SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharax Nuradin Aadan Diiriye Oo booqday Kuuliyadda Waxbarashada Macalinnimada ee GTEC. ( Garowe Teacher's Education College) kana soo jeediyey khudbad dheer.

Sawirada Halkan ka daawo...

Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye oo Maamulka, Ardayda iyo Macalimiinta Kuuliyadda Waxbarashada Macalimiinta ee Garowe. Kulankaas oo musharaxu ka soo jeediyey khudbad dheer oo ka hadlaysa muhiimada waxbarashada sidoo kale soona bandhigay siyaasadiisa.

Intaas kadib waxaa halkaas ka furmay kulankii Ardayda GTEC iyo Musharax Nuradin Aadan Diiriye ee uu kula yeeshay magaalada garowe kuuliyadda waxbarashada macalinimada ee GTEC kulankaas oo ahaa mid aad iyo aad ugu farxeen dhamaan Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda dhigata GTEC iyagoo ay ardaydu tilmaameen in uu musharax Nuradin Aadan Diiriye yahay musharixii ugu horeeyey oo qiimeeya Kuuliyadda Waxbarashada Macalinnimada ee Garowe.

Ugu horayntii waxaa furay hadalka maamulaha Kuuliyadda Waxbarashada Macalintinimada ee GTEC. Mudane Cabdirisaaq Axmed shiikh una mahad celiyey Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye booqashadiisa Cabdirisaaq Axmed Shiikh ayaa ugu warbixiyey ardayda hortooda Kuuliyadda Waxbarashada Macalintinimo ee Garowe.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Maxamed Abshir Walde oo ka hor akhriyey ardayda GTEC horteeda Taariikh Naloleedka Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye oo kooban tilmaamayna muhiimada ay waxbarashadu u leedahay Bulsho kasta.

Waxaa isla markiiba hadalkii lagu soo dhaweeyey makarofoonka Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye oo ka soo jeediyey khudbad ay aad ugu riyaaqeen dhamaan maamulka iyo ardayda Kuliyadda taas oo keentay in gabagabadii ay soo bandhigaan ardaydu su'aalo muhiima oo maanta u taagan in la horkeeno musharixiinta puntland si wax looga xaqiijiyo ujoodadooda iyo waxqabadkooda.

Khudbadii Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye


Waan idin salaamay salaan kadib waxaan aad idinka mahad celinayaa sida diiran ee aad ii soo dhaweyseen Run ahaantii ma doonayo in aan idinka mashquuliyo wax barashadiinii maanta kulankeenu waa mid ku taxaluqa arimaha wax barashada iyo sidii aan talooyin ukala qaadan lahayn Waxaan aad ugu faraxsanahay in gabdhuhu ay ka badan yahiin maanta Wiilasha hormar kasta oo maanta dunida gaartay waxaa ay ku tiirsan tahay Gabdhaha Waxaan shaki ku jirin in gabdhahu ay ka dulqaad badan yihiin Wiilasha, Gabdhahu waxaa ay siwanaagsan u joog teeyaan waxbarashada iyo howlkasta oo loo idmo halka ragu ay ka guur guur badan yihiin

Maanta waxaan u soo gur manay bad baadinta Puntland xaga amaanka , xaga difaaceeda, xaga hor markeeda, iyo Xaga jiritaankeeda, Waxaa nasiib Darro ah in maanta ay maqan yahiin Gobalo katirsan Puntland kuwa kalana La handadayo oo culays weyn uu soo fuulay, Waxaan ognahay in uu jiro isxilqaan shacabku ay isu xilqaameen arimahaas wax wayna ay ka qabteen hadii aysan jiri lahayna ay wax badan dhumi lahaayeen, sidaa daraadeed Waa in la helo Amaan Laysku halayn karo qofkastana xaq ayuu u leeyahay in uu helo amaan, waxaa loo baahan yahay in la helo Ciidan suga amaanka kuwaasoo ubaahan in loo helo Dhaqaale ay ku noolaan karaan kuna difaaci karaan dadka iyo dalka reer Puntland.

Puntland waxay ka baa ba'day maaraynta Maaliyada waana Amaano loodhiibay Maamulka oo loogu talagalay in ay wax uga qabtaan Amaanka, Horumarka, Nidaamka ay marto hadana lama orankaro Waa mid xalaal ah, Hadii anaga naloo dhiibo waxaan balan qaadaynaa in aan u sameeyno nidaam wanaag oo muuqda waxaana ku maamulaynaa sida Caalamka uu wax u maa musho dhanka horu'marka, tan iyo intii la dhisay Puntland waxaa ayaan darro ah in aan loo samayn shacabka Qaabka cod bixinta oo wali aysan hirgalin waana nasiib daro iyadoo maanta ay laga sugaayo in ay codbixiyaan 66 Qof oo ay Masuul ka noqdaan Dadweyne Aad u faro badan, Waxaana jirta in Dadweynuhu aad u rajeynayaan in laga gudbo Codeynta 66da Qof loona gudbo in Qofkastaa uu iskiis u codeeyo.

Waxaan kaloo rabaa maanta inaan ka hadlo Arinta Waxbarashada run ahaantii sida uu inoo sheegay Maxamed Abshir Walde wax barashadu waa waxa aasaaska u ah Horu'marka Bulshada
Hadii ay wax barashadu ay tahay Mid aan lahayn sal adag Wadankaasi waxaa uu noqonayaa Mid aan lahayn Hormar, Dhalinyaradu waa Hormuudka horukaca iyo horu marinta wadanka
Muwaadin kasta oo wadanka u dhashay waxaa uu Xaq u leeyahay in u helo waxbarasho waa in lagula xisaab tamo sida uu sharcigu dhigayo hadaba halkee bay hada wax marayaan
anigu waxaan aad xiisa wayn ugu qabaa waxbarashada maadaama aan anigu aan wax kabilaabay shaqadaydii ugu horeesay Waxbarasho Macalin.

Bulshada reer Puntland markii laga hadlo waxbarashada dadka waxbarasho helaa waxa ay gaaraan Bboqolkiiba Sodon 30% Boqolkiiba Dodoaabatana uma suuro gasho in ay waxbartaan taasina waxay ina tusaysaa cawaaqib xumada ay yeeli karto Soomaaliya oo dhan waxaa maanta macalimiin ka ah Boqolkiiba Sadex iyo Tobon 13% Puntland idinka ayaa iiga xog ogaalsan
xaga wax barashada soomalia Waxa la orankaraa maahan mid layku halaynkaro oo dhisi karta noona horseedi karta Horumar, Waxaan doonaynaa Puntland in ay noqoto Xarunta ganacsiga iyo Dhaqaalaha Soomalia Laakiin waa in lahelaa siyaasad iyo nidaam lagu midaysan yahay oo la samaysto.

Marka tayada laga hadlayo waa noocaasi waxaana jira Machad ay inoo sameeyeen Hay'ado oo hada wax lagu barto da'daalna ay ka tahay Qaababka ay maanta wax u soconayaan ma'ahan mid laysku halaynkaro dhinackasta

Maamulaha iskoolka waxaa uu iisheegay 46 macalimiin uu soo saaray Kuuliyadda GTEC waxaana uu ii sii sheegay in tira yar ay hada ka shaqeeyaan dhanka wax barashada iyagoo ka kala shaqeeya Hay'adaha iyo shirkadaha kadhisan Magaalooyinka waa wayn ee Puntland
Macalinka waa in uu helaa Xuquuqda uu leeyahay oo ah Mushaarkiisa, Sharaftiisaa si ay unoqoto in loo tar tamo Jagada macalinimo oo aysan noqon sida maanta ay tahay oo kale
Markasta waa in laga wada tashadaa Arimaha wax barashada waayo waa mustaqbalka Dalka
waa in lo sameeyo qorshayaal hadaba sida tirada ardayda u baahan wax barashada tirada macalimiin ee la heli karo, Waxaanse kawarhelay in Wasaarada Waxbarashada Ee Puntland aysan Awood u lahayn xitaa in ay shahaadooyin ay siiso Ardayda loona doonto Magaalada Mogadisho balse ilaahay inama badin Anagaase isbadnay

Waxaa kaloo la ii sheegay in wasaarada aysan awood u lahayn in imtixaan mideysan ay u sameeyso ardada reer Puntland waa mida aan u doonayno in aan ku sameyno isbadal muuqda oo aan ka sameyno Puntland, Nidaamka wax barashada xaga luuqadaha waxaa loo baahan yahay in lasugo sida Soomali , Carabi , English waana in go'aan laga gaaraa
Soomali nimadeena in ay sugnaato waa in aan anagu go'aan ka gaarnaa Mar aan ka tirsanaa saraakiil ka socota Hay'ada Unicef waxaan booqasho ku tagnay magaalada Baydhabo waxaana booqanay Xarun wax barasho iyadoo uu nawehlinayay Wasiirka wax barashada DFKG Ee Soomaliya Waxaan la kulanay ilaa 700 oo arday iyo macalimiin waxaana ka codsanay in ay inoo qaadaan heesta calanka soomaliyeed wayna awoodi waayeen Balse waxaa yaab iyo amakaag igu noqotay in ay wada qaadeen Heesta Nashiidada ah ee Calanka Suudaan
halka iskuul kalana oo isna ku yaala Baydhabo sidaa si lamid ah ay nagu dhacday balse iyaguna waxay noo qaadeen Nashiido lagu amaanayo Boqorka sacuudiga

Sidaa daraadeed waxaan idinla socod siinayaa in loo baahan yahay in la helo Siyaasad Wax barashho oo maanta keeni karta in ay u sameeso dadka reer Puntland horu'mar la taaban karo.
Waxaa kaloo loo baahan yahay in lahelo Xaruma caafimaad oo haqab tira baahida cafimaad ee Bulshada, Waa in la helaa sidoo kale wax soo saarka Biyo Nadiif ah oo dhamaan laga hir galiyo deegaanada Puntland oo dhan

Khudbad Dheer kadib musharax Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa ay waydiiyeen aradayda Su'aalo dhoora oo ay u soo bandhigeen sida tan:-

Su'aalo:-

Axmed jaamac Cawad


1. Soo dhawayn kadib iyo mahadcelin kadib waxaan ku waydiiyey musharax ma ahan markii ugu horaysay ee doorasho ay ka dhacdo Puntland sidaa iyo si lamid ah ayay hadalo Macaan oo soo jiidanaya dareenka ardayda iyo shacabkaba usoo diyaariyeen mana dhaqangalin markii ay ku guulaysteen Maxaa laguugu aaminikaraa in aad ka dhabaynayso hadaladaada oo maanta na farxad galiyey.

Cali maxamed Cilmi


2. Salaan iyo Mahad celinkadib maadaama uu musharaxu sheegay dhibaatooyinka wax barashada iyo sida ay u jiraan maxuu isagu ka qabanayaa qorshahiisa wax barasho maxaase uga qorshaysan arimaha hub ka dhigista maadaama Beel kasta ay hubaysann tahay

Sahra cabdi


3. Dugsiyada sare ee Puntland ardayda ka baxday malaga yaabaa in uu usuura galiyo in ay helaan Jaamacado haday ahaan lahayd Dibada ama Gudaha

Jawaabo:-

Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye


1. su aasha koowaad reer puntland waxaa maanta u sheegayaa in ay jiraan 4 arimood oo lagu kala ogaan karo, Barnamijka siyaasadeen.
Hadii uu qoran yahay waa sidee baad uga qabanaysaa imisa iskool baad dhisaysaa iyo goormaad ku qabanaysa muda cayima.

2. Xagee baad ka keenaysaa lacagta aad ku qabanayso waa la ogyahay dhaqaalaha Puntland yaase la kaashanaysaa dhanka caalamka, Dowladaha kale xiriir caalami malaleedahay.

3 Taariikhda musharaxa horay maxuu u qabtay Waxa uu sheegayo oo dhan horay waxma uga qabtay waana in la waydiiyaa taariikh amaano ah ma leyahay sidaasaa lagu kala ogaanayaa in ay hadaladu yahiin mid Dhab ah.

Anigu waxyaabaha aan wax ka qabtay waa kuwa cad oo dhanka wax barashada iyo dhismiyaal ka kooban Guryo Sidoo kale Dad soo barakacay Sidoo kale Shaqaaleyn taas oo tilmaamaysa in aan Puntland iyo Somaliyaba aan wax ka qabtay

Su'aasha labaad

Waxaan ognahay arday fara badan iyo macalimiin oo waxay qabtaan intay waayen camal la'aan ay meelaha iska joogaan waa in lasameeyo qorsho shaqa abuur ah oo dhalinyarada loo sameeyo waxaana dhici doonta hadii sidii loogu talagalay looga faa'iidaysto in shaqaale dibada ah aan u baahano waxaan leenahay Dhul bad leh, Xeeb dheer oo waxaa la sameyn karaa shirkado kaluumaysi oo shaqa abuur u noqonaysa dhalinyara faro badan oo maanta ku dayacan Puntland una baahan in la badbaadiyo.


Su'aasha sadaxaad Manhajka


Waxbarashadu marka hore waa in ay gacanta u gashaa Dowlada hadase gacanta uguma jirto
Markaasi kadib ayaan samaysan karnaa Manhaj Midaysan amaanka siwayn ayaan uga hadalnaa waayo amaanka waa aasaaska Noolaha oo dhan waana talaabada ugu horayso oo aan ku dhaqaaqidoono, waxaana loo xilsaari doonaa Ciidamo tayaleh oo ladheeli tiray

Su'aashii kale oo ay soo bandhigtay Sahra Cabdi

Waa run mahelaan dhalinyarada dhamaysay wax barashada dugsiyada sare Jaamacado ama shaqooyin waana mid loo baahan yahay in la helo Jamacado iyo Shaqooyin rasmiya.

Puntland waxaa xaqiiqa ah mahesho intii ay ku lahayd deeqaha waxbarasho oo ay bixiyaan Dawladaha shisheeye sida carabaha Iyo Dalalka kale, waxaa farxadleh in ay ila soo xariireen afar urur oo waxbarasho oo ka dhisan sida malaysiya , Hindiya , Bakistaan waana mid aan siwayn ugu farxay waxayna ii sheegeen in ay isku xiran yahiin dhamaan reer puntland oo ay midaysan yahiin waa mid lagu farxo

Sidoo kale arinta Sool iyo Sanaag ee soo celinta gobolada ka maqan Puntland taas waa muqadas in la soo celiyo lana sugo in aan xuduudeeda lagu soo xadgudbin soomaliya oo dhan waa ay isu baahan tahay meel kasta oo ay wada joogaan Somaliland kama maaranto Soomalida kale mana ka Go'ikarto.

Si kastaba ha ahaatee Su'aalihii Ardayda Kuliyadda ay waydiiyeen musharax Nuuradiin Aadan Diiriye iyo Khudbadii Musharaxa ayaa ku soo gabagaboowday Si wanaagsan oo ay aad ugu riyaaqeen Dhamaan ardayda, Macalimiinta iyo Maamulka.


Suxufi: Farxaan Yaasiin Mire ( isqootax)

isqootax@hotmail.com
isqootax1@gmail.com

Garowe-Puntland

Faafin: Somalitalk.com | Dec 27, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS