SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed oo Carwo Buugeed ku qabtay Dalka Jibouti

Sawirada Halkan ka daawo...

Naadiga PEN ee qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed ayaa maanta wuxuu Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti uu ku qabtay Carwo Buugeed looga gol-leeyahay hirgelinta hal-abuurka ku qoran Afka Hooyo.

Munaasabad lagu furayay Carwo Buugeedka uu soo qabanqaabiyay Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-Abuurka Soomaaliyeed oo ka dhacday Guriga Umadda Jibouti ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Jibouti, Aqoonyahanno iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay in ay ka qeybgalaan Carwo Buugeedda Jibouti 2008.

Munaasabadda oo Aayado Qur’aan ah lagu furay kadib waxaa gabay ka soo jediyay C/llaahi Xasan Feero-Geelle oo ka mid ah Suuganyahannada Reer Jibouti, kaasi oo Gabaygiisa ku iftiiminayay ahmiyadda uu qoraaga iyo gabyaaga u leeyahay Umadda, wuxuuna ku baaqay in la horumariyo afka Soomaaliyeed.

Waxaa markaas kadib cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyay Xaashi C/llaahi Orax oo metelayay Odayaasha Somali PEN. Xaashi waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la horumariyo Afka Hooyo. Wuxuuna carrabka ku dhuftay fikradda qabanqaabinta carwo-buugeeddan iyo asaasiddii Naadiga PEN labadaba inuu keenay Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ah Guddoomiyaha Somali PEN, wuxuu kaloo bogaadiyey garabgalka Madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle isku garab taagay arrimahan. oo dhan . Wuxuu ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda ay leedahay horumarinta Afka Soomaaliga.

“Wax la adeegsan karo oo Cilmi kale lagu gudbin karo waa Afka Hooyo. Maanta Jariidadaha Dalkan ka soo baxa ee Faransiiska ku qoran dad yar ayaa aqrista, laakin TV-ga waxaa daawada dad badan oo kumanaan ah, wuxuuna gaaraa meelo fog fog”ayuu yiri Xaashi C/llaahi Orax oo intaas ku sii daray.

“Marka wax laga hadlayo afar dareen ayaa la adeegsadaa waxayna u kala jiraan labo iyo labo. Labo waa ku hadalka afka iyo dhegeysiga, labo kalena waa aqriska iyo qorista, marka in la iibsado weeyaan buugaagta oo la aqriyaa, bulshada horay u martay waxay eegaan qofka inta buug oo uu bishii aqriyay, weliba annaga dumarka ayaa roon ee raggu waa qayilayaan, inta ay qayilayaanna waxba ma aqrin karaan”.

Aadan Faarax oo ka socday Abwaannada reer Jabuuti ayaa munaasabadda ka hadlay wuxuuna Aadan sheegay in Umad kasta ay qalin iyo buug wax ku kala dhaxasho, “Haddii aanu jirin qalinka adduunyada dhaxal ma hesheen, waxaa la yiraahdaa hadalka waa baaba’aa laakin qalinka ma baaba’o, tusaale wixii qarniyo ka hor la qoray ayaan maanta heysannaa, laakin hadal waa hore la yiri waa suurtowdaa in uu lumay”ayuu yiri Aadan Faarax.

“Ardayda Jibouti waa ku adag yahay aqriska Soomaaliga, taana waxaa ugu wacan Schoolka laguma barin, markaa waxaa loo baahan yahay in wax laga bedelo”ayuu mar kael yiri Aadan Faarax oo intaas ku sii daray. “qalinka gacanta qabata ayaa xumeysa mooyee isaga xumaan ma keeno, qalinka tuug ma noqdo, waana dhaxalka ay addduunyada heysato, markaa walaalayaal waxaan leeyahay waxaa bilowday fahamka in loo baahan yahay in la horumariyo Afka Soomaaliga ee aan horay u sii wadno”.

Sahra Jaamac Saalax oo ka mid ah qorayaasha dalka Dibaddiisa ka yimid ee Carwo Buugeedda Jibouti lagu casuumay ayaa iyaduna munaasabadda ka hadashay, waxayna sheegtay in qalinka uu yahay hubka ugu weyn ee qofka ku dagaallamo, “waa uu ka awood weyn yahay seefta” ayay tiri Sahra Saalax oo sheegtay in ay qortay buugaag ka hadlaya siyasadaha dalalka dhibaatooyinka ka jiraan ee Soomaaliya, Afghanistan iyo Ciraaq, “Marka aan arrimaha dalalkaas wax ka qorayo waxaan dareemaa nafis”ayayna hadalkeeda ku sii dartay Sahra.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan ku baraarujinayaa in ay ku dadaalaan in uusan lumin dhaqankooda, qora taariikhda iyo dhaxalkii awoowayaashiin, Jibouti waxay noqon doontaa halka laga helo dhaqanka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan kan Afrika”ayay mar kale yiri Sahra Saalax.

Intaas kadib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-Abuurka Soomaaliyeed qoraa sare. Maxamed Daahir Afrax, wuxuuna ugu horeyn Guddoomiyuhu salaamay ka soo qeybgalayaashii Munaasabadda, kadibna waxaa uu uga mahadceliyay waqtiga ay siiyeen.

“Munaasabaddan waa fursad qaali ah, waxaana ku faraxsannahay in aynu u kulannay ujeeddo qaali ah oo ah horumarinta hal-abuur ku qoran afka Hooyo, waa halku-dhigga Carwo Buugeedda Jibouti ee 2008”ayuu yiri Maxamed Daahir Afrax oo intaas ku sii daray.

“Waxaan aad ugu faraxsannahay in uu munaasabaddan weyn nagala soo qeybgalay Wasiirro ka socday Dowladda Jibouti oo uu horkacayayWasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Jibouti Cali Cabdi Faarax, waxaan u qaadaneynaa in ay yihiin saaxibada qalin-leyda, hal-abuurka iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Waa fursad qaali ah in aynu mar kale ku kulannsanahay Jibouti oo noqotay kulmiso, hooyada kulmisay maskax-maalka degmadeena” ayuu yiri Guddoomiyaha Somali-Speakin PEN.

Guddoomiyaha Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-Abuurka Soomaaliyeed Dr . Maxamed Daahir Afrax waxaa uu intaas ku daray in Munaasabadda Carwo Buugeedda Jibouti 2008 ay leedahay seddex ahmiyadood oo kala ah:

Hirgelinta Erayga qoran
Horumarinta hal-abuurka ku qoran Afka Hooyo
Himad-gelinta iyo u hiilinta qorayaasha soo koraya, siiba kuwa wax ku qoraya Afka Hooyo, Soomaaliga iyo Cafariga

“Seddexdan himilo waa kuwo uu Ururka Somali PEN muddo seddex sano ah ka shaqeynayay, waxna wey ka hirgaleen, waxaana taasi suurtageliyay Madaxweynha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo hiil iyo hoo la garab-taagan Ururka Jibouti” ayuu yiri Maxamed Daahir Afrax oo sheegay in shirkii ugu dambeeyay ee uu naadiga PEN London ku qabtay looga hadlay horumarinta Afka Soomaaliga, isagoo xusay in shirkaas loogu magac-daray isla markaana uu hal-ku-dhig u ahaa hadiyadda Jibouti iyo horumarinta Afka Hooyo.

Maxamed Daahir Afrax waxaa uu hoosta ka xariiqay in inta uu Bandhig carweedka socdo ay jiri doonaan iibinta buugaag badan, aqoon is-weydaarsi guriga Umadda ka socon doona, kaasi oo mowduuciisu yahay qoraalka iyo faafinta afka hooyo, caqabadaha horyaalla iyo sida looga gudbi karo meerto aqooneed lagu mataaneynayo Qalinleyuda iyo Hay’adaha Waxbarashada, taasi oo ay wadaagi doonaan Qalinleyda, Macallimiin iyo Arday laga soo xulay Dugsiyada iyo Jaamacadaha Jibouti.

Intaas kadib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Jibouti Cali Cabdi Faarax oo sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ka soo qeybgalo munaasabadda Carwo Buugeedda Jibouti 2008, wuxuuna caddeeyay in munaasabaddaas ay la xiriirsan tahay munaasabado badan oo is-daba joog ah oo Jibouti ka dhacay, kuwaasi oo uu xusay in ay Caasimadda Jibouti ka dhigeen mid ifeysa.

“Carwo buugeedda Jabuuti ee aan maanta fureyno waa bandhig dhaqameed heer Goboleed ah, Geeska Afrika ma jirto magaalo aan Jabuuti ahayn oo ay ka dhacdo Carwo tan oo kale ah, waxaa la soo uruuriyay bugaag ay qoreen aqoonyahanno doonaya in ay horay u mariyaan afka hooyo”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jibouti Cali Cabdi Faarax oo intaas ku sii daray.

“Dhiirigelinta ay Jibouti siisay Carwo bugeeddan waxay astaan u tahay taakuleynta uu madaxweyne Geelle la garab taagan yahay horumarinta Afka Soomaaliga. Buugaagta halka la isugu keenay shaku kuma jiro in laga faa’iideysan doono, waxaan ballanqaadeynaa in aan hirgelin doonno go’aannad aad wada qaadataan ee ka soo baxa shirkan; waxaana idiin rajeynayaa in aad guul iyo natiijo wanaagsan aad ka gaari doontaan qeybaha kala duwan ee barnaamijkan hodanka ah”.

Intaas waxaa warbixinno laga dhegeystay C/naasir Yuusuf Macallin oo ka socday Somali PEN Qeybta Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, wuxuuna ka warbixiyay waxyaabaha ay qabteen iyo sida ay ku howlan yihiin horumarinta Afka Soomaaliga, isagoo weliba carrabka ku dhuftay in Magaalada Muqdisho oo uu Xafiiskooda ku yaallo ay ka soo baxaan in ka badan 100 Wargeys oo arrimo kala duwan ka faallooda, sidoo kalena ay jiraan Maktabado laga helo buugaag ay dadka aqristaan.

Waxaa iyana warbixinno laga dhegeystay Carafo Saalax iyo Fowsiyo Muuse oo ka socday labo Maktabadood oo ku kala yaalla Hargeysa iyo Jibouti, waxayna labaduba sheegeen in ay Maktabadahooda kula kulmaan dad doonaya in ay iibsadaan Buugaag ku qoran Afka Hooyo ee Soomaaliga. Waxaa iyana warbixinnadaas kaalin ku lahaa Prof. Raabi oo ka socday Jaamacadda Hargeysa iyo C/qaadir Maxamed Faarax oo isna Jaamacadda Jig-jiga.

C/qaadir Maxamed Faarax waxaa uu sheegay in Dhulka Is-maamulka Soomaalida Itoobiya ee uu ka yimid uu ku yar yahay qoraalka iyo aqriska Soomaaliga, “Dad badan oo ay ahayd in laga qoro Suugaan ay curiyeen ayaanan laga qorin”ayuu yiri C/qaadir Maxamed Faarax oo intaas ku daray in deegaankooda uu hal wargeys ka soo baxo, kaasi oo ay soo saarto Wasaaradda Warfaafinta, inkastoo uu xusay in haatan la bilaabay in Afka Soomaalida lagu dhigto ilaa fasalka 8aad.

Intaas kadib waxaa Dr. Nimcaan C/llaahi Qawrax oo ah Agaasimaha Machadka Tiknoolojiyada Jibouti oo xiriirinayay warbixinnada ay jeedinayeen Wakiillada ka socday Maktabadaha Djibouti iyo Hargeysa ayaa sheegay in la rajeynayo in ay Carwo Buugeedda Jibouti 2008 ay ka soo baxaan go’aanno ay ka mid yihiin:

In Shabakad loo sameeyo Maktabadaha Buugaagta si ay isu dhaafsadaan Mugaagta
In kor loo qaado Tarjumidda Buugaagta ay qoraan qorayaasha Caalamiga ah si ay dadka u jeclaadaan aqriska iyo ku hadalka Soomaaliga, walow uu Prof. Raabi sheegay in loo baahan yahay in laga digtoonaado turjumidda bugaag aan ku wanaagsaneyn dhaqanka Soomaaliyeed iyo weliba Diinta Islaamka.
Iyo in Dowladda Jibouti loo gudbiyo codsi ku saabsan in ay wax ka bedesho nidaamka lagu canshuuro buugaagta lagu horumarinayo Afka Soomaaliga ee Maktabadaha Jibouti yaala.

Ugu dambeyntiina, Carwo Buugeeddan ayaa socon doonta ilaa maalinta Isniinta ah oo ay Bishan December ku beegan tahay 22, iyadoo mudadaasna uu socon doono aqoon is-weydaarsi ku saabsan HIRGELINTA HAL-ABUURKA KU QORAN AFKA HOOYO.

Sawirada Halkan ka daawo...

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 19, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS