SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xafiis Jaaliyadda Yemen Ee Puntland oo Laga Furay Boosaaso.....

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa Maalintii ay taariikhdu ahayd 04/12/2008 waxay ka dhacday Magaalada Bosaso, Waxayna ku saabsanayd Furitanaka Xafiiska Jaaliyadda Yemen Ee Puntland.

Waxaa xafladaan Furitaankeeda kasoo qayb galay, Safiirka Dalka Somaliya u jooga Yemen Safiir Axmed Xamiid Cumar iyo Mas’uuliyiin ka socota DGPL oo uu ka mid yahay Wasirka Xiriirka Caalamiga DGPL awaare iyo Wasiirka Dekedaha DGPL Bangax, Wasiir ku xigenka Kalumaysiga C/wali Gayre, Lataliyaha Madaxweynaha DGPL Mudane Barkhad Cali Saalax, Taliyaha Ciidanka Asluubta DGPL iyo Korneyl Cabdi Yaasiin,

Uguhoreyn waxaa ka hadlay xafladan shekh ka mid ah shuyuukhal qabaailka yemen ee degan Somaliya Gaar ahaan DGPL Axmed Dacar Quraabi, oo kelmado wax-ku-ool ah kasoo jeediyey, sheegayna sida ay ugu farax san yihiin Furitaanka jaaliyadda PL, isla markaasna ka codsaday inay DGPL ay garab istaagaan Maamulka Jaaliyadda iyagoo ka rajaynaya wax wanaagsan.

Waxaa kaloo ka hadlay C/dallah damari oo kasoo jeediyey khudbad qiimo badan oo ku aadan furitaanka Jalaiyadda, wuxuu kaloo u gudbiyey safiirka Axmed Xamid Cumar salaam uu kasocota Madaxweynaha Dalka Yemen Cali C/dallah Saalax, wuxuu kaloo u gubiyey Tacsi dadkii ku dhintay dhowaan fatahaadii roobabka ee dalka qaybo kamid ah ku dhuftay.

Waxaa kaloo ka hadlay Furitaanka Jaaliyadda, gudoomiyaha Jalaiyadda Yemen Ee Puntland Cali Sacid Nasir Debani, isagoo ku taag taagsday arinta jaaliyadda isla markaasna qeexay juhdiga iyo dhibka loo soo maray jaaliyadda iyo qabaa’ilka yemen ee degan DGPL iyo guud ahaan Somaliya oo baahi weyn u qabey furitaanka jaaliyadda yemen Puntland, ayna u rajaynayaan inay ka guul gaaraan waxna ka qabato baahiyaha jira.

Waxaa magarfoonka lagusoo dhoweyey Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah ee DGPL oo sheegay inuu aad iyo aad ugu farax san yahay furitaanka jalayadan uuna rajaynayo in la furo Qusuliyadii oo qabanaysa baahiyo badan oo loo baahan yahay sida fiisooyinka, wuxuu kaloo sheegay xiriirka u dhexeeya labada dal inuu yahay mid soojireen ah isla markaasna xiriir gaar ah ay leeyihiin qabaailka PL iyo Qabaailka Yemen. Wuxuuna intaas ku daray in DGPL ay gacmo furan ku soo dhoweyneyso Jaaliyadda lana shaqayn doonto maalmulka jalaiyadda.

Ugu dambayntii waxaa magarafonka qabsaday Safiir Axmed Xamid Cumar oo sheegay inuu ku mahadinayo allaah Furitanka jalaiyadda oo ay dadaal badan u soo mareen Qabaa’ilka yemen ee degen PL, wuxuu kaloo sheegay in wasiir aware hadalkiisii ahaa qusulka uu wax ka qaban doono, “sida ugu dhaqsaha badan ayaan u Furaynaa Qusuliyadda Yemen Ee PL, wada shaqayn buuxdana ay yeelan doonaan.

Waxaa halkaas ku soo gaba gaboobey furitaankii jaaliyadda yemen pl.
Wixii faah faahin ah kalasoo xariir:
Fuaad Mire Axmed
Tel:252-090738300
E-mail fuaad86@hotmail.com
E-mail calikhadar144@hotmail.com


Afeef: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | December 7, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS