Sanadkii 2aad ee ka soo wareegay Maalintii taangiga Xabashidu
galay caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho oo laga Xusey Magaalada Johannesburg.
Sawirada Halkan ka daawo
Maanta (Axad) oo ay taariikhdu tahay 28 Dec 2008 waxaa isugu yimid hoolka Suliman Nanna
eek u yaala magaalada Johannesburg boqolaal Soomaali ah oo u baroor diiqayay
balaayo guurayadii 2aad ee kasoo wareegtay maalintii taangiga Xabashidu galay
caasimada dalka ee Muqdisho.
Seminar kan oo loogu magic daray "QABSASHADII XAMAR IYO QALALAASAHA GEESKA
AFRIKA" oo ku beegnaa 28 Dec oo ah maalintii Xamar ay qabsadeen Ethiopianku ayaa
waxaa isugu yimid wufuud ka kala yimid gobolada Gauteng, Eastern Cape, North
West iyo Western Cape.
Munaasabadan oo ay soo diyaarisay Jaaliyada Soomaalida Koonfur Afrika (Somali
Association of South Africa "SASA) ayaa waxaa loo soo agaasimay si heersare
iyada oo ay culimo iyo aqoonyahamiin kale ka jeediyeen madasha taariikhihii ay
isla soo mareen labadan qawmiyadood ee Xabashida iyo Soomaalidu.
Haddiiba maskaxdeena lagu laxaamaday taariikhda ah September 11 oo Maraykanka la
weeraray miyayna munaasab ahayn inaynu inaguna taariikhaheena waynayno oo kuwa
mudan oohinta aan tiiraanyoone, ayaa lagu furay shirka.
Nadwada waxaa aayado Quraan ah ku furay Sh Cabdi Jabaar Cali Aadan waxaana si
rasmi ah u furay Maxamed Cabdi Diiriye (Qooqaani) Nadwada oo dhan waxaa
daadihinayay Mudane Cabdi raxmaan Raabi.
Madasha Shirka waxaa lagu soo bandhigay daraasado lagu sameeyay mawduucyadan
kala ah:
Goorma ayaa layna qabsaday ma 1895tii mise 2006 oo uu jeediyay Sh Maxamed Amiin
Jawhar
Waa maxay asalka colaada u dhaxaysa Soomaali iyo Xabashi, Gacmo shisheeyase ma
ku jiraan colaada oo uu jeediyay Sh Axmed Dheere
Imisa Dagaal ayay labadan qawmiyadood dhex maray oo uu soo jeediyay Cali Siciid
Najjaar
Maxaad ka Taqaanaa Ethiopia mujtamac ahaan iyo Waa maxay tabaha cusub ee ay la
maagan tahay Soomaalida oo uu soo jeediyay Axmed Dawlo.
Haddaba waxaan si yar oo kooban uga hadlaynaa mawduucyadan iyo sidii loo soo
dhiraandhiriyay.
Sh Maxamed Amiin Jawhar;
Dalka Soomaaliya waxaa la qabsaday oo si isdaba joog ah kolba qayb loo
goosanayay tan iyo maalintii Harar ay qabsadeen Xabashidu iyagoo taageero ka
helaya dawladaha xooga waawayn ee Masiixiga ah. Maalintaas iyada ah Menelik
wuxuu fuulay minaarada Masaajidkii ugu waynaa Harar wuxuuna ka soo kaajay meesha
uu mu'adinku ka aadaamo.
Wuxuu Menelik waraaq mahad celin ah u diray dawladihii reer Yurub oo uu yidhi
"wixii manta ka danbeeya wuu dhammaaday taliskii Islaamka ee gobolkani. Menelik
wuxuu goostay qaybtii u horaysay dhulka Soomaalida markaas iyada ah.
Xayle Salaase wuxuu isna goostay dhulkii Reserve Area oo uu Ingiriisku abaal gud
ugu siiyay maadaama oo uu Xayle Salaase Ingiriiska saaciday xilligii uu
Talyaaniga a dagaalamayay dagaalka 2aad ee Aduunka.
Mengistu wuxuu reer walba oo Soomaali ah u sameeyay 3 xaraf oo "S" ka bilaabata.
Barnaamijkaasi wuxuu ahaa midkii u googol xaadhay burburkii Soomaaliya iyo kala
aamin baxa ilaa maanta taagan ee gallaaftay qaranimadii Soomaaliya. Mengistu
wuxuu yidhi khudbadii u danbaysay ee uu jeediyo isagoo madaxwayne ah "wxaaa la
igu xasuusan doonaa inaan baabi'iyay cadowgii Ethiopia oo Soomaali ahaa".
Mles Zenawi isugu wuxuu sameeyay taariikh uusan samaynin madaxwayne hore oo
Ethiopian ah wuxuuna taangiga Xabashi geeyay caasimada Soomaaliya. Wuxuu Sheekhu
ku nuux-nuuxsaday
Cali Siciid Najjaar
Wuxuu doodiisa ku saleeyay daraasad uu ku sameeyay dagaaladii kala casri duwanaa
ee dhex maray Xabashida iyo Soomaalida. Cali wuxuu si aad u hufan u kala
dhig-dhigay halgamadii kala duwanaa ee dhexmaray isaga oo ka soo bilaabay
halgankii Axmed Guray.
Cali Siciid wuxuu sheegay in 9 halgan oo waawayni dhex mareen Soomaalida iyo
Xabashida. Halgamadani qaarba wakhti ayuu socday waxaana ka mid ah:
- Halgankii Axmed Guray 1504-10545
- Halgankii Daraawiishta 1895-1921
- Halgankii Nasrullaahi (Geeshka) 1963-1964
- Halgankii Ogaden War 1977-1978
- Halgankii WSLF (Waa dagaalkii Jabhaddii WSLF 1978-1984)
- Halgankii Al Itixaad ee Soomaali Galbeed 1992-2008
- Halganka ONLF 1994-2008
- Halgankii Gedo 1996-1997
- Halganka Maxaakiimta 2006-2008
Cali wuxuu si cilmiyaysan u sheegay in Soomaalida iyo Xabashidu ay waligood is
layn jireen oo aan waligeed Soomaali laga adkaanin in Xabashi ay u gargaaraan
dalal shisheeye mooyaane. Waxaa xusid mudan inuu Cali is barbar dhigay halgankii
Axmed Guray iyo midkii Maxaakimta oo uu sheegay xilligii Imaam Axmed Guray uu
soo baxay xaallada Soomaaliya waxay u ekayd midii dalka ka jirtay sanaka 2006
iyadoo qaadhicu Dhariiqa iyo mooryaantu xukumeen.
Sh Axmed Dheere
Sh Axmed wuxuu si wayn cilmi ugu fadhiisay in colaada gobolka Geeska Afrika ay
ku fadhiso 4 shay.
- Diin
- Dhul
- Khayraad iyo
- Istaraatiijiyad
Sheekhu wuxuu diirada saaray in Ethiopia waligeed ay maamuli jireen niman
baadiriyaal ah oo diinta Masiixiga ku dhagan. Halka Soomaalidu ay tahay mujtamac
diinta Muslimka ku dhagan. Is nacaybka u dhaxeeya Soomaalida iyo Xabashida wuxuu
Sh Axmed tusaale u soo qaatay ninka Xabashiga ee mukhaayad nin Soomaali ahi
leeyahay shaah ka dalbaday ee ku yidhi "Shaaha ha igaga cadaynin caanaha Geella
oo Masiixiyiintu aaminsan yihiin inuu nijaas yahay" kadibna ninkii Soomaaliga
markii uu ka gaday shaahii ee uu lacagtii ka qaatay uu bakeerigii tuuray.
Sheekhu wuxuu kaloo ka hadlay gacmaha shisheeye ee ku jira colaada isaga oo ka
soo bilaabay taageeradii Portugese ku siiyay Xabashida xilligii Imaan Guray.
Taageeradii Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska, Maraykanka, Ruushka, Kuuba iyo
waliba kuwa kale ee masiixiga ahi ay sida joogtada u siiyaan Xabashida.
Wuxuu Sheekhu soo bandhigay khariirado fara badan oo qaarkood cadaynayo in
Soomaaliya la doonayo in Xabashida lagu darayo.
Axmed Dawlo
Axmed wuxuu diirada ku saaray Ethiopia iyo taariikhdeeda, siyaasadeeda,
dhaqaalaheeda iyo sida ay u fikirto. Wuxuu yidhi magacan Xabashi waxaa la
yidhaahdaa oo kaliya labada qawmiyadood ee Axmaarada iyo Tigreega. Ethiopia
inteeda kale waa dad sida Soomaalida la qabsaday oo qasab lagu haysto.
Axmed daraasad ahaan u soo bandhigay in Soomaalidu awoodo inay Xabshida iska
celiso laakiin Kaniisada caalamiga ahi ay saacidayso Xabashida. Wuxuu sheegay in
lacagta Ethiopia dakhliga u ah oo dhan marka laga reebo 30% ay bixiyaan
Maraykanka iyo Midowga Yurub oo u siiya Ethiopianka deeq ahaan iyo dayn ahaan.
Sidaas oo ay tahay buu yidhi lacagta ay Soomaalida aan dawlada lahayni isu dirto
waxay ka badan tahay dakhliga Ethiopia oo dhan. Wuxuu yidhi Ethiopia 4 jeer ayay
ka dad badan tahay Soomaaliya waana isku dakhli ama Soomaalida ayaa ka badan.
Wuxuu yidhi Soomaaliya oo aan dawlad lahayn xataa "GEELLU wuxuu haystaa Mobile
phone" halka ay ciidamada Xabashida ee Muqdisho yimid markaas ugu horaysay
qaarkood.
Inkasta oo aan maqaalkan lagu soo koobi karin Nadwadan oo socotay 5 saacadood
hadana waxaa la odhan karaa dadkii Soomaalida ahaa ee isugu yimid goobta waxay
la mabsuudheen macluumaadka la soo gudbiyay oo dhab ahaan aad u qoto dheeraa.
Waxaa kale oo goobta lagu daawaday cajalado video ah oo ku saabsan taariikhda
Soomaalida iyo dagaaladii dhex maray iyaga iyo Xabashida.
Munaasabadii ayaa sidaas ku dhamaatay iyada oo Ilaahay laga baryay in maanta
maalinteeda kale 28 Dec 2009 uu insha Allaah xor ahaan doono dalka Soomaaliyeed
ee Xabashi haysato oo dhan.
Mohamed Ismail
mismacil@gmail.com
SomaliTalk.Com
Faafin: Somalitalk.com | Dec 28, 2008