SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Taliyaha Saldhiga Degmada Diinsoor Dh. C/llaahi Maxamed Cumar oo ay Jirdil ku sameyeen Ciidamada Militeriga....

Warbixin: 28 Soomaali ah oo qaab Maxaabiis ahaan DFKMG ay u heysay oo la siidaayey...

Warbixin: Dhacdadii Tuulada (Kobon) oo ka tirsan Degmada Qansax dheere...

{Baydhabo} 7/02/2008-da Warbixin 28 Soomaali ah oo qaab Maxaabiis ahaan DFKMG ay u heysay, islamarkaana laga soo Aruuriyey qaar ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya iyo Kiinya oo 11 ka mid ah laga keeney dalka Ethobia 5/2/2008 ayaa laga sii daayey Magaalada Baydhabo 6/2/2008-da.

28 xubnood ayaa qaarkood ku xirnaa dalka Ethobia, sida aan ka helney ilo wareedyo hoose oo magacooda qariyey, Taliyaha Ciidamada Nabadsugida DFKMG Gen. Maxamed Cali Catoosh oo aan wax ka weydiiney siideynta xubnahaan Maxaabiista ah halka laga keeney, goobaha ay ku xirnaayeen, tiradooda iyo waxyaabihii lagu soo xirey ayaa wuxuu yiri

“ 28 Maxabuus oo la siidaayey ayey ahaayeen, horeyna dad badan ayaa loo siidaayey, kuwaas ayeyna ka mid yihiin, waxaana laga soo qab qabtey meelo badan oo wadanka gudihiisa ka tirsan, anagu waxay nagu soo gareen uruuris ahaan si loo siidaayo ayaa Baydhabo loo keeney”.

Mar aan weydiiyey in xubnahaan asalkooda laga keeney Magaalada Adis Ababa ee dalka Ethobia waxa ka jira ayaa wuxuu ku jawaabey “waa dhicikartaa in laga keeney Magaalada Adis Ababa, laakiin war rasmi ah kama haayo halka laga keeney waana dadd dhalin yaro ah maadaama dibuheshiisiinta lagu jiro ayaa waxay ka mid tahay siideyntan mid lagu kabayo dadaalka dibuheshiisiinta ee la doonayo, anigu dadkii soo qab qabtey ma ahayn laakiin sida aan warka ku hayo waxaa laga soo qab qabtey Gobolada J/hoose, j/Dhexe iyo Shabeelooyinka ayuu yiri mar aan weydiiyey in xubnahaan laga soo qabtey dalka Kiiniya iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya oo loo gudbiyey dalka Ethobia”.


Gen. Maxamed Cali Catoosh

Sidoo kale mar aan weydiiyey Gen. Catoosh in inta badan dadka layska soo xiro islamarkana aan wax maxkamad ah la geyn ee ma dadd maxkamad la geeyey baa mise waa dadd iska xirnaa oo la siidaayey ayaa wuxuu ku jawaabey “ qafka marka la soo qabto waxaa la mariyaa nidaamka dalka u degsan, kadibna waxaa loo gudbiyaa maxkamad sidaas baana lagu sii daayaa, laakiin inta aan la gaarin ayaa la sii daayey.

Taliye ku xigeenka mar aan su’aaley in la sheegayo in mudo badan ay u xirnaayeen Maxaabiistan dalka Ethobia ayaa wuxuu ku jawaabey “ marba hadii dadkaan la siidaayey, iyadoo la raadinaayo dibuheshiisiin iyo Soomaalinimo anigu wax gadaal loogu noqdo ma garanaayo, laakiin waa la sii daayey, laakiin taliye ku xigeenku ma sheegin goorta la qabtey balse wuxuu sheegey in qaab sheik ahaan loo soo qabqabtey xubnahaan la dib u heley xuriyadooda shekh-si ahaaneed.

Laakiin dadka magaalada Baydhabo waxay is weydiinayaan in qaabka lagu sii daayey, dembiga ay galeen, magacyadooda sedaxan iyo hadii dembi lagu waayey xuquuqda ay leeyihiin.

Tuulada (Kobon) oo ka tirsan Degmada Qansax dheere...

Dhinaca kale dabyaaqadii Todobaadkii hore oo ku beegan 1/2./2008-da ayaa ciidamo saldhigoodu ahaa Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxay si dhuumaaleysi ah u soo aadeen goobo lagu sheegay in Kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Ethobia iyo Fikirka DFKMG ay soo aadeen, oo u dhexeysa Degmada Diinsoor iyo Tuulada Misra oo 30Km u jirta dhinac woqooyi Bari ee Degmada Diinsoor.

Goobtan lagu sheegey in ay ku sugan yihiin dagaal yahanada ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Ethobia iyo Fikirka DFKMG ee Soomaaliya oo magaceeda lagu sheegey (RAAMO ABAQ) oo ku dhow goob hore looga gubey Taagi ay lahaayeen Ciidamada Ethoba, markii dagaalo kulul ay kula galeen ciidamadii Maxaakiimta deegaanka Idaale, ayaa markii ay gaareen ciidamadan Militeriga halkaasi ku fureen Hubka waawey iyo kan fududba, kadib markii ay waayeen wax u jawaaba ayaa waxay u sii gudbeen Tuulada (Kobon) u jirta 7-10Km Tuulada Misra.


Kaarahaan waa goobta lagu sheegey in uu dagaalka ka dhacay,
wuxuuna ahaa mid ay gubeen ciidamadii maxaakiimta,
 wuxuuna yaala meel u dhexeysa Diinsoor iyo Tuulada Misra


Markii ay gareen ciidamada Tuulada (Kobon) oo ka tirsan Degmada Qansax dheere ayaa ciidamdii Militeriga sida ay ku soo waramayaan goobjoogeyaal halkaas ku sugnaa, waxay ku sameeyeen Baaris, waxayna Jirdil u geysteen dadkii deegaanka qaar ka mid ah, waxayna soo gacmo gacmeysteen Dukaamadii ku yiiley Tuuladaasi dib ayeyna ugu soo noqdeen fariisinkoodii Degmada Diinsoor.

Intii aysan ka ambabixin ciidamadan Militeriga ah ayaa sida ay ii sheegeen dadweynaha degmada Diinsoor oo aan xiriirc khadka taleefoonka kula sameeyey in ciidamadan ay halkaasi ka geyteen falal isugu jira dil, kufsi, dhac iyo soo xirir dad aan shacbi ah oo aan waxba galabsan, halka qaarkood ay ku waayeen lixaadkooda, halka 7 Haween oo Uur lehna ay la dhaceen Baadka Qoryaha.

Markii ay dib ugu soo noqdeen ciidamadan fariisinkooda ayaa waxaa la sheegey in Taliyihii saldhiga Degmada Diinsoor oo ka war heley qaabka ay wax u dhaceen ayaa waxaa uu wax ka weydiiyey qaybo ka mid ah saraakiishii tegey Tuuladii Kobon, taasoo hayb ahaan uu isagu ka soo jeedo, markii ay afkiisa ka sii dhamaaneysay ayaa waxaa la sheegey in Goobtaas lagu jir diley Taliyihii Saldhiga Booliiska Degmada Diinsoor, Dh/ C/llaahi Maxamed Cumar, kadibna u gudbiyeen Xabsiga.

Sarkaal u Hadley ciidamadan ku sagan Degmada diinsoor waxaa uu sheegey in dagaal culus ay la galeen kooxaha ka soo hoirjeeda DFKMG iyo joogitaanka Ciidamada Ethobai, 1/2/2008-da, taasoo ay ka dileen 8 ayna ka dhaawaceen 3 kale, islamarkaana ay ka furteen hub isugu jira kuwa fudud iyo lacag fara badan, hase ahaatee ma jiro ilaa iyo hada wax dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaarey oo la hubo, balse dadka ku sugan degmada Diinsoor iyo kuwa Baydhabo waxay ku micneeyeen mid lagu abuurayo Mashuur dagaal, islamarkaana la doonayo in degmada Diinsoor lagu shabadeeyo shaabadaha ugu khatarsan ee dagaal iyo in la baneysto hantida iyo dhiiga shacabka in mudo ah ka meermeerayey dagaalada sokeeye, laakiin lama oga halka ay ku dambeyndoonaan falallkan ka dhacaya degmada Diinsoor

Sidoo kale Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku dhimatey tiro kalena wey ku dhaawactey inta u dhexeysa Magaalada Baydhabo iyo Tuulada Makuudo, kadib markii kooxo hubeysan ay jidka u galeen ciidamo galbinaayey 6 ruuxoo qaab maxaabiis ahaan lagu wadey oo laga keeney Degmada Diinsoor, taasoo uu ku jirey Taliyihii saldhiga Booliiska Degmada Diinsoor.

Marka laga reebo Sarkaalka Booliiska ah, labo waxaa lagu soo xirey Hubka oo ay qaab dilaall ahaan ay uga ganacsanayeen, halka 3-da kale ay ahaayeen kuwo ka tirsan Ciidamada Militeriga oo la sheegey in Hubka ay ka soo qabtaan shacabka ay dib si dhuumaaleysi ah ay uga iibinayeen shacabka.

Siminaar ku saabsan AIDS-ka oo Lagu Qabtay Baydhabo

siminaar lagu baranayey aqoonta guud HIV_AIDS-ka , sida uu u fido, sida loogana hortago iyo waxa ay ka qabto shareecada Islaamka oo hore kiisa oo kale looga soo qabtey dhamaan dalalka Carabta, islamarkaana ay ka faa’iideysanayeen 60 oo ka kala socda 10 Gobol oo Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo socdey 9 maalmood ayna soo qaban qaabisay Hay’ada UNDP ayaa lagu soo gebagebeeyey Hoteel Manchertar ee Magaalada Baydhabo.

Siminaarkan oo qaybtiisa hore la soo gebagebeeyey 31/2/2008-da, ayaa qayb kale oo tababaraye yaal ah oo gaaraya 25 oo ka tirsan culumaa’udiinka Soomaaliyeed eek u nool 10 Gobol oo ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya loogu soo gebagebeeyey, si ay Bulshada qaybaheeda kale u siiyaan macluumaad ku saaban HIV-IDS.


Maxamed Duhur Xirsi


DG. Wasaarada Arimaha Diinta iyo Awqaafta ee Dowlada Jabuuti Maxamed Duhur Xirsi oo aan wax ka weydiiyey ayaa wuxuu sheegay “ in siminaarkan noociisa lagu soo kala qabtey dhamaan dalka Carabta, Soomaaliya lagu soo Gobolada Woqooyi Galbeed iyo kuwa Waqooyi Bari, islamarkaana uu isugu jirey mid Tababar lagu siineyey 25 ka mid ah Culimada Soomaaliyeed, halka Aqoonguud lagu siinayey 60, xubnood oo kale oo ay ka mid ahaayeen 25 kan”.

Magalada Baydhabo ayaa waxaa maalmahan noqotey Xarunta siminaarada lagu qabto ee Koofurta Soomaaliya, taasoo ay ka faa’iideysanayaan xubno gaar ah, waxaana socda cilmi baaris aan dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxa ay ka faa’idayaan aan la wada ogeyn, taasoo mustaqbalka laga yaabo in caqabad ay ku noqoto cilmi baarisyada kala duwan ee ay wadaan Hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala Soomaaliya guud ahaanteeda.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Baydhabo
fatxumaalik@hormail.com

Kooxo Hubeysan oo Ciidamada Boliska DFKMG kala Wareegay Saldhiga Hodan ee Muqdisho
iyo 15 hoobiye oo ay rideen ciidamada Ethiopia ee saldhiga ka sameytstay wasaaradii hore gaashaandhiga.. Akhri Feb 7

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2008

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com