Tartanka koobka daahfurka wargeyska Xog-Maal oo Axadii (Dec 28) Cape Town
ka furtey.
Sawirada Halkan ka daawo...
Wareegii ugu horeeyey ee kubbada cagta oo dhexmara kooxo Soomaaliyeed oo
qabanqaabadiisu lahayd mid ka mid ah qalabka warbaahinta curdunka ah ee
Soomaalida K/Afrika ayaa ka furmay magaalo xeebeedka loo tamashla taggo ee Cape
Town.
Ciyaartii maanta waxaa usoo
saftay labbada kooxood ee kala ah Banadir Stars iyo Jay United oo labbaduba ka
mid ah kooxaha ugu firfircoon ee ka jirra Cape Town.
Ciyaarta waxay bilaabatay abaaro 5:30pm ee galabnimo goortaasoo firimbiga
ciyaarta uu ku dhuftey garsoore Salaad Duwe, daqiiqadihii ugu horeeyey ee
ciyaarta waxaa gool la yaqaano shabaqa kaga shanqariyey ciyaaryahanka qadka
dhexe ka cayaara Xassan ee kooxda Jay United , balse waxbaddan kama soo wareegin
markii kooxda Banadir Stars ay la timid goolkii bareejaha ahaa waxaana dhaliyey
Maxamed Cabdullaahi, kadib Banaadir Stars waxay si isdaba joog ah ola timi labbo
gool oo kale taasoo niyad jab ku abuurtey kooxda xooga baddan ee Jay United,
balse daqiiqadihii ugu dambeeyey ayay kooxda United la timid goolkii labbaad
kaasoo neefta kasoo saaray, waxaa u dhaliyey ciyaaryahanka caanka ah ee Kalaay
oo sannooyin baddan kadib dib ugu soo laabtay fagaaraha ciyaaraha.
Ciyaartana waxay ku dhamaatay 3:2, jawi wanaagsan oo farxad leh ayaana lagu kala
hoydey.
Waxaa goobta joogey qaar ka mid ah mas'uuliyiinta wargeyska Xog-Maal oo ugu
horeeyo mudane Maxamed Muuse Nuur (Deeqdarajo) oo ah tifaftiraha Xog-Maal,
Maxamed Deeq oo hadlayay ciyaarta kadib ayaa si weyn ugu mahadceliyey kooxaha
ciyaarayay habsami ciyaareedka ay muujiyeen, niyad wanaaga ay ku ciyaareen, iyo
asluubta ay ku dhaqmeen.
Wareegani oo la dhigey koob qalin ah, ayaa waxa la ciyaarayaa 3 ciyaarood
waxaana ka qeybgalaya 4 koox, ciyaarta tani xigta waxaa isugu imanaya 2 koox oo
kale, kuwaasoo tan soo baxda ay wada ciyaari doonaan Banadir Stars oo maanta
guusha raacday.
Waxaa xusid muddan in ciyaaraha ay maareynayaan gudiga fulinta ciyaaraha Western
Cape oo uu gudoomiye ka yahay Ciyaaryahan hore oo u dheeli jirrey kooxihii
qaranka Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdi Gaab, waxaa kale ka mid ah gudiga
Axmed Faarax iyo Salaad Cabdiraxmaan (Salaad Duwe), Maxamed Cabdi iyo Yuusuf UK
kuwaasoo dhamaantood ka mid ah ragga arrimaha isboortiga sida weyn ugu
ololeyeeya islamarkaasina iyaga ah ciyaartooy, waxay balan qaadeen in gudigoodu
uu wax weyn ka qaban doono hormarinta amuuraha ciyaaraha.
Waxaa la rajaynayaa in tartankani Xog-Maal uu noqon doono mid joogto ah sida uu
ka shanqariyey Mudane Maxamed Deeq.
Wargeyska Xog-Maal oo taariikhda ku galay ahaanshaha wargeyskii ugu horeeyey
ee Afsoomaali ku hadla ee madaxbanaan ee dalkani kasoo baxa ayaa arrintani waxa
ay astaan u tahay waxtarka uu bulshada u leeyahay oo iminkaba si weyn looga
dareemey qeybo baddan oo dalka ka mid ah.
Cabdinasir Saxansoxo.
saxansoxo114@gmail.com
Ururka saxafiyiinta
SOJASA oo abaalmarino gudoonsiiyey saxafiyiin Soomaaliyeed.- Dec 29
Faafin: Somalitalk.com | Dec 29, 2008