SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

Minneapolis Somali community facing dark web of murders
They came to escape civil war, so why are they killing each other in the streets? Read More..


Minneapolis (CITYPAGES): Saeed Osman Fahia, the unofficial historian of Somalis in Minnesota, understands the social factors that have led to violence among Somali youth..  Read here...


Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Dhaxe ee Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden ayaa ka qayb galaya fadhiga Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay New York .

Paris 15.12.2008. Wafdi uu hogaaminaya Gudoomiyaha Golahe Dhaxe ee Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya mudane Sharif Hassan Sheikh Aden ayaa xalayto soo gaarey magaalo madaxda dalka France ee Paris.

Gudoomiyaha waxaa safarka ku wehliyay mudanayaasha kala ah Mudane Mohamed Abdi Yusuf, Prof Gaandhi iyo Prof Ibbi, mudanayaashan ayaa ka wada tirsan Golaha dhaxe Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Waftiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa isla saakay kulan balaaran kula yeeshay xaruunta Wasaarada Arimaha dibadda dalka Faransiiska , madax ka socotey Wasaarada Arimaha Dibadda dalka Faransiiska, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaalada arimaha Soomaaliya, isla markaana isku aragti ka wada noqdeen waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dhinac sida ay noo sheegeen masuliyiinta wafdiga Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Dowlada Faransiiska oo ay ciidamo ka joogaan xeebaha Soomaaliya ayaa danaynaysa arimaha Soomaaliya, booqashada wafdigaan ee France iyo kulanka dhaxmarey Wasaarada Arimaha Dibadda Faransiiska ayaa ka garan kartaa sida dowlada France u taageersan tahay dadaalada beesha caalamka iyo ka mira dhalinta sidii uu u fuli lahaa heshiiskii Jabuuti.

Gudoomiyaha Golaha dhaxe Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya mudane Sharif Hassan iyo wafdigii la socday ayaa galabta ka duulay dalka France, iyagoo ku sii jeeda Xaruunta Qaramada Midoobay ee New York (UN Headquarters NewYork), kadib markii ay casumaad ka heleen xafiiska Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya, si ay goob joog uga ahaadaan shirka maalinta berito oo Talaado ah taariikhduna tahay 16.12.2008, looga hadli doono Arimaha Siyaasada, Burcad Badeedka iyo Arimaha Bini aadanimada Soomaaliya.

Sida aan warar rasmi ah ku helnay ayaa sheegaya in marka hore isla xaruuntaas ku shiri doonaan International Contact Group on Somalia, shirkaana waxaa gudoomin doono Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane Axmed Wallad Abdalla, waxaan ka soo qayb gali doono madax sar sare oo ka socda caalamka darajadooduna tahay ilaa heer Wasaarad Arimo dibadeed, iyadoo Axmed Wallad Abdalla uu kaga warami doono xaalada Soomaaliya inta aysan xubnaha Contact Group-ka wax isla meel dhigin.

Xubnaha Contact Group waa: Burundi, Canada, Djibouti, Egypt, Ethiopia, France, Germany, Italy, Kenya, Norway, Saudi Arabia , Sweden, South Africa, Tanzania, Uganda United Kingdom, USA, Yemen, African Union, European Union, European Commission, League of Arab States, IGAD, Organization of Islamic Conference.)

Marka uu fadhigaas dhamaado ayaa waxaa la hortagi doonaa Golaha Amaanka oo hadlaya arimaha Burcad badeedka Soomaaliya maalinta berito, waxaan la filaayaa in fadhiyadaasi ay ka soo baxaan go’aamo ama qaraaro ku saabsan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa iyana Golaha Amaanka QM codsi ku saabsan in ciidamada Amison ee Soomaaliya jooga lagu badalo ciidamo ka socda Qaramada Midoobay hor dhigi doono Mr. Jean Ping oo ah (The Chairperson of the Commission of the African Union (AU).

AU ayaa ka welwelsan marka ay ciidamada Ethopia ka baxaan asbuucyada soo socda dalka Soomaaliya, waayo waxaa cad in ciidamada ka socda dalalka Burundi iyo Uganda aysan sii joogi karin Soomaaliya hadii aan la helin ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo dhan 8000 oo askari, badala ciidamada Ethopia ee dalka Soomaaliya sharci darada ku soo galay,madaama heshiiska Jabuuti dhigaayo in ciidamada Ethopia dalka Soomaaliya uga baxaan 120 gudahood, qodabkaas oo muhiimad gaar ah u leh Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya in la fuliyo.

Waxaa la filayaa inay ka soo baxaan shirarkan go’aamo waxtar u leh dalka Soomaaliya, isla markaana Golaha Amaanka ee QM uu qaadan doono kaalintiisa ku aadan wax ka qabashada dhibaatada ka taagan Soomaaliya ayay wafdiga Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya aaminsan yihiin, waana sababta ay shirka uga qayb galayaan, si ay caalamka ugu qanciyaan hadii ciidamada Ethopia dalka Soomaaliya laga saaro ay isbadali doonto xaalada guud ee Soomaaliya.

Dowlada ku meel gaarka ee Soomaaliya ayaanan la ogayn cida uga qayb galaysa shirarkan madaama khilaaf ba’an ka dhax aloosan yahay.

W/D: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf

mrsomalia@hotmail.com

London

Faafin: Somalitalk.com | Dec 16, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS