SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shir jaraa'id: Cambaareyn xasuuqii ay ka gaysteen ciidamada Ethopia degaanka degmada Walaweyn ee gobalka Sh.Hoose.

London 16/12/2008


Af hayeenka Beelaha Digil iyo Mirifle ee Qaarada Yurub Mudane Cali . Sh. Cabdullaahi ‘’Cali Afgooye’’ oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa oo ku yaal Magaalada London ayaa si kulul u cambaareeyay dhalinyaradii dhawaan sida waxashnimada ahayd loogu laayay dagmada Walaweyn oo ka tirsan gobalka Sh/Hoose.

Mudane Cali Afgooye ayaa ku tilmaamay dhacdadaas mid xumaato loogu gaysanaya dadka masaakiinta ah ee ku nool degaanka Walaweyn, dadkaas oo ah dad aan waxba galabsan isla markaana ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wato wuxuu intaa ku daray in maxkamad caalami ah la soo saari doono cidii ka dambaysay falalka bahdilida iyo xasuuqa ee loo gaysanaayo dhalinyarada ku nool degaanka Walaweyn goortay ahaataba, isagoo ka codsaday beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay in ay la socdaan tacadiyada lagula kacaayo dadka masaakiinta ee aan waxba galabsan ee Soomaaliyeed, isla markaana baaritaan ku sameeyaan dhacdadan.

Afhayeenka beelaha Digil iyo Mirifle ee Qaarada Yurub Mudane Cali Afgooye ayaa cambaareyn dusha uga tuurey ciidamada Ethopia oo asbuuci hore magaalada Afgooye ku soo qabqabtey xaafadahooda dhalinyaro ka soo jeedo beelaha Digil iyo Mirifle, isla markaana u taxaabay xasbi ku yaal xerada Carbiska, isagoo ku tilmaamay bahdil iyo naxariis daro loo gaysanaayo dad aan wax dambi ah galin oo jooga xaafadahooda inta la soo qabqabto isla markaana la dhibaateeyo,isagoo sheegay in markii dambe odayaal ka tirsan deegaanka ay ka sii daayeen dhalinyarada ciidamadii qafaashay.

Mudane Cali Afgooye ayaa ku eedayay falkan lagu kacay dhalinyarada ku nool degaankaas ciidamada Ethopia iyo kuwa dabadhilifka u ah ee sheegta ciidamada Dowlada.


Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen dadkii lagu xasuuqay degmada Walaweyn oo ka tirsan gobalka Sh/Hoose, waxaana Allah uga baryaynaa inuu ka waraabiyo janadii Fardoowsa, dhamaanteena naga siiyo samir iyo iimaan.

Ugu dambayntiina Afhayeenka beelaha Digil iyo Mirifle mudane Cali Afgooye ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed iiyo gaar ahaan beelaha Digil iyo Mirif inay ka qayb qaataan caawinaada ehelada dadkii qaraabadooda lagu xasuuqay degaanka Walaweyn.

Afhayeenka beelaha digil iyo mirifle ee Qaarada Yurub Mudane Cali Afgooye ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska xoreeyaan ciidamada cadawga Ethopia ee xasuuqaya dadka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed.

Dhamaad

Mahadsanidiin

Mudane Cali Afgooye
Afhayeenka beelaha Digil iyo Mirifle ee Qaarada Yurub
afgooyeali@hotmail.com
London

Guddiga Wadajirka Amniga ee TFG & ARS.

Warsaxaafadeed.

Guddiga wadajirka ee amniga oo shirkoodii koowaad maanta oo ay taariikhdu tahay 16/12/08 ku yeeshay magaalada muqdhisho, waxay si qoto dheer uga hadleen qaabkii ay u guda gali lahaayeen hawlaha amniga ee horyaalla, waxayna isla garteen:-

1- Iyadoo la tixraacaayo heshiiskii Jabuuti ee horey loo saxiixay, guddigu wuxuu ugu baaqayaa dhinacyada is haya in la joojiyo colaadda hubaysan iyo dacaayadaha keeni kara sii socodka colaadaha, loona guntado sidii nabad looga dhalin lahaa Soomaaliya.
2- Inay labada dhinacba dardar geliyaan sidii looga mira dhalin lahaa heshiiskii Jabuuti ee la xariiray arrimaha amniga.
3- Guddigu waxay ugu baaqayaan Beesha caalamka oo ay ugu horreeyaan Hay’adaha Qarramada Midoobay inay ka dhabeeyaan balanqaadyadoodii la xariiray taakuleenta hawlaha horyaalla guddiga wadajirka ee amniga, soona dedejiyaan keenista ciidamo gacan ka geysta sugidda nabadgelyada dalka Soomaaliya.
4- Guddigu waxa kaloo ay ugu baaqayaan Qarramada Midoobay iyo beesha caalamkaba soo dedejinta keenista gargaar banii’aadminimo , si loo badbaadiyo dadka dagaalladu dhibaateeyeen.


S/Guuto Nuur Maxamed Maxamuud(Shirbow).______________

Mudane/ Suleymaan Colaad Rooble______________________

Muqdisho, 16/12/2008

Faafin: Somalitalk.com | Dec 17, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS