SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Caano-shubka Suldaanka Beesha Muuse Suldaan.

Sawirada Caano mshubka halkan ka daawo....

Dhuudo (somalia) 10-kii bisha Disembar oo ku beegneyd maalin Arbaca ah waxa Tuulada DHUUDO oo ka tirsan degmeda Bender Beyla / Somaaliya lagu caano-shubay Suldaanka beesha Muuse Suldaan, Suldaan Raage Sheekh M/uud.

Munaasibadaas caano-shubka oo si weyn loo soo agaasimey waxa si buuxda uga soo qeyb galey dadweynaha ku abtirsada beeshaas iyagoo isaga yimid wadanka gudahiisa iyo dibadiisaba, sidoo kale waxa ka soo qeyb galey dad kale oo aad u fara badan oo ka koobnaa qabaa,ilada degaanka la wadaaga beesha iyo marti-sharaf ka kala yimid gobolada kale ee Puntland.

Munaasibadaas oo si farxad leh ku dhamaatay waxa laysku raacay in ay aheyd mid taariikhi ah welina aan mid la mid ah lagu qaban degaanada Puntland.

Salaadiintii, Nabadoonadii, Ganacsatadii, Haweenkii iyo Dhalinyaradii ka soo qeyb gashey munaasibadaas lagu caano-shubayey Suldaan Raage Sheekh M/uud waxay dib ugu soo laabteen degaanadoodii iyagoo ay ka muuqato farxad iyo raynreyn, taasoo loo nisbeynayo waqtigii wacnaa, xurmadii iyo maamuuskii ay kala kulmeen xafladaas oo aheyd mid la mahadiyey.

Dhamaan dadweynihii ka qeyb galey xafladaas waxey u soo jeediyeen Suldaan Raage Sheekh M/uud Hambalyo iyo bogaadin iyagoo RABBI uga baryey inuu siiyo cimri dheer iyo caafimaad xilka balaaran ee loo doortayna uu u fududeeyo.

Intaa ka dib Suldaanka oo lagu soo dhaweeyey suugaan, ciyaaro iyo damaashaad wuxuu mahadnaq u jeediyey dadwynihii karaameeyey oo si aan marna la ilaawi Karin u sharfay, sidoo kale wuxuu u duceeyey dadkii xaflada ka soo qeyb galey dhamaantood.

Markii ay dhamaatay xafladdii caano-shubka ergooyinkii ka yimi degmooyinka B/beyla iyo Xaafuun waxey Suldaanka iyo marti-sharaftii la socotey ku casumeen in ay booqdaan labadaas Degmo oo ay beeshu degto.

Wafdiga uu Suldaanku hogaaminayey waxay ku hormareen degmada B/beyla halkaas oo ay kala kulmeen soo dhaweyn diiran oo lagu mitaalay tii lagu soo dhaweeyey Mudane Dr. C/rashiid Cali Sharma,arke 1962-dii oo markaas ahaa Raysul-wasaarihii Soomaaliya.

Dadka reer B/beyla waxay soo bandhigeen ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee lagu yaqaano degmeda B/beyla kuwaasoo ka soo jeeda asal ahaan Bariga Africa waxana ka mid ahaa ciyaarihii ugu xiisaha badnaa, ciyaarta loo yaqaan(SHUUMBO).

Suldaan Raage iyo wafdigiisii waxay u ambabaxeen Degmeda Xaafuun, sidoo kale waxa lagu soo dhaweeyey si aad u diiran halkaas oo ay joogeen labo maalmood, Gabdhaha reer Xaafuun, Suldaanka iyo wafdigiisa waxay u tiriyeen buraanbur iyo ciyaaro kale oo degmada Xaafuun lagu yaqaan.

Suldaan Raage dadweynaha labada degmo wuxuu kala hadlay goobo fagaare ah, wuxuuna si gaar ah kula dardaarmay in ay la shaqeeyaan gacana siiyaan guddoomiyayaasha labada degmo si loo sugo amniga kaasoo ah furaha lagu gaari karo horumarka laguna kasban karo mashaariic horumarineed, wuxuuna si kal iyo lab ah ugu jeediyey duco.

Suldaan Raage Sheekh M/uud iyo wafdigii uu hogaaminayey waxay dib ugu soo laabteen Magaalada Boosaaso 17-kii December 2008.

Suldaan Raage 18.10.1969 ayuu ku dhashay Magaalada Muqdisho, Dugsiga sare wuxuu dhameeyey 1985/86, waa ganacsade, wuxuu guursadey laba xaas, dadkiisu waa 11, 5-wiil iyo 6 gabdhood.


Illaahow Suldaan Raage Shiikh M/uud xilkiisa u fududee !!!!!


M/ed Ali Yusuf (Alii Alii).
B/beyla - Soomaaliya.

Faafin: Somalitalk.com | Dec 22, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS