SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Axmed Cali Xaashi oo sheegay inuu Mar labaad isu taagidoono Xilka Gudoomiyenimo ee Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa la sheegay inuu qorshaynayo isii uu Mar labaad uga dhex muuqan lahaa Golaha Baarlamaanka Puntland, Mr Xaashi ayaa laga soo xigtay inuu sheegay Natiijada uu ka qabo inuu Mar labaad Hogaamiyo Baarlamaanka Puntland, taasi oo lagu Sifeeyay Hashiis Hoose oo ka dhexeeya isaga iyo Gen- Cade Muuse.

Axmed Cali Xaashi oo haatan ku sugan Magaalada Hadaaftimo ee G/Sanaag ayaa ay sheegayaan Ilo wareedyo muhiim ahi inuu Isa sharaxaadiisa ka danbeeyo Madaxwayne Cade Muuse oo doonaya inuu u Olaleeyo si uu ugu soo baxo Mar labaad Hogaaminta Puntland, taasi oo dhabar jab wayn ku ah Musharaxiinta la Tartamaya Cade Muuse iyo dhamaan shacabka Puntland oo ka soo Horjeeda Siyaasada Cade Muuse.

Axmed Cali Xaashi ayaa la sheegay inay Cade Muuse Kulan Qarsoodi ah kuwada yeesheen Magaalada Garoowe Horaantii Bishii Octobar kulankaasi ayaa la sheegay inuu Cade Muuse Gudoomiyaha u soo bandhigay inuu isa sharaxo isla markaana Dadaal dheer u galo sidii uu Cade Muuse ugu Bixilahaa Madaxwaynanimo Puntland, wararka ayaa sidoo kale Xaqiijinaya inuu Axmed Cali Xaashi taasi ka aqbalay.

Axmed Cali Xaashi oo inta badan lagu eedeeyo inuu u Xagliyo dhanka Cade Muuse oo ay isku dhawyihiin dhanka Siyaasada iyaga oo wax badan oo la tilmaamay inay saaxiib dhaw ka yihiin dhanka Siyaasada Puntland, walaw, ay mar isku Khilaafeen dhaqaalaha Gobolka balse ay markii danbe Hashiiyeen.

Cade Muuse ayaa laftigiisu haatan wada Abaabul uu doonayo inuu ku hanto Hogaanka Puntland isaga oo Haadan Safaro ugu Maqan Banaanka Dalka, Cade Muuse ayaa had iyo Jeer sheegaya inuu qabtay waxyaalo badan balse taasi ayaan laga dhex Arag Gudaha Maamulka Puntland.

Jaamac Feyte, Bosaaso-

Xildhibaan Federaalka ah oo Hogaanka Puntland isu Taagay

Siciid Xasan Shire oo ahaa Siyaasiyaasi Somaliyeed ayaa maanta sheegay inuu isu taagay Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Puntland,waxana uu sheegay inuu Amaanka Pl xooga saaridoono Siciid Xasan Shire ayaa dhanka kale xusay in Pl u baahantahay in laga dhaliyo Amaan iyo Cadaalad isla markaana shacabku ay doonayaan Nin Hagi karaya.

Dec,08,2008- ayaa Siciid Xasan Shire Iska Casilay Xildhibaanimadii Dawlada Federaalka Somaliya isaga oo Taasi sabab uga dhigay inuu yahay Musharax u taagan Hogaanka Pl, Siciid Xasan Shire oo Shir saxaafadeed ku qabtay Hoyga uu ka deganyahay Magaalada Bosaaso ayuu sheegay in Maanta laga Bilaabo uu ka Tanaasulay Xubintii Baarlamaanimo ee DFS isla markaana uu ku Biiray Musharaxiinta u Loolamaysa xilka Madaxtnimo ee Pl marka lagaadho Horaanta 2009.

Musharax Siciid Xasan Shire ayaa kulan wareedkaasi uu qabtay ku sheegay in hadii la doorto uu ugu horayn Puntland ku xukumidoono Kitaabka Alle isla markaana aanay marnaba ogolaandoonin in wax Dastuur la yiraahdo lagu dhaqo Puntland, Siciid Xasan Shire waxa uu ku cel celiyay inuu Hubo in la dooranyo mar hadii aan ku dhaqayo Puntland Diinta Islaamka iyo Kitaabka Alle.

"Aniga Musharixiinta waxaan Kaga duwanahay waxaan Puntland ku dhaqayaa Kitaabka Alle isla markaana marnaba ma yeelidoono wixii ka Leexsan diinta Islaamka, iyada ayaan ku dhaqaya Puntland, sidoo kale waxaan xooga saarayaa ka shaqaynta Amaanka aniga oo la dagaalamidoono Budhcad Badeeda waxaan Xakaymandoonaan Tahriibta"Ayuu Yiri Siciid Xasan Shire.

Wariyaasha ayaa Waydiiyay Su"aal ah ma taageersantahay Gudiga Cade Muuse Magcaabay dhawaan"ayaa Yiri"Maya aniga waxaan Taageersanhaya qofkasta oo wada danta dadka iyo Dalka Nina Garabka saarimaayo waxaan la shaqaynayaan qof Alaale oo wada Hormar iyo Cadaalad.

Musharax Siciid Xasan Shire ayaa sidoo kale ka Jawaabay Su"aal ahayd hadii lagu dooran waayo Maxaa kuu qorshaysan waxa uu Yiri" Waan hubaa in laydooranyo waayo waxaan ahayd Musharaxa kaliya ee sheegay inaan diinta Islmaaka iyo Kutubka Alle wax ku dhaqayo dhamaan Xildhibaanadu hadii ay yihiin aqoonyahno way i dooran.

Musharax Siciid Shire waxa uu kaloo dhanka kale ka hadlay Khilaafka Dawlada Somaliya isaga oo sheegay inuu Markii uu ahaa Xildhibaanka Dawlada Federaalka Somaliya uu jeclaa markasta in laga shaqeeyo Nabada isla markaana Dalka laga dhaliyo Amaan.

Masuulkan isu taagay Hogaanka Pl ayaa dadka siyaasada Odaraseeyaa waxay ku sheegayaan inuu yahay Nin aqoonyahan isla markaana Pl ka dhalin kara Is Bedel.

Siciid Xasan Shire ayaa mar noqday Wasiirka Dibu dejinta Dawlada Federaalka Somaliya, isaga oo sidoo kale Noqda wasiir Xigeenka Horomarinta Reermiyiga ee Dawlada Somaliya, isaga oo lagu Tirin jiray inuu ahaa nin u adeega shacabka Somaliyeed.

Jaamac Feyte
Bosaaso

Faafin: SomaliTalk.com | December 9, 2008

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS