SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kooxo Hubeysan oo Ciidamada Boliska DFKMG kala Wareegay Gacanku Heynta Saldhiga Hodan

iyo 15 hoobiye oo ay rideen ciidamada Ethiopia ee saldhiga ka sameytstay wasaaradii gaashaandhiga ee ciidankii xooga dalka somaliyeed....

Ciidamada dowlada faderaalka KMG ayaa galabnimadii Arbacada lagala wareegay gacanku heynta saldhiga booliska ee dagmada hodan ee magaalada muqdisho ka dib markii uu halkaasi ka dhacay dagaal xogan oo mudo socday, uu ku dhaxmaray kooxo hubaysan oo ka soo horjeeda jogitaanka ciidamada Ethiopia oo garabsiinaya kuwa dowlada KMG ah.

Joobgooyaal ku sugnaa halka ay dirirtu ka dhcaysay ayaa saxaafada u sheegay in ay Ciidamada DFKMG baneyeen isla markaana lagala wareegay gacan ku heynta saldhiga Hodan ee xaafada taleex oo fariisin u ahayd mudooyinkaan danbe ciidankii booliska ee horey u joogay .

Ciidanka boliska DFKMG ayaa la sheegay in firxadkoodu uu gaaray ilaa iyo nambar afar waxaana lagu arkayey iyaga oo qoryahooda la lugeynayo deegaano ka tirsan xaafada Hodan, nambar afar iyo wadada Maka al Mukarama ee dagmada waaberi.

Waxaana la xaqiijiyey in ciidamadaasi markii uu dagaalku bilowday ay ka boodeen gidaarada saldhiga Hodan ku hareeraysan markii uu dagaalku dhacayba .

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor imaadkaan hubeysan u dhaxeeya dhinacyada iska soo horjeedo ee dagaalamaysay .

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in markii ciidamadu halkaasi ka baxeen deegaanada nambar afar laga maqlayey rasaas goos goos ah oo ay ridayeen ciidamadii saldhiga laga qabsaday.

Sidoo kale waxaa iyana rasaas ridayey ciidamada Amisom ee ku sugan isgoyska nambar afar waxaa ay galeen diyaar garow adag ka dib markii la sheegay in ciidamada DFKMG kooxaha ka soo horjeedo ay gaareen gurigii cabdiqaasin salaad xasan uu deganaan jiray agagaarkiisa.

Dhanka kale waxaa iyana diyar garow xoogan iyo tuuritaanka hoobiyaha bilaabay ciidamada Ethiopia ee saldhiga milatary ka sameystay wasaaradii gaashaandhiga kuwaas oo xaafada taleex ku gamay ilaa iyo 15 madfac hoobiye ah lamana garanayo ilaa iyo hadda khasaaraha ay geysteen inta uu la eg yahay sidoo kale waxaa iyana la ogeyn halka ay ku dhaceen oo bartilmaameedku ahaa.

M.M | Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2008

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com