SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xasan Cali Isaaq oo loo helay dhaqtar qaliin dibada ah

Xasan cali isaaq oo ah nin somaliyeed oo la ildaran buro wejiga ku faaftay ayaa wuxuu caawinaad ka helay hay.aada cogwo iyo Cabdi Muuse Maaxaay oo iskaashaday waxaa u suurta gashay in loo qaado isbitaal ku yaal dalka kanya Magaaladiisa Nairobi



Xasan Cal Isaq oo la ildaraa nabar weyn oo daanka iyo wejiga ku faafay ayaa waxaa u suurta gashay isaga iyo walaalkii in loo qaado wadanka dibadiisa si wax looga qabto nabarkaan haayey mudo lixsano ka badan walaalkii Jeele Cali Isaaq ayaa ii sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin gurmadaka ay u sameeyeen gabdho joogo dalka maraykanka oo ka bixiyey qarashka diyarada iyo weliba cabdi Muuse Maaxaay oo ay sheegeen in aysan weligood ilobi doonin abaalka uu u galay iyo sida uu ugu muujiyeye wadaninimo dheeraad ah iyaga oo intaa raaciyey in aysan weligood habeena ku seexan maalina ku waabarisan in ay helayaan qof isaga oo kale ah



Xasan Cal Isaq isha buro uga soo baxday ayaa isaga oo taahaya waxaa laga saaray garonka adan cade international waxaana la socday walaalkii si uu ugu adeego inta uu ku jiri doono dhaqtarka

Sahro maxamed ahmed oo ka tirasan hay.aadda cogwo ayaa ka warbixisay waxayna sheegtay xaaladiisa in ay la socon doonaan sidoo kale cidii wax ku tabarucayna ay u soo marsiiso hayada waxayna ka dayrisay dhaqaalo la.aan la soo daristay ka dib markiifiiso lo helay tikidkina laga bixiyey waxayna intaa ku dartay in isbitaalka iyo qaliinkuba ay yihiin lacag la.aan balse ay u baahan yihiin bukaanka iyo wiilka la jogo inta ay ku jiraan kitaabo hosbitaal ee magaalada Nairobi xasan Cali isaaq ayaa mudo lix sano iyo ka badan uu haayey nabarkani wuxuuna sheegay in markii hore meel badiye ah jeed uu goynayey firir ka soo duulay uu u geystay dhaawac mudo ka dibna ay infaction ku noqotay Qatar ku heyso noloshiisa

Wuxuuna jeelle sheegay in hada walaalkii Xasan uu dhago beelay xanuunk ahaayo dartii isla markaana uu sariirta ku egyahay oo aanu laheyn wax ka soo ronaansho ah isaga oo intaa ku daray in ay dhaqaatiirtu u sheegeen in aan wadanka gudihiisa waxba looga qaban Karin wuxuuna jeelle intaa ku daray in dhowr jeer qaliin lagu sameeyey balse ay ka sii dareyso halkii qalin lagu sameeyoba ,

Jeelle Cal Isaq wuxuu sheegay in ay reerkoodu ka daaleen daaweynta .la tacaalida iyo dhaqtar geynta Xasan Cali Isaaq buradiina isha qarisay Jeelle ayaa sheegay in reerkoodu hada ay u bandhigayaan umadda somaliyeed oo uu ka dhashay wixii ay u tari karaan
hay.addaha gargaarka iyo samo falayaasha iyo cidii dhibkiisa wax ka qaban karta Wuxuu ahaa reer baadiye xolaley ah jugtaa ayuuna sababsaday

ugu danbayntii Xasan Cal Isaq wuxuu joogaa dalka ugaanda maalmaha soo socdana wuxuu garidoonaa dalka kanya oo loogu diyariyey dhaqaatiirtii qaliinka ku sameyn laheyd cidii wax ku tabarucaysan hakala xiriirto xafiiska cogwo ee dalka kanya Magaadiisa Nairobi

suurta galinta arintaa ayaa waxaa gacan weyn ka geystay website yada www.qaranimo.com iyo www.dayniile.com www.somalitalk.com .www.waagacusub.com ka dib markii ay caalamka u bandhigeen dhibka heysta Xasan Cal Isaq waxayna u mahadceliyeen dhamaan intii gacanta ka geysatay dhamaan waxaana la rajeynayaa in isaga oo caafimaad qaba uu ku dalka ugu soo laaban dooni inshaa a.laah


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | December 7, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS