SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
06 December 2008.

Waxyeelooyin cadawgu ugaystay dad shacab ah

Laanqayrta Cas oo ka digtay xaaladda Geeska Afrika

Shir kadhacay Lexington ,Nebraska -usa

Madaxwayanaha DFK Somalia oo baydhabo kadagay

Barnaamijkeenii N/huraha dhaartay iyo dhacdooyinka joogtada ah(N/hurto Ardo Maxamed)


======================



Waxyeelooyin cadawgu ugaystay dad shacab ah

Cidammada gumaysiga Itobiya ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwayne rayd ah oo ku kala sugan meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah. Waxyeellooyinkaasi waxay u dhaceen sidatan;

23/11/08 Dusmo, oo Awaare ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen 3 qof oo shacab ah oo kala ah;
1- Bisle Jaamaca bakayr
2- C/nuur Maxamed Mataan iyo
3- Raxma Axmed basey, oo ay iyada la tageen.

22/11/08 magaalada Dannood waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen 44 qof oo shacab ah. Dadkan, oo aan magacyadoo dib idiinka soo sheegi doono, ayaa la sheegayaa inay ciidammada gumaysigu xukumeen.

19/11/08 Garbo waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah
1- Fahiimo Sh Cali
2- Jarane Cali-yare iyo
3- Maxamed Diini Sh Maxamed

18/11/08 Higlaale waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen 4 qof oo shacab ah, oo kala ah;
1- Axmed Mataan, oo 80 jir ah
2- Ina Axmed Mataan oo magaciisa aanaan haynin iyo
3- Cali cabdi Aw Isaaq

17/11/08 Sasabane waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen labo nin oo shacab ah oo lagu kala magacaab Xuseen-Dheere iyo Garas oo magacyadooda oo buuxa aanaan haynin.

Isla 17/11/08 magaalada Wardheer waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen gabadh lagu magacaabo Nasro Maxamed Khaliif.

30/11/08 Aftinta, oo Awaare ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku gubeen 3 Aqal oo ay kala lahaayeen;
1- Maxamed Muuse Axmed. Ninkan waxay sidoo kale ka dhaceen 400 oo Bir
2- Axmed Muuse Axmed iyo
3- Jinow Xasan Xuseen

Laanqayrta Cas oo ka digtay xaaladda Geeska Afrika

Ururka Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa si wayn uga digtay in gobolka Geeska Afrika uu qarka u saaran yahay macaluul ba’an oo la soo darista, haddii xilli roobaadkan ayna dalagyo macquul ahi ka soo go’in Beeraha.

War ka soo baxay Dallada Guud ee Laanqayrta iyo Bisha Cas ayaa lagu sheegay in dhibaato ba’an ay ku soo fool-leedahay gobolka Geeska Afrika, haddii xilli roobaadkani uu noqon waayo mid si fiican loogu doogsado.

Warkan ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ayna raashiin ku filan gaadhsiinin meelaha ay Abaaruhu sida daran u waxyeelleeyeen, sidaas darted ay Laanqayrta Cas billowday inay xoojiso hawlgalladeeda gobolka la xidhiidha, sidaas waxaa lagu sheegay war-murtiyeedkan, oo laga soo saaray magaalada Warso ee dalka Poland, halkaasoo uu ka socdo shir lagaga hadlayo Is-beddalka Cimilada adduunka.

Cuntada gobolka Geeska Afrika ayaa si wayn hoos ugu dhacay, ka dib markii uu wax soo saarku is dhimay, isla markaana sicir bararka adduunka ka jira uu saamayn xun ku yeeshay gobolka.

Bishii Sebtember waxay Qaramada Midoobay sheegtay in qiyaastii 17 milyan oo qof oo ka mid ah dadyowga ku dhaqan gobolka Geeska Afrika ay baahi ballaadhan u qabaan gargaar degdeg ah, balse deeq bixiyayaasha caalamku ay ilaa iyo ku deeqeen kala badh lacagihii ay Qaramada Midoobay ka codsatay.

Laanqayrta Cas waxay sheegtay inay u diiwaan gashan yihiin ilaa iyo 600,000 oo qof oo intooda badani ay ku nool yihiin Ogaadeenya, kuwaasoo ay noolashoodu si toos ah ugu xidhan tahay gargaarka, isla markaana aan haysanin wax kaloo ay ku noolaadaan.

Ururka Laanqayrta Cas wuxuu sidoo kale sheegay inuu qorshaynayo inuu cunto u fidiyo, Ceelalna u qodo qiyaastii 400,000 o qof oo ku dhaqan dalalka Jabuuti, Soomaaliya iyo Kenya .

Shir kadhacay lexington,Nebraska -usa

Maalintii ay taariikhdu ahayd 11-29-08 ayaa waxaa shir balaadhan isugu yimid Jaaliyadda Ogadenia ee Magaalada Lexington, Nebaraska ee dalka Marayknaka.

Shirkan oo looga wada hadlayeyy la'isagana warbixinayay xaalada guud ee Ogadeniya iyo dhibaatooyinka ka baxsan bani'aadamnimada ee ay Xukumada Itoobiya ku hayso Shacabka Ogadeniya, ayaa waxaa isugu yimid guud ahaan Jaaliyadda magaalada Lexinton iyo waliba masuuliyiin ka soo kicitimey Magaalooyinka Mataanaha ah ee Gobolka Minnesota, mas'uuliyiintaas oo ay ka mid ahaayeen Mohamed Ahmed Daahir, Marwo Haweeya Xirsi Mahad iyo Cumar Maxamed Aaden

Mas'uuliyiintii ka socotey Gobolka Minnesota ayaa mahadnaq balaadhan kadib dadweynihii halkaas isagu yimid uga warbixiyey xaalada ay mareyso halganka shacabka Ogadeniya ugu jiro aayo katashigiisa. Waftiga reer Minnesota waxay dadweynihii shirka isagu yimid uga digeen in ay ka digtoonaadaan Gumeysi kal-kaalka. Waxaa iyaguna halkaas ka hadley dadweyne badan oo aad u qiireysnaa. Kuwaas oo aad wejiyadooda ka akhrisaneyo cadhada ka haysa Xukumada Itoobiya.
Shirkan oo socdey qiyaastii mudo 7 saacadood ah ayaa ku dhamaadey jawi heer sare ah

Madaxwaynaha DFK Somalia oo baydhabo kadagay

Baydhabo(AllPuntland)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo duhurnimadii maanta ka soo duulay Magaaladan Jabuuti ayaa diyaaradii siday ay caga dhigatay Magaalada Baydhabo ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed waxaa siweyn ugu soo dhaweeyey Magaalada Baydhabo mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Magaaladaasi iy dadweyne fara badan.

Amaanka Madaxweyne Yuusuf ayaa aad loo adkeeyey maanta, waxaana la xiray inta badan wadooyinka soo gala Magaalada Baydhabo, waxaana amaanka adkeeyey ciidamada qalabka sida ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Yuusuf ayaa bilaabay kulamo kala gedisan oo uu la leeyahay gudoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna kala hadlayaa xaaladaha qalafsan ee ka taagan gudaha dalka Soomaaliya, siiba khilaafaadka dhinaca Sharciga ah ee ka taagan Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 6-dii saacadood ee lasoo dhaafay joogay dalka Jamhuuriyada Jabuuti, waxa ayna kula kulmeen dalkaasi Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kala hadleen sidii wax looga qaban lahaa dibu heshiisiinta dalka Soomaaliya.

Imaanshaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo ayaa markale ka dhigaya Magaalada Baydhabo, goob xarun ah Siyaasada dalka Soomaaliya siiba waxaa lafilayaa in ay todobaadka soo socda baarlamaanka Soomaaliya yeeshaan kulamo xasaasi ah oo wax looga qabanayo xaaladaha Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Intii ay baarlamaanka Soomaaliya kooramkiisu joogeen Magaalada Baydhabo, wuxuu Madaxweyne Yuusuf usheegay Mudanayaasha baarlamaanka ee waqtigaasi ku sugnaa Nayroobi in ay si deg deg ah ugu laabtaan dalkii Soomaaliya si loo dhiso Xukuumad Qaran.

06 December 2008

Halgan Guuleed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari
 

Faafin: SomaliTalk.com | December 7, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS