SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gudoomiyaha Tools For Humanity Md; Maxamed Maye Maxamuud “…Dadka Aad Ku Arkeyso Siyaasadaha iyo Hogaamiye Kooxeedyada Waa Dad Iska Hor Boodaya Aduunyada, Dadka Aqoonyahanada Soomaaliyeed Wali Siyaasada Sooma Gelin…” Wareysi Dhinacyo Kala Duwan Taabanaya

Gudoomiyaha Tools For Humanity Md; Maxamed Maye Maxamuud oo dhowaan soo gaarey Caasimada dalka Jabuuti, islamarkaana kulamo kala duwan la yeeshey xubno ka tirsan Mas’uuliyiinta Dowlada dalka Jabuuti oo aan wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya kula yeeshey Xafiis cusub oo dhowaan laga furey Caasimada Jabuuti, wax ka weydiiyey Ujeedada xafiiskan cusub iyo waxyaabihii ay isla soo qaadeen mas’uuliyiintii uu la kulmey ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxuu yiri

Waxaan marka hore u mahad celinayaa mas’uuliyiinta bahda Somalitalk iyo wariyeyaasheeda oo markii labaad fursad ii siiyey inaan kala hadlo Shacbi weynaha ku nool Bariga Afrika, hadii aan sharaxaad kooban ka bixiyo hay’adda Tools For Humanity waxay ka dhex shaqeyneysey, Gobolada Koofureed ee Soomaaliya, waxaana hada u baahaney inaan sii balaarino hawlaheena, waxaana halkaan u imid inaan ka furo Xafiis Goboleed, laga maamulidoono Dowladaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Somalitalk; Maxay tahay waxyaabaha dalallkaan aad ka qabaneysaan?

Maye; waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay isku mash-quuliso hay’ada Tools For Humanity, waa qaybta Bani’aadaninimada, iyadoo aan adeegsaneyno habka Horumarinta Bulshada iyo maareynta dhaqaalaha, maadaama dhaqaalaha Bulshooyinka geeska Afrika, uu ka dhex abuuro mush-kiladaha ka dhaca inta badan, si ay uga faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga iyo kan Bulshada dhexdeeda ahba, si loola diriro Saboolnimada.

Somalitalk; waxaad wax nooga xustaa sababaha soo celceliya dagaalada Bulshada dhexdeeda ka dhaca?

Maye; dhibaatada ugu horeysa waa Jahliga, Nabad la’aanta iyo Nidaam derida, arimahaas waxa keena Faqriga, taasina waxay keeneysaa, in ruuxii qabta maamulka uu boobo hantida dadweynaha iyo ruux kale oo arkey arintaas oo isaguna markiisa doonaya inuu booboo hantida dadweynaha, arimahaasina waxaa ka dhasha dagaalo iyo isku dhacyada Bulshada dhexdeeda ah, sida loolanka qabiilka, sidoo kale waxaa ka mid ah adkaasha ka faa’iideysiga Tacabkii iyo wax soo saarka.

Dhibta kale ee jirta waxaa ka mid ah dadkii Miiga ku noolaa oo si xawli ah ugu soo qul qulaya magaalooyinka waaweyn ee dalallka saboolka ah, iyadoo aysan magaalooyinkaasi diyaar u ahayn in boqolaall kun ay xili kasta qaabilaan, taasina waxay keenaysaa in dadkii baadiyaha ku ladnaa, marka ay yimaadaan Magaalooyinka, waxay bilaabaan saboolnimo cusub, halka dadkii hore ugu noolaa magaalooyinkuna ay ku sii noqoto culeys kale oo cusub.


qaybo ka mid ah Cusbada dalka Jabuuti oo ay dadka deegaanka raranayaan

Somalitalk; Arimaha aad xustey iyo kuwo kale oo fara badan, in mudo ah ayey Soomaaliya kusoo jirtey, iyada iyo Dowladaha kale ee Gobolka, marka hay’adiina awood intee la’eg ayey u leedahay in arimahaas wax ay ka qabato?.

Maye;Koleey hadii aan soo qaato Soomaaliya cid wax weyn ka qaban karta malaha waqtigan, laakiin waxyaabaha ugu muhiimsan waa in dadka lagu baraarujiyaa in horumarku uusan imaankarin nabad la’aan, hadii aan la helin nabad iyo cadaalada Bulshada dhexdeeda, horumarkeedu waa uu yaraanayaa, marka anagu waxaan qaban karnaa Wacyigelinta iyo badinta Tababarada farsamooyinka Gacanta.


meesha ugu hooseysa Afrika oo la yiraahdo Laag Casaal oo ku taala dalka Jabuuti

Hawsha aan Jabuuti ka wadno waa sida looga faa’iideysan lahaa awooda Qoraxda iyo dhulka, sababtoo ah, dadka Soomaaliyeed intooda badan wali ma aysan u helin fursad in ay ka faa’iideystaan Qoraxda. waxaana lagu tilmaamaa, inay yihiin dad xoolo dhaqato ah oo xoolaha raacda, taasina xoolo dhaqasho ma aha ee waa xoolaha raaca keli ah, sababtoo ah ruuxa hadii uu gaaro xoolo dhaqasho waa xadaarad kale, dadka Soomaaliyeed xoolaha wey iska daba socdaan, xooluhuna waxay u baahan yihiin har iyo Caws, inta badan xooluhuna, iyagaa raadsada baadkooda qofkuna wuu iska daba socdaa, halkii laga rabey in ruuxa uu ka fikiro sidii uu u beeri lahaa Cawska oo xooluhuna ay u heli lahaayeen Har iyo nasasho ama loo sameyn lahaa Hay’ado beera Cawska, si qofkii reer guuraaga ahaa, uu u helo fursad uu wax ku barto iyo shaqooyin kale, sidoo kale lana yareeyo guur guuritaanka faraha badan oo iyaduna sababta dagaalada qaarkood, ayaa Waxaan ku hawlanahay inaan dhawaan ka furno Caasimada dalka Jabuuti, Magaalada Jowhar iyo Boosaaso, Macahadyo arimahaas ku saabsan, waxaana si tartiib tartiib ugu sii gudbeynaa dalka Soomaaliya qaybihiisa kale iyo dalka Itoobiya, iyadoon dadka dhibaatooyinka qaarkood laga bixina, dowladnimo wax ay u tareysaa ma jirto, waayo Qofku tixgelin maayo hadii uusan haysan wax nololl maal-meedkiisa ku soo saarto.


halka uu ka bilowdo Rifty Valley ee geeska Afrika

Somalitalk; hawsha ka faa’iideysiga awooda Qoraxda, qaab sidee loogu guulaysan karaa, ilaa iyo waqti intee la’eg ayey idiinku qaadaneysaa, inaad Jabuuti ka hirgelisaan mash-ruucaan?.

Maye;Dowlada Jabuuti waxaan u bandhigney Guryo cusub oo dabkoodu yahay awooda Qoraxda, waxaana tagney magaalooyin kala duwan oo Jabuuti ka tirsan, waxaana isla garaney inaan ka caawino Guryahaas cusub qaab dhismeedkooda, waxaana dooneynaa (3) bilood ee soo socota inaan ka hirgelino mash-ruucaan, waxaana nala siiyey dhul aan ku diyaarino dhismahaas cusub, kadibna mashaariic yar yar oo dhinaca Guryeynta, inaan uga gudubno ayaan dooneynaa, hadii uu ilaahay yiraahdo.

Somalitalk; Arimahaan aad xustey Tools For Humanity yaa gacan ka siinaya?.

Maye; Hay’adan waxay jirtaa 15 Sano, dadkana waxaan dooneynaa inaan si wanaagsan u barno farsamooyinka gacanta iyo isku filaashaha maadaama la helayo, dadkii, Xoolihii iyo dhulkii, loomana baahna in kharash fara badan oo doolara ah la geliyo, waxaana loo baahan yahay, in Hay’adaha kala duwan ee caalamka iyo kuwa kale ee wadaniga in ay dadka geliyaan fikrada isku filaashaha.

Somalitalk; Kee baa sahlan isticmaalka awood Matoorada iyo tan Qoraxda dhinaca kharashka?.

Maye;Tan Qoraxda ayaa sahlan, sababtoo ah mar waa lacag la’aan, qiimo lacageed oo kaa galayo ma jirto, waxa keliya ee aad u baahan tahay waa waxa soo jiida Qoraxda, kharaabitaankiisuna wuu yar yahay in muraayada jabto ma ahee, waxaana ku talo jirnaa inaan 2-da Sano ee soo socota gudahooda, baahida qalabkaas dibada laga keeno aan ka maarano, Guryaha aan dhisayno waa kuwii Qarnigii hore ee aan ka soo gudubney la isticmaali jirey bilowgiisa iyo bartamihiisa, intii aysan jirin Korontada.

Somalitalk; NGO-giina muxuu kaga duwan yahay, kuwa kale ee Soomaalida, maadaama NGO-syada kale ee Soomaalida qaarkood lagu sheego, Ruux fayl wata, islamarkaana lagu tilmaamo ruux wax isdabamariya?.

Maye; horta NGO waa xirfad shaqo oo la barto, taasoo keeneysa in dadka wax loo qabto, NGO-guna waxaa lagu yaqaanaa, mar kasta wuxuu ku hawlan yahay dhinaca Bani’aadaninimada, anagoo ka amba qaadeyna dhibaatada ugu weyn ee haysata ruuxa Soomaaliga oo ah dhaqaalaha, taasina waxaa u keeney degenaasho la’aanta dadka bay’ada uu la nool yahay, aniga waxaan dhihi lahaa dadka Soomaaliyeed waa in la baraa faa’iidada NGO-yada, sababtoo ah dowladaha horumarey, waxay yiraahdaan NGO-gu wuxuu ka mid yahay, waxyaabaha badiya shaqada oo dhisa nidaamyada, aduunyaduna waxay ku leeyihiin magac iyo sharaf, inay dadka soomaaliyeed u fahmaan NGO-ga ruux fayl wata, wuxuu doono sheeg sheega, waxa keeney waan fahmikaraa, sababtoo ah Dowladaha, NGO-yada kale ee caalamka iyo shacabka la shaqeynaya qayb weyn ayey ku leeyihiin arintaas, maadaama ay hoos tagaan dowlado shaqooyinkii loo xilsaarey qaban waayey, markasta waxaa dhib ku noqoneysa Ruuxa NGO-ga wada, in uu wax ka qabto hawlaha uu doonayo, tan kale NGO-gu wuxuu noqdey mudadii Dowlad la’aanta ka jirtey Soomaaliya, qaarkood waxay kala badbaadiyeen dadka, si kasta oo ay ku aas aasmeenba, dadkii u soo gurmadey dhibaatadii dalka ka dhacdey waxay ahaayeen NGO-yada, sidoo kale NGO-ga waa ka sahlan yahay hawlaha dowlada ay qabato, wuxuuna tegikaraa meesha uu doono, Dowladuna ma tegikarto meel baadiye ah, NGO-gu wuxuu noqondoonaa waxyaabaha ugu muhiimsan sanadaha soo socda.


Paul oo jooga Laag Casaal oo ka tirsan dalka Jabuuti

Somalitalk; NGO-yada hada waxay qaateen magaca Ururada Bulshada, marka sow lama dhihikaro waxay qayb mug leh ka qaataan siyaasadaha cusub ee dhinac degenaansho la’aanta dalka Soomaaliya?.

Maye;Wey dhicikartaa, wax kasta in loo adeegsado, yacni waxa waaye si xun waa loo adeegsan karaa, si fiican sidoo kale, marka aniga waxaan ka soo qaadanayaa sida fiican, Ururada Bulshada waxay noqonkaraan Dhegta, Udubka u dhexeeya Dowlada iyo Shacabka, si loo helo dad la xisaabtamikara dowlada, maadaama shacabka oo dhan uusan la xisaabtamikarin, marka si loo helo NGO-yo ka wakiil ah Shacabka oo u keeni kara fakir sharxi kara in dadka aan loola dhaqmin sida ay wax u wadaan Dowladaha, NGO-guna markasta wuxuu u taagan yahay hay’adaha aan dowliga ahayn, Ururada Bulshada qaarkood waxay noqon karaan qayb ka mid ah Dowlada.

Somalitalk;- Dowladaha caalamka Ururada Bulshada Soomaaliya waxay ku bixiyaan kharash iyo maskax badan, hadaba sow lama dhihi waxay wataan maskax cusub oo horumarin lagu soo sameeyey oo ay leeyihiin Gumeyaashii dalka ka tegey?.


Maye;- 20-kii sano ee ugu dambeeyey waxaan qabaa in dadka soomaaliyeed ay qabaan wacyi ku filan oo aad u sareeyo, marka loo eego kuwii hore, Gumeystayaashu wax badan kama qaadi karaan, hadii dadka ka shaqeeya NGO-yada ama Ururada Bulshada ay yihiin dadd daacad ah, waana tan ugu muhiimsan, in ruuxa ka shaqeeya sharafta, karaamada dalka iyo dadka Soomaaliyeed in la siiyo mudnaan gaar ah, waayo wuxuu matelikaraa shacabka Soomaaliyeed, isagoo wata hab nidaamsan, waxayna fahansiinkaraan dhibaatooyinka kala duwan ee ay qabaan shacabka Soomaaliyeed Dowladaha kale ee caalamka, mana qarinkaraan Ururada Bulshada waxyaabaha qaarkood, laakiin waxaan qabaa NGO-yada in lala xisaabtamikaro.


Masjidkii ugu horeeyey ee Jabuuti lagu dhiso oo ku yaal Buuro dhexdooda

Somalitalk;- Md, NGO-yada inta badan waxaa lug ku leh Qurbo joogta Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool, marka sow lama dhihi karo waa awood hoose oo soo muuqata mustaqbalka dhow oo shacabka Soomaaliyeed u keeneysa xumaan iyo wanaag oo kooxdii u soo harta siyaasada dalka iyo ayaga in ay ku loolamaan doonaya talada dalka?.

Maye;- Dadka ka shaqeeya Ururada Bulshada mar ahaan ma dhicikarto, sababtoo ah Ururo bulsho iyo hab dowladeed isma qaadan karaan, tan kale habka hada soomaaliya ka socda waa hab qabiil, ruuxa Qurbo jooga ah waxa u diidey inuu Xildhibaan noqdo waxa ku khasbey, waa inuu dadka wax u qabto, waxa keliya ee wax ugu qaban karo waa hawshaan NGO-ga, ruux kasta oo aqoon yahan ah markasta wuxuu tebayaa lacagtii canshuurta ahayd ee dadka Soomaaliyeed laga soo qaadey in ay wax ku barteen, inuu ugu shaqeeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, anagoo og lacagtaas aan wax ku baraney waxa ka dhacaya dalkeena ma ahan wax la qaadan karo.

Somalitalk;- NGO-gu wuxuu qayb ka qaataa fur furista arimaha siyaasada, dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada, nabad-gelyada, maamul wanaaga, IWM, hadaba sow lama dhihikaro waa nooc cusub oo aad wadataan dadkiinan Qurbo jooga ah oo ay gadaal ka riixayaan Gumeystayaashii dalka?.

Maye;- waa dhicikartaa in sidaa la dhaho, sababtoo ah dhibaatada maanta Soomaaliya ka jirtaa, waa “Nin bukoow boqol kuu talisey”, NGO-yadu dhibaato ayey ku yihiin dalka, waana dad xukun doon ah, laakiin u maleyn maayo inay sidaas tahay arintu, tan kale dadkaan Qurbo jooga ah wadamada ay joogaan ayey siyaasada kaga jiraan, waxayna qayb ka noqdeen Xizbiyada siyaasada dalallkaas, aniga waxaan ahaa musharax xubin Gobalka “Alberta” Xizbiga Green Part ee dalka Kanada, marka hadii aan siyaasad doonayo dalka aan joogo ayaan siyaasada ka gelayaa, wadankaasaan nabad ku haystaa, iyadoo xabad aan la ii haysan waxna ka bedelikaraa, marka maxaa igu khasbaya, inaan diyaarad soo raaco oo aan u imaado dadd dhibaateysan oo aan ugu daro dhibaato kale, laakiin waxaan kuu sheegayaa dadka wax garadka Soomaaliyeed wali isma difaacin oo wadanka maamulkiisa wax ka qaban kara, dadka aad ku arkeyso siyaasadaha iyo hogaamiye kooxeedyada waa dad iska hor boodaya aduunyada, dadka aqoonyahanada Soomaaliyeed wali siyaasada sooma gelin, maadaama aan ahay mas’uul wadani ah, waa inaan gudbiyaa mas’uuliyadeyda.

Somalitalk;- Goorma ayaa kuugu dambeysey dalkaadii Hooyo, maadaama aad tahay Qurbo joog?.

Maye;- 1980-kii ayaan ka tegey dalka Soomaaliya, waxaana moogahay 28 Sano, anigoo tahriib ah, ayaan Lowya Cade ka soo galey dalka Jabuuti, halkaas ayaan aduunyada kale uga gudbey, hada ayaana kusoo noqdey halkii aan ka bilaabey safarakeyga dowladaha kale ee dunida.

Somalitalk;-maxay tahay sababaha kugu kalifey in dalkaada Hooyo mudo 28 Sano aad ka maqnaato?.

Maye;- intii aysan dhicin dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya cadaalad daro ayaa ka jirtey dalka, dagaaladii sokeeyana waxay sii balaariyeen cadaalad daradii jirtey, marka dhibaatadaas ayaa ugu weyn wax kale ma jirto.

Somalitalk;- Intii aadan ka tegin dalka maxaad ka shaqeyn jirtey?.

Maye;- waxaan ka shaqeyn jirey Wakaalada sahaysiinta Maraakiibta, waxaana ka baxay Iskuulka Badda.

Somalitalk;- dalka Soomaaliya waxaad ka tagtey isagoo nidaam ka jira, haba ahaadeedo sida aad ku sheegtey mid ku dhisan cadaalad daro, hada waxaad u socotaa, isagoo aan lahayn wax nidaam iyo kala dambeyn, ayna ka jiraan wax lagu sheego Wadaado mucaarad ah, DFKMG iyo ciidamo Ethopia oo jooga dalka, marka arimahaas sidey kuula muuqdaan?.

Maye;-Arimahaasi waxay ka mid yihiin nasiib derida jirta, waan jeclaan lahayn markii aan ka baxney iyo marka aan soo nodey inuu wadanka ka fiicnaado sidii aan kaga tegey, Dowlada Jabuuti oo gacanta Soomaaliya ku dhalatey ayaad arkeysaa in Horumar badan ay gaareen, Ethopia oo Rajiimkoodii iyo kaayaga isku mar la tuureyna, ayaad arkeysaa in horumar badan sameynayaan, ma dhicikarto, wax xaqdaro lagu dhisey in ay soomaaliya ka hirgalaan, Soomaaliduna waxay diidan tahay xaqderida, shaley waxa Qoriga loo qaatey waa xaqdaro, marka waxaa haboon in qofkasta oo Soomaali ah xaqdaro uusan sameynin, lana ilaaliyo cadaalada, waxaana imaanaya nabad, hadii nabad la helo, horumar ayaa bilaabanaya.

Dhamaad


Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Soamlitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 19, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS