SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta magaalada Muqdisho oo Fursad Shaqo siisay Arday ka qalan jabisay Jaamacadaha Muqdisho

Sawirada Halkan ka daawo....


Shirkada isgarisiinta ee talacom somaliya ( Olompic)oo ka mid ah Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka jira Dalka Soomaaliya ee hana qaaday markii uu Dalka lugaha la galay dagaaladii sokeeye ayaa maanta u fidisay fursad shaqo abuurid ah ardayka Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay jaamacadaha Xamar

qofkii 8 aad ee ku guleeystay caardka talacom ee adeega iyo nasiibka xoqo oo ku guueyso ayaa maanta la gudoonsiiyey hadiayad mobile ah arintaani waa fursad qaali ah waxaana lagu helayaa qalabyada kala ah sida gaadiid ,mobileka gacanta ,tikid diyaaradeed ,ama cumputer,

maanta ayey aheyd markii qofkii sideedaad ee ku guuleystay shirkadu ay gudoonsiiso hadiyad mobileka gacanta ah .

waxaa si isku mid ah loogu kala guuleystay Magaalooyinka muqdisho iyo dhuusamareeb hadiyado qaali ah

Madaxa Shaqaalaha Telecom Soomaaliya C/qaadir Cumar C/llaahi oo ka warbixinayay Imtixaan ay maanta xarunta Telecom ee Magaalada Muqdisho u fadhiisteen 77 Arday oo dhawaan ka soo qalin jibiyay Jaamacadaha Muqdisho isla markaana fursad shaqo ka heleen Telecom laakiin ay ku kala bixi doonaan Imtixaankan,wuxuuna sheegay sarkaalkaas ka tirsan Telecom haddii ay dhacdo xitaa in dhamaantood wada guuleystaan waa ardayda in aysan buuhin Karin baahida shirkadda ee dhinaca shaqaalaha.

“Imtixaanka waa mid si wanaagsan loo soo diyaariyay waxaana soo diyaariyay ka hor 10 saac intuusan dhicin Imtixaanka ayaa waxaa ka soo shaqeeyay Guddi gaar ah oo aad u yaqaano howlaha Imtixaanada, wuxuuna ku saabsan yahay xisaabaadka iyo iib geynta Suuqyadaha”ayuu yiri Madaxa shaqaalaha telecom.

“Markii aan ogaanay in Arday fara badan oo wax soo bartay kana soo baxeen Jaamacadaha dalka oo si micno daro ah u fadhiya derbiyaha ayaan waxaan go’aansanay in aan siino fursad shaqo, waxaan bixinay ogeysiis oo ah in Telecom ay ka banaan yihiin shaqooyin, waxaan howshaas si gaar ah uga talagalnay Ardayda, waana mida maanta loo fadhiyaa fursadaas, waxaan rabnaa haddii dhamaantood wada guuleystaan waa wada qaadanaynaa”ayuu sii raaciyay warkiisa Madaxa shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Telecom.


Madaxa Shaqaalaha Telecom Soomaaliya C/qaadir Cumar C/llaahi oo wariyaasha kula hadlayay xarunta telecom ee Muqdisho ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay Imtixaankan %100 in guul ku dhamaan doono.


Dhinaca kale Axmed Maxamed Jimcaale Ceel Buur oo ka mid ah Macaamiisha Shirkada Telecom ayaa la guddoonsiiyay Kaar Telecom ah oo lagu hadli karo, sidoo kale waxaa jira qofka kale oo degan Magaalada Dhuus Mareeb ee Gobolka Galgaduud kaas oo lagu magacabo Axmed Isxaaq Awaale oo isna ku guuleystay Kaarka Telecom waana qofkii 9 aad ee Kaararka Telecom ku guuleysta.




Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: Somalitalk.com | Dec 16, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS