gurey Hirda Coach
Abdulkadir Hadafow  Chairman of  Kanava
Ibrahim Jangoan  Kanus football Coach
Abdiraxman Shardi Waaberi Footbal Coach.
OMAR Vice President of LSFC.
Abdirashiid KIK KLUB
Sharmaake Calasow Chairman of Suokao
Idiris Jama  Coach Suokoa.
Mubarak Bidhe President of Bermingham Stars.
Yonis Vice President of Gotenburg Football Club. 
Waxaa kale iyana  goob joog ka ahaa saxaafada Soomaalida iyo kuwo ajanabi ah oo ay ka mid ahaayeen Onkod, Somalisc, Cayaaraha, Ceelbuursports, & Leicester BBC.
 Somalisc waxay idin kaga soo warami doontaa shirka EuroSom 2008 qaybihiisa kale hadii Eebe Idmo. 
Yusuf Yusuf
SSPA / Somalisc
Leicester / England
URURADA EUROSOM & SEUKI AYAA HESHIIS WADA SHAQAYN AH KU KALA SAXIIXDAY MAGAALADA LEICESTER.
 
 
image
 

Leicester 11.02.2008  Waxaa magaalada Leicester taariikhdu markay aheyd 10.02.2008 heshiis wada-shaqayn ah ku kala saxiixdey ururada kala ah EuroSom sports and Culture iyo SEUKI.

 

Goobta heshiiska ka dhacay ayaa aheyd Campanile Hotel oo ku yaal bartamaha magaalada Leicester ,iyagoo ay goob joog ka ahaayeen marti sharaf iyo dhamaan maamulka iyo xubnaha EuroSom.

Heshiiska oo ka koobnaa:

 

  • Qabasho tartan saaxiibtinimo oo dhaxmara labada urur, si ay isku bartaan dhalinyarada hoos yimaada labada urur .

 

  • Xulida ciyaaryahanada mustaqbalka u leh ee ka ciyaara EuroSom & Seuki  loona tababaro sidii dalkooda Soomaaliya u matali lahaayeen.
  • Soo xulida gudi farsamo oo ka kooban labada dhinac.
  • Raadin dhaqaale oo lagu taageerayo ciyaartooyda Soomaaliya loo diraayo.
  • In la isla socodsiiyo qabashada iyo barnaamijyada ururada si wada-shaqaynta loo xoojiyo.
  • Iswaydaarsi aqooneed iyo waayo aragnimo si loogu faaideeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

 

EuroSom ayaa  dhidibada loo taagay sanadku markuu ahaa 2003 shir ka dhacay magaalada Gotenburg oo ah magaalo madaxda labaad ee Sweden, kadib markii ay ka soo haajireen isqab qabsi xaga maamulka iyo horumarinta Isboortiga Soomaalida Yurub ay kala kulmeen magaalada Stockholm .

Seuki ayaa isna la unkay sanadku markuu ahaa 2005, iyadoo lagu dhisay magaalada Stockholm.

Heshiiska labada urur wada galeen oo laga aqriyey shirwaynaha ururka EuroSom 2008 uga socday magaalada Leicester ayaa waxaa goob joog ka ahaa marti sharaf sare iyo dhamaan ururada ku bahoobay EuroSom, maamulka Seuki, iyo ururo kale oo doonayey inay EuroSom ka mid noqdaan.

Waxaa u saxiixay  ururka EuroSom heshiiskaan gudoomiyaha EuroSom.

Mudane Mohamed Diini,

esom4_400_01

 

Hallka Seuki u saxiixay gudoomiyaha Seuki  mudane Abdi Omar Afrah.

esom8_400_01

esom16_400_01

 

Duran Farah & dadkii kalfadhiga joogay ayaa aad ugu farxay heshiiskaan soona dhaweeyay, labada gudoomiye oo halkaas qudbado gaagaban ka jeediyey ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin inay aragtida labada urur mideeyaan, waxayna balan qaadeen inay horgalin doonaan taabagalinta heshiiskaan hadii Eebe Idmo.

esom7_400_01

 

 

Waxaa ka soo qaybgalay xadlada heshiiskaan  dad ay ka mid ahaayeen

Duran Farah Vice President of G.O.S & International Relations

Bashir Abdi Dahir, Baana Ali, Abdulkadir Biriq, Omar Ayeelo, Prof Mussa Naasir, Muriidi Zeyn, Zabriye Gabow, Fadumo Farah, Gurey Xaaji, Sahro, Shardi, lolow, Mohamud , Calasow, Idiris, Abdirashiid / Abdiraxman, Sanka Xaaji, Omar, Ahmed Bile, Sakariye Ogle, Mukhtaar shuure ( gudoomiyaha farsamada Seuki), Ahmed Nur, Bidhe, Timacade  Jangoan , Hadafow Abdulkadir iyo dad kale oo farabadan.

esom11_400_01

esom6_400_01

esom9_400_01

 

 

Dadkii halkaa joogay iyo ururada kala saxiixday heshiiskan ayaa ugu baaqay in loo baahan yahay in la mideeyo guud ahaan horumarinta Isboortiga Soomaaliya iyo isku xirka ururada ka shaqeeya  Isboortiga Qurbaha.

esom5_400_01

 

 

Somalisc waxay hambalyo u direysaa maamulada iyo xubnaha ururada kala ah EuroSom iyo Seuki, iyagoo u rajeynayaa guul iyo wax wada qabsi.

 

Tani waa tilaabo geesinimo leh oo loo raacay wadadii saxda aheyd, waxaana loo baahan yahay in usan noqonin mid inta khalinka lagu duugo oo halkiisa looga tago iyadoo loo baahan yahay in arinkaan laga miro dhaliyo lana gaarsiiyo ururada kale ee ka shaqeeya Isboortiga meel kasta ay joogaan.

Waxaan idin leeyahay anigoo ku hadlaya magacayga iyo dhamaan bahda Somalisc & SSPA hambalyo

hambalyo .

 

Yusuf Yusuf

Secretary of SSPA

London

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2008

Saddexdii Dhallinyarada ahaa ee ku xirnaa Thailand oo la soo daayey...: 3-dii dhallinyarada ahaa ee katirsanaa Cidamada Daraawiishta Puntland ee saddexda sano (2005-2008) ku jirey xabsiga Thailand ayaa helay Xoriyadoodi, waxay hadda ku sugan yihiin..... Akhri...

G/sare C/lahi Yusuf: DFKMG waxay jiri doontaa 5-sano ka badan, Itoobiyaankuna kama bixi doonaan Soomaaliya.... Daawo Waraysi

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com