SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dowladda Kenya oo sheegtay in ay cuna qabateyn ku soo rogeyso madaxweynaha DFKMG Soomaaliya


Wasiirka arimaha dibadda dalka Kenya Moses Wetangula ayaa sheegay in wadankiisa uu cuna qabateyn ku soo ragayo madaxweynaha DFKMG ee dalka Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed isagoo sheegay in madaxweynaha uu caqabad ku noqday hanaankii geedi socodka nabadda ee dalka Soomaaliya

Wetangula ayaa sheegay in cunaqabateynta ay isugu jirto xayiraad dhinaca safarada dibadda ah iyo xanibaad lasaarayo wax kasta oo hantidiis kamid ah ee yaala dalka Kenya.

Waxaa uu sheegay in Kenya ay haatan u aqoonsantahay Ra'iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde isagoo meesha ka saaray in uu awood leeyahay madaxweyne Yuusuf taasi oo uu xilka kaga qaadi karo Ra'iisul wasaaraha.

Hadalkan maanta (Dec 16) ay soo saartey dowladda Kenya oo ah hadal canaan kulul ah ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli madxweynaha dalka Soomaaliya uu ku dhawaaqey in uu shaqadiii ka eryey ra'isul wasaaraha dalka Soomaaliya Nuur Xassan Xuseen ( Nuur Cadde) isbuucaan isla mar ahaantaana uu ku dhawaaqay Maanta ra'iisula wasaare cusub iyada oo dalka Soomaaliya uu ka jiro qas iyo qalaanqal.


Lama garanyo waxa ku dhici doono dowladda KMGe Soomaaliya taasoo teegeero balaaran ka heli jirtay wadamada Calamka dowlada Kenya waxaa ay tahay dowladii horaseedka u aheyd dhisitaanka dowlada kmg Soomaaliya.


C/raxmaan Diiriye Nuure,

Nuure1000@hotmail.com

Nairobi Kenya

Faafin: Somalitalk.com | Dec 17, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS