SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Sawirada Carruurta oo ka dhoofaya Muqdisho Halkan ka daawo.....

Hay’adda COGWO iyo Cabdi Muuse Maaxaay oo Iska kaashaday sidii Labo Caruur oo ku xanuunsanaa gudaha dalka Dibadda looga qaadi lahaa
Websiyada kala ah www.qaranimo.com www.dayniile.com www.somalitalk.com www.dadnimo.com oo la amaanay sida ay dadka jiran caafimad dibada ah ugu radiyaan waana arin ku dayasho mudan sida ay sheegeen in badan oo gargaar caafimad oo dibada ah loogu diray

Maanta ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhoofay Labo Caruur ah oo muddo ku xanuunsanaa Jammaame iyo Muqdisho waxna looga qaban waayay gudaha dalka kadib markii baaris ku sameeyeen Gabdhahaas Dhaqaatiirta gudaha qasabna ay noqotay in Dibadda daaweyn looga raadiyo taas oo natiijadeeda maanta dhacday.

In Gabdhahan Dibadda loo qaado ayaa waxa sabab u ah dadka Soomaaliyed oo ku dhaqan Mareykanka kuwaas oo uu ka mid yahay Cabdi Muuse Maaxay iyo Gabdho iyagana iska soo Ururiyay qarash ku baxayay socdaalkan Bukaanka ah ee maanta loo qaaday dalka Kenya.

“Cabdi Muuse Maaxaay dadkan ma yaqaano,waxaa uu ka arkay oo kaliya Bogga Internedyada,iyagna ma yaqaanan wuxuuna go’aansaday inuu taakuleeyo dadkan dhibaataysan”ayay tiri Sahro Maxamed Axmed oo ka mid ah Madaxda Hay’adda COGWO.

C/llaahi Maxamed Nuur oo aabe u ah mid ka mid ah Gabdhaha maanta loo qaaday Caafimaad Dibadda ayaa u mahad celiyay Hay’adda COGWO iyo Cabdi Muuse Maaxaay,wuxuuna sheegay in gabdhiisa ay wax ka qaban waayeen dhaqaatiirta Gudaha, balse waxaa uu aad uga farxay sida uu isku xil qaamay Cabdi Muuse Maaxaay oo sabab u noqday in Gabdhahan Dibadda lagu soo daaweeyo.

Mid ka mid ah Gabdhaha xanuunsan ayaa waxay jirtaa 9 Bilood sida ay sheegtay Hooyadeeda oo iyadoo ku sugan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho la hadlaysay Wariyaasha, mudadaas ayay sheegtay in Gabdheedu aad u xanuunsanaysay.

Maryan Daqle oo ka mid ah Saraakiisha Hay’adda COGWO oo iyadoo sagootinaysay Gabdhahaas maanta loo qaaday Caafimaad Dibadda ah iyagoo la socda Waalidiintooda ayaa waxay ka warbixisay qaabkii ku suurtigashay in gabdhahan Dibada loogu qaado.

“Caruur yar yar oo xanuunsan, dalkana wax looga qaban waayay, waxaan oo dhana waxay ku dhaceen dhibaatada dalka ka jirta, sida dagaalada aan dhamaadka lahayn, waxaa dhacday in dhaqaatiirtii aqoonta lahayd ay dalka isaga cararaan kuwa joogna ma haystaan qalab wax lagu baari karo ama daawo tayaysan, sidaas darted dad Soomaaliyed oo Mareykanka ku Nool ayaa waxay go’aansadeen inay taakuleeyan Gabdhahan aadka u xanuunsan, waxaana dadkaas ka mid ah Cabdi Muuse Maaxaay Ilaahay howsha uu qabtay bedelkeeda wax qeyr qabo ha u geliyo”ayay tiri Haweenaydaas COGWO ka tirsan oo lagu Magacabo Maryan Daqle.

Marwo Maryan waxay ugu baaqday dadka Soomaaliyed dibadda ku dhaqan, Ganacsatada, dadka shaqsiyaadka ah ee Ilaahay Maalka siiyay, hay’adaha deeqda bixiya inay gacan ka geystaan sidii loo badbaadin lahaa caruur fara badan oo ku dhibaataysan gudaha dalka kuwaas oo la sheegay inaan waxba looga qaban Karin gudaha dalka, waxayna sheegtay inay la kaashan doonaan daaweynta caruurtaas Soomaalida Dibadda ku dhaqan ee Cabdi Muuse Maaxaay ka midka yahay.

Cabdi Muuse Maaxaay“Waxaa Mahad leh Ilaah nagu abuuray inaan u isku naxariisano oo aan wax ugu qabano keena dhibaataysan oo u baahan caawinaada Xanuunka ama cudurkan labadan caruur ay qabaan waa cudur la daawey karo loo yaqaano hydrocephalus oo ah cudurka maska biyaha galaan, hadii laga gaaro isla markiiba ama goor hore waa la daaweyn karaa:

“Waxaan mahad gaar ah u dirayaa dhamaan umadda Somaaliyeed gaar ahaan dadkii ila soo xariirey ama ha ahaadeen kuwo soo taakuleeyey ama kuwo nagu dhiirigaliyey inay wax nala qaban doonaan. Koley ma filaayo in aan idiin sharxo dhibka inta uu la eg yahay balse waxaad ka quus qaadataan amaaad aragtaa masawirada labadaas canug ee dhibaataysan”ayuu yiri Dr Cabdi Muuse Maaxaay.

“Farxadii iigu wayneyd ee dareemo waxay ahayd markii aan wacay hooyadiiiyo Aabihii dhaleen gabadhaan joogto Mogadishu ee aan u sheegey hadii ilaah ogolaado in aan gabadhooda aan rabo in aan caawiyo oo aanu qaado Nairobi, Nasiib uma helin inaan helo meel aan ka Waco gabadhaan joogtey Jamaame balse waxaan la Hadley nin aad u wanaagsanoo ka masuuul ah Websidka Jamaame oo joogo Saudi Arabia Jeddah,.Balse waxaa ka sii faraxad badan markii aad akhristoow isku daydid inaad wax la qabtid, labadaan gabdhood ee Somaliyeed ama ha ahaato inaad u ducaysid ama ku caawisid xag dhaqaale ku caawisid.Waxaad aragtaan inta dhibka la eg yahay iyo baahida loo qabo in labadbaadiyo caruurtaan dhibaataysan, Waxaan aamin sanahay in wax kasta aad ku caawin kartaan ama dhaqaale ama u soo ducaysaysaan in ilaahay dhibkaan ka qaado. Marna ha yaraysan xataa hadii aad damacdo inaad $ 1dollar xataa ku caawisid,Dhaqaalaha ku baxaya markii qof loo ka xaynaayo Kenya ayagoo raacaayo waalikdii iyo wiil ama gabadh kii doono ha ahaadee cid kasta waydareemi kartaa ama ka ogaan kartaa tikidhka qiimahiisa iyo qarashka kubaxa safarkooda iyo inta ay joogaan Nairobi.Sidaas darteed haddii aad rabtid inaad caawisid labadan caruur ee dhibaateysan Fadlan nagla soo qayb gal caawinaadda. Waxaad nagala soo wacdaa. Caabiyo Ciise -612-298-1044-Minneapolis MinnesotaAisha Hussein-612 481-4623-Minneapolis Minnesota. Ama u soo qor Email Abdi Muuse Maaxaay-maaxaay@gmail.com - Minnesota, USA

Intii aysan ka dhoofin Caruurtaas Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa la guddoonsiiyay Waalidiinta Caruurtaas la socotay Lacag dhan 800 oo Dollar micnaha Labada Gabdhood waxaa la siiyay min afar Boqol oo Dollarka Mareykanka, taas oo looga talagalay inay jidka ku sii maraan.

Wariye Muuse Maxamud Jiisow oo kula kulmay Garoonka Muqdisho labadaas Gabdhood iyo Waalidiintii la socotay ayaa waxaa uu sheegay marka la eego nolosha gabdhahaas iyo kuwa kale oo ku rafaadsan gudaha dalka inaysan ku filanayn dhaqaalaha iyo kaalmada maanta la bixiyay, wuxuuna sheegay in ficilada nabarka leh ee ka muuqda caruurta ay yihiin kuwa aad looga naxo,wuxuuna sheegay inay haboon tahay in gacan laga geysto taakuleynta dadka aan awoodin inay caafimaad dibadda aadan kuwaas oo daadsan gudaha dalka haba u badnaadan gobolada dalka.


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: Somalitalk.com | Dec 23, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS