SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hay.adda nabada horumarinta bulshada oo qeybisay hilbo ceeriin iyo lacago....


Hay`ada Nabada Horuumarinta bulshada iyo ka hortaga Jahliga oo ka qayb qaadanaysa kaalmaynta iyo badbaadada umada dhibaataysan ee Somaliyeed



Hay`adu iyadoo ka qayb qaadanaysa kaalmaynta iyo badbaadada umada dhibaataysan ee Somaliyeed, waxaa ay gaar siisay tira kamid ah dadka ku jira kaamamka qaxootiga ee ku yaala xaafada kaaraan xoolo loogu talagalay sadaqada qiimaha badan ee udxiyada.

Hay`adu waxaa ay xoolahaas ugu tala gashay udxiyadii sanadkan 1429h waxaana arinkaa khayrka badan ka soo shaqeeyay maamulka hay`ada oo fadhigoodu yahay magaalada qaahira ee wadankaasi masar iyagoo kaalmaysanayay muxsiniin ka mid ah jaaliyaadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa.

Sidookale Hay`adu waxaa ay gaarsiisay deeq gargaar iyo taakulayn ilaa 40 agoon ah, si ay agoontaasi ugu ciidaan farxad.

Howlahaa gargaarka ah dhamaantood hay`adu waxaa ay lakaashanaysay jaaliyaadka soomalida ee ku nool wadamada ay ka mid yihiin ingiriiska, kanada, danmark, iyo meela kale.



Hadaba hay`adu waxaa ay ugu baaqaysaa umada muslimiinta ah gaar ahaan umada Soomaaliyeed in ay u istaagan badbaadinta umadaan dhibaataysan dadkeeduna gabay ka shaqaynta danta dadka iyo dalka.

اللهم أعط منفقا خلفا.. صدق رسول الله صلى الله عليه وسلم

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: Somalitalk.com | Dec 23, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS