SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

Minneapolis Somali community facing dark web of murders
They came to escape civil war, so why are they killing each other in the streets? Read More..


Minneapolis (CITYPAGES): Saeed Osman Fahia, the unofficial historian of Somalis in Minnesota, understands the social factors that have led to violence among Somali youth..  Read here...


Beesha Siciid Harti oo Ka Tanaasushay Goosashadii: Northland State of Somalia

Kadib markii ay soo dhawaatay doorashada Puntland, ayaa waxa xarunta Garoowe ka bilowday wadahadalo iyo isku tanaasul, taasoo loogu gogol xaarayo sidii ay u dhici lahayd doorasho xor ah. Isimada jooga Garoowe iyo Cuqaasha beelaha Siciid Harti, ayaa la soo xiriirey hal Abuurayaashii Northland State of Somalia, kana codsaday in ay ka tanaasulaan goosashadii Northland State of Somalia ay ka go’aysey Puntland. Isimada iyo Cuqaasha ayaa sabab uga dhigay tanaasulka, sidii uu Dr. Saleebaan u heli lahaa kursiga Madaxweynenimada.

Dood dheer kadib iyo wadahadal ku dhisan cilmi iyo diin ayaa waxa lagu soo afjaray tanaasul. Tanaasulkaas ayaa waxa sameeyey hal abuurayaashii Northland State of Somalia, uguna hambalyeeyey Dr. Saleebaan in uu ka shaqeeyo in aysan dhicin mardanbe wixii kalifey in la kala gooyo Puntland mardanbe. Musharaxa oo u mahad celiyey Aqoonyhanada Northland State of Somalia ayaa ka balan qaaday in uu wadanka ku soo dabaali doono nabad iyo barwaaqo, kuna tilmaamay tanaasulka mid ehelnimo leh iyo daacad.

Isimada ayaa sidoo kale waxa ay hambalyo u jeediyeen aqoonayhanada Northland State of Somalia waday sida ay uga aqbaleen codsigoodii diyaarna ay ula yihiin in ay la shaqeeyaan, wax kasta oo horumar u keenaya bulshada. Isimada ayaa hadalkoodii ku daray, in taanuslkan uu wax weyn ka bedelayo siyaasada Puntland, korna u qaadeysa Dr. Saleebaan sumcadiisa, maadaama uu ku guuleystay in uu isku keeno Puntland oo sii kala socotay.


Musharax Dr.Saleebaan.

Ugudanbeyntii ayaa Isimadu u sheegeen Aqoonyahanada in ay u fureen wado wanaagsan oo ka turjumeysa sida dadka ka soo jeeda Beelaha Siciid Harti weli isku maqlaan, isixtiraamaan, kala danbeyn jirto, wada tashi jiro, iyo isfarid waajibaadka diinta. Isimada ayaa yiri waxa kale oo aanu doonaynaa sidoo kale in aan ka helno tanaasul uruka SNUM iyo ururada kale ee jira sidii ay u taageeri lahaayeen Musharax Dr.Saleebaan.


Somali Media
Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 16, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS