KOOXDA CAALAMIGA EE LA XIRIIRKA SOOMAALIYA
16 DISEEMBAR 2008
UNHQ, NEW YORK
BAAQ
Kooxda Caalamiga ee La Xiriirka Soomaaliya ayaa ku
kulantay Xarunta Qaramadda Midoobay ee New York 16kii Diseembar 2008,
waxaana Shir-gudoomieye Shirka Ergyga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u
Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdullah.
Kooxda La Xiriirka waxay ku nuuxnuux-sadeen welwelka
qotada-dheer ee ay ka qabaan sii socoshada khilaafka ka dhexeeya
Hogaanka Sare ee Hayadaha Federaaliga ee Soomaaliyeed, kaas oo uun
dadka ka jeedinaaya wada-hadalada siyaasadeed ee geedi socodka
nabadda. Kooxda la xariirka waxay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada in
ay dhinac iska dhigaan khilaafaadka, isla markaasina si wadajir ah uga
hawlgalaan sidii loo heli degnaasho iyo nabad waarta loona hirgeliyo
heshiiskii Jabuuti, sidoo kalena dib loogu uunki lahaa qoraalka
Dastuurka sida ku cad Axdiga Ku-Meel-Gaarka ah.
Sidaas darteed, Kooxda La Xiriirka waxay soo
dhoweeyeen bayaankii 26kii Oktobar, dhex maray Dawladda Federaalka ee
Ku-meel Gaarka (TFG) iyo Is-baheysiga Dib-U Xureynta Soomaliya (ARS),
kaas oo ay ku caddeyeen in ay si wadajir ah u dhisayaan Dawlad loo dhan
yahay iyo in ballaariyo Baarlamaanka. Heshiiskani wuxuu waddada u
xaarayaa abuuridda Dawlad loo dhan yahay taas oo ka wakiil ah inta badan
dadka Soomaaliyeed, waana tallaabo muhiim ah oo ka mid ah Geedi Socodka
nabadda ee Jabuuti. Kooxda la Xairiirka waxay ku tirtirsiinayaan
dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in ay si wax dhisid ama wax ku-ool ah
uga qeyb-qaataan Geedi socodka, kaas oo suuragelinaaya habka keli ah ee
si dhameystiran looga hawl geli karo nabadeynta Soomaaliya.
Kooxda la Xiriirka waxa kale oo ay soo dhoweynayaan
Heshiiskii Xabad Joojinta ee 26kii Oktobar kaas oo dhex maray DKM iyo
ARS iyo heshiiskii kale ee 24 Nofeembar kuna aadan Habkii lagu
xaqiijin lahaa laguna kormeeri lahaa helitaanka xabad joojin buuxda oo
ka dhacda Soomaaliya. Kooxda la Xariirka waxay ku cel-celineeysa sida
ay uga go’an tahay in ay heshiiskaan ugu fidiso taageero dhaqaale iyo
mid siyaasadeed-ba, si doo kalena ay oogu fidis taagero Guddiga
Wadajirta ee Nabadgelyda (GAN). Waxaa kale oo ay Kooxdani
taageersantahy baahida loo qabo in la taagero ciidamada boolis ah ee
ay tababartay UN-ka.
Kooxda la Xarrirka waxay cadaynasaa sida weyn ee ay
raaliga oogatahay muhiimada ay leedahay Hawlgalka Ciidamada AU-da,
ku waas oo ku jira ama ay heysato xalad adag, si doo kale, kooxdu, waxay
aqoonsantahy baahida deg-dega leh ee loo qabo in ciidamadan loo helo
dhaqaale iyo kaalmo maadi ah ee horleh. Kooxada Caalamiga ee la
Xariirka (KCX), waxay ku boorineysaa bulshada caalamka in ay si wadajir
ah wax uga qabtaan arrintaan, isla markaasna la dedejiyo geedi socodka
siyaasadeed. Kooxda La xarrirka, waxay ku celineysa taagerida ay u haso
ciidamdo caalamiga ee dejinta dalka, kuwaas oo lagu weeydiistay
Heshiiskii Jabuuti. Sidaas darteed, talo soo jeedin badan ayaa ka timid
arrintan, waxaana kamid ah keenida Ciidamo nabad-ilaalin. Waxaana
muuqata in arrintan ay heysto taageero balaaran. Hase yeeshee, wufuuda
qaar ayaa jeclaan lahaa in arrintan si qoto dheer looga hadlo.
Kooxda la Xiriirka waxay cambaareeyeen
nabadgelyo-la’aanta joogtada ah ka ee jirta Soomaliya, khasatan
afduubyada iyo werarada joogtada ah ee lagu bar-tilmaameed-sanaayo dadka
rayidka ah iyo shaqaalaha samafalka. Kooxda la Xiriirka waxay ugu
baaqeysa dhammaan dhinacyada in ay si degdeg ah u joojiyaan colaadda,
una oggolaadaan in wax laga qabto baahida weyn ee bin’aadinnimada si
xor ah oo aan hakad laheen.
Kooxada la Xiriirka waxaaa kale ee ay cambaarenaysa
falka burcad-badeednimo kaas oo looga hadlay Shirkii Golaha Ammaanka ee
barbar-socday kii Kooxda la Xiriirka Arrimaha Soomaaliya. Waxaa kale aa
arrimaha Burcad-bedeednimada looga hadlay Shir UNPOS ay ku qabatay
Nairobi inta u dhexeysay 10-11 Deshembar, 2008. Arrinta
burcad-badeednimada waxay u muuqata in ay tahay najiito ka dhalatay
sharci la’aanta ka jirta dalka iyo wax qabad la’aanta heyadaha Dawliga
ah, waxayna UNPOS aamin- santahay arrintani in ay ifineyso khatarta la
xirirta iska indha-tirida xukumad baaba’day. Sidaas darteed, Kooxda la
Xiriirka waxay hoosta ka xariiqaysaa baahida loo qabo helitaanka hab
dhameystiran ee wax looga qaban-karo sababaha ka danbeya deganaasha
la’aanta jirta.
Kooxda la Xiriirka waxay aad walaac uga muujiyeen
arrinta xuquuqul insaanka ee ka jirta Soomaaliya, waxayna ku baaqeen
joojinta dhaqanka ku fadhiya waxa lagu magacaabo “IMPUNITY” denbi-gal,
misana adiga oo xor ah iska soco. Waa in diyaar- garoow loo suubuya
sidii dib u dhis iyo horumar loo sameyn lahaa, si dadka Soomaaliyeed
rajo loogu abuuro, khaasatan dhalinyarada aadka u badan ee shaqo
la’aanta ah.
Dib ayaa laga soo sheegi-doona goorta iyo goobta lagu
qabanaayo shirka soo socda ee “ICG”.
Shirka waxaa goobjoog ka ahaa:
Burundi, Canada, Djibouti, Egypt Ethiopia, France,
Germany, Italy, Kenya, Norway, Soudi Arabia, South Africa, Sweden,
Tanzania, UK, USA, Yemen, A.U., EU, EC, OIC, UN and Worl Bank.
So tebintii: United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)