SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORAAL

Qorshaha Musharaxa: HARGAHA IYO SAAMAHA Qalinkii Musharax Prof. Cumar Farjac

Hargaha iyo saamuhu waa wax ka yimaada xoolaha la qalo. Waxaa jirta in wadanka Puntland iyo Somaliya laga dhoofiyo xoola farabadan. Walowba xoolaha laga dhoofiyo Dekeda Bosaso badankoodu ka yimaado Puntland gudaheeda, waxaa jira xoola farabadan oo laga keeno gobolka Ogadenia.
Xoolahaas marka dibadda loo dhoofiyo waxaa loo iib geeyaa wadamada Carabta, waxayna badankoodu ka helaan shaqooyin farabadan.

Labada arrimood ee aan halkaan uga dan leeyahay waa
1. Xoolaha sicirka lagaga qaado dadka oo aad u hoosaya ($16-$30), iyo sicirka lagu gado oo dhan $95-$105) markii jumlo loo gadayo. Hadii markii gaadiidka dhoofinta iyo ribixaba la isku daro, qofwalba waa garan karaa inta dheeraadka ah.

2. Qolada dhoofsatay xoolaheena, shaqaalaha ay qoraneyso oo ku hawlan qalidda, safaynta, iyo warshadaynta waxaa ka sii weyn faaiidooyinka ay ka helayaan lafaha, dhiigga, iyo hargaha.

Hadaba dhoofinta xooluhu waxay wadankeena ka cuna qabataysaa shaqa abuurid dadkeenu u baahan yahay ooh awl gal ka noqon lahaa qalidda, safaynta, kala saarka iyo kala soocidda, warshadaynta. Intaa waxaa sii dheer shaqada ay ka heli lahaayeen, warshadaynta hargaha iyo saamaha, dhiigga, uuska, iyo warshadaynta lafaha.
Dhiigga waxaa loo isticmaalaa siyaaba badan. Wadama badan waxay ka dhigtaan cunno iyagoo ka dhigaya beer (Kifda-Egypt), qaar waxay cunno uga dhigaan xoolaha oo aad ugu naaxa. Wadama gaaray farsamada xeesha dheer waxay u isticmaalaan siyaabo aad u farabadan iyagoo ku dhafaya cunna kale.

Lafaha xoolaha waxaa loo isticmaalaa warshada fara badan sida tan badhannada (Gluusyada) samaysa. Waxaa intaa sii dheer in loo isticmaalo farshaxanka iyo warshadaha samaya ilkaha dadka. Waxaa jira in lafahu ay leeyihiin "Calcium" farabadan oo hadii la shiido loo isticmaalo nafaqaynta dadka iyo xoolaha.

Hargaha iyo Saamaha. Waxaa jirta in hargaha iyo saamaha laga saaro xoolaha ay leeyihiin manaafacaadsi fara badan. Qiimaha hargaha waayadaan dambe way kaceen oo dadku aad buu u jecelyahay qalabka laga samayo hargaha. Tusaale ahaan markaan u soo qaadano waxaa laga samayaa kabaha, shandadaha sare, kuraasta jiifka, kuraasta fadhiga, kuraasta baabuurta (Jaban, Korea, Germany), suumanka, shaabuugyada , (wadamada galbeedka iyo carabta), galalka seefaha (Carabta, China iyo Jaban), shadadaha waaweyn, kuwa yar-yarka (Boorsooyinka), sariiraha biyaha (America, France) iyo waxyaabo aad u badan.

Hadaba hadii xooleheena loo furo warshado lagu qalo oo hilbahana loo dhoofiyo wadamada doonaya iyadoo la qaboojiyey hilibka xoolaha (Akhriso qaboojiyayaasha xoolaha oo laga dhalinayo qorraxda--akhristayaasha wadamada galbeedka ku nool ayaa garanaya hilbaha ay soo gataan ee qabowga laga bi'yo), waxaa inoo haraya neefka intiisii kale, sida uuska oo bacraminta iyp nafaqaynta loo isticmaalayo, dhiigga iyo lafaha oo aynu hore u soo qeexnay, iyo hargaha.

Waxaa maamulkayaga ugu jira qorshaha in la samayo warshadaha hilbaha, hargaha iyo saamaha inta la wado xoola dhoofinta. Warshadahaasi waxay la baratamayaan shirkadaha xoolaha dhoofiya in muddo ah, ka dibna waxaa Puntland ay gaareysaa heer ay ku joojiso xollaha nool dhoofintooda. Wadamada xoolaha u soo dhoofin jirey Wadamada Crabta sida Australia iyo New Zeland waxay gaareen heer ay mamnuucaan dhoofinta xoolaha nool. Goorta keliya ay u ogol yihiin in wadanku dhoofiyo xoolaha nool waa labada ciidood ee Islaamka (Ciidul Fitriga iyo Ciidu Adxaaga).
Hadaba arrinta keliya ee Puntland u baahan tahay waa inagoo adeegsana aqoon yahannadeena xoolaha iyo dhakhaatiirta xoolaha iyo dhakhaatiir ajnebiba si loo ogaado hilbaha warshadaysan iyo kuwa aan warshadaysnayn ee Puntland u dhoofiso dibadda ay u noqdaan kuwa ugu taya fiican adduunka loona ictiraafo in ay yihiin hilbo hufan ee caafimaadka ugu saraya ah.

Waxaa maamulkayagu shirkadaha isku hawlaya warshadaynta kheyraadka xoolaha iyo warshadaha ka farcama u fidinayaa gargaar ah canshuur dhaafid muddo dheer (15 ilaa 30 sano). Waa dhiiri gelin wadanku ku soo jiidanayo qurbe joogta si ay shirkado iyo maal gelin dhaqaale ogu samayaan wadanka.

Heshiiska waxaa qurba joogta iyo maal geliyayaasha la gelaya Golaha Issimada (Senators) si maamulada naga dambaya ay u xaq dhowrayaan heshiiska Golaha Issimadu la galaan shirkadaha waayo waa shirkado ay leeyihiin qurbe joogta reer Puntland, oo doonaya in ay hormariyaan wadanka.

Ujeedada maamulku ka leeyahay qurba joogta maalgelinteeda waa abuuridda shaqo loogu abuurayo dadweynaha Puntland.

Hadaba qoraalkaan waxaan ku soo bandhigaynaa websiteyo anfacaya qurbe joogta dhaqaalaha haysta, si ay ugala baxaan fikrado oo ay isu raadsadaan sidii ay isu aaminsanyihiin ayna isku darsadaan dhaqaale ay ku soo iibsadaan qalabka si ay u samaystaan shirkado warshadaysa hargaha iyo saamaha.
Iyadoo ay socoto xoola dhoofinta ayey samaysan karaan shirkado samaya warshadihii soo saarayey qalab warshadaysan ee hargaha iyo saamaha laga samayey.

Hase yeeshee waxaa muhim ah inta aydaan samayn ama aydaan ku degdegin gadashada qalabka in aad samaysaan jawi aad ku aamini kartaan maalgelintiina. Waa in uu ahaado jawi nabad gelyo iyo xorriyad aan qalabkiinii iyo maalgelintiinii aan la idinka dhacayn. Hadaba waa hadba maamulka aad doorataan. Waxaan hubnaa in qurba joogtu ay tahay tinaarka ama jikada lagu dillacsho ukumaha (Incubator), dadka gudaha ku jira sida dadweynaha, indheer garadka, ganacsatada, aqoon yahannada, ururada haweenka, culamaa-u-diinka, cuqaysha, nabadoonada, samadoonada, xildhibaanada iyo issimadunaay yihiin ukuntii la dilaacin lahaa. Qurbe joogta dooneysa in ay wadankii maalgeliso, xilka saarani waa sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen beelaha ay ka yimaadeen in ay golaha geeyaan xildhibaan codkiisa ku bixinaya danta dadweynaha iyo dawlad nabadgelyo ku soo celisa wadanka si hantida qurba joogtu ay u soo gasho wadanka.

Qurbe joogta Puntland waa maskaxdii wadanku lahaa ee a soo carartay dhaca, dilka, iyo dhibaatooyinka wadanka. Waa waajib saran in ay wax wanaagsan u qabtaan wadanka iyo dadka. Waxaanu ku himila weynahay in ay xilkooda ka soo baxayaan oo ay isku hawlayaan sidii ay u turxaan bixin lahaayeen dhibka jira iyagoo iska ilaawaya kala qoqobidda qabiil iyo jilibaysiga dhibaatada noo keentay. Qurbe joogtu waa maskaxda laga filayo in ay kaalin weyn ka qaadato sidii nabad iyo horuumar lagu gaari lahaa.

Bal hadaba dheeho shirkadaha soo socda iyo waxa ay ku xirfad dheer yihiin. Waxaan halkaan idiinku soo bandhignay tira sideetan shirkadood oo ilaa naqshada bilowga warshadda (Plant design) ilaa dhisideeda iyo furaha oo la idinku soo wareejiyo.

Hadaba idinkey idin jirtaa shirkadda aad ka xulaneysaan iyo qaybaha aad ka gadaneysaan, iyo sidii aad isu abaabuli lahaydeen.

Cilmiga iyo fikradaha maalgelinta ku haboon waa lakala xadaa. Aqoontaani waa deeq aanu idiin soo hibaynay ee ninkii himilo haysow qaado. Bal garaaca 80 website ee aan idiin soo bandhignay. Hadaba baratanku waa furan yahay, hase yeeshee wax walba waxbaa ka horeya. Dawlad rasmi ah oo ogol baratan ganacsi, xorriyad siyaasadeed, xorriyad saxaafad, xorriyad in dadkii doonaa ay shiri karaan, iyo xorriyad banuu adam ayaa ka horaysa. Hadaad manta awood leedahayna dadka kala hormar warshadaada, shaqooyin bandanna dadka u abuur.
http://dir.dugalic.com/Business/
http://www.4hides.com/home.htm

Maxaa hormariyey oo samada ku shareeray dalabka hargaha iyo saamaha wadamada Kenya iyo Ethiopia? Labada wadan waxaa lagu yaqaan in ay yihiin beeraley tacabta dhulka, hadaba xageebay Ethiopia iyo Kenya ka keenaan hargaha iyo Saamaha?

Maxaad ka taqaan carabka sacuudiga ah ee Al-jabaar ee loo xiray suuqa xoolaha Puntland iyo Somaliland? Adoon meel fog aadin waxaad arkeysaa in uu leeyahay warshado fara badan ee ku yaal Wadanka Sacuudiga, waxaana ugu waaweyn warshadaha hargaha iyo Saamaha, iyo warshadaha yar-yarka ah ee farsamaya kabaha, dharka, jaakadaha, shandadaha, kuraasta baabuurta, kuraasta guryaha iyo wixii la mid ah (leather clothing, leather furniture for office, homes and cars; leather shoes and bags; etc.), wuxuuna xoolaheeni la dhoofiyey ugu abuurayaa shaqooyin iyo dakhliyo kala duwan wadankiisa Sacuudiga.

Farjac@gmail.com
http://www.Puntlandforchange.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 18, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS