SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Dibad jooga ah oo Loo Doortey Fuaad maxamed Cilmi xaflad Maantey Ka Dhacday Magalada Nairobi .

kulan Balaaran oo ay maanta isugu yimaadaan Suxufiyiinta Dibad (Niarobi) jooga ee ku sugan |

Magalaada Nairobi ee dalka Kenya ayay ku doorteen Gudoomiye cusub kadib markii waqtiga uu ka dhamaaday Hogaankii hore ee suxufiyiintaas ay horey u sameysteen.

Xafaladii Maanta oo ay ka soo qeyb galeen in kabadan Soddon |suxufiyiin ayaa dood dheer iyo falanqeyn kadib ayaa suxufiinta Dibad Jooga isku raaceen la doorto Gudoomiye Cusub oo xubno Cusub oo bedela Gudigii horey u jiray ee ay ku mideysnaayeen suxfiyinta dibad jooga soomaaliyed

Waxaana gudoomiye Cusub loo doortay Md. Fu aad Maxamed Cilmi (Fu aad Deeqsi)

kaasoo cod aqliyad ah ay ugu doorteen Gudoomiyaha Ururka SUxufiyiinta Dibad Jooga ee ku sugan Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.dhamaan saxafiyiintii ka qeyb gashay kulanka.

Guddoomiyaha cusub ee uruurka suxfiyiinta dibad jooga soomaaliyed fuaad maxamed cilmi fuaad deeqsi ayaa halkaas hadal kooban uu ka jeediyay ayuu ku sheegay in looga fadhiyo gudiga la doortey hool baaxad leh ay u qaban doonaan bahada saxafiyiinta ah ee ka soo barkacay dalkooda guddoomiye fuaad ayaa sidoo kale sheegay saxafiyiinta uu mideen doona oo kulamada saxafiyinta ay noqon doonan kulumo joogto ah iyo sidii loo kobcin lahaa aqoontoda saxafadeed wariyaasha soo barkacay

waxaan goobtaasi ka hadalay saxafiiyiin aad u badan kuwaaso u hanbalyeeyay guddoomiyaha cusub ee galabtey lagu doortey magalada nairobi waxaayna balan qadeen in ay la shaqeen doonaan kana qeeb qadan doonaan wax qabashada saxfiyiinta dibad jooga ah

gudoomiye fuaad ayaa sidoo kale sheegay in in dhamaan xubnaha gudiga fulinta ururka saxafiyiinta dibad jooga ah si dag dag ah uu ku soo dhisi doono xubnaha gudiga fulinta ee uruka saxfiyinta dibada jooga ah kaas soo magacaabistisa looga fadhiyo guddoomiyaha cusub ee uruurka suxufiyiinta dibada joog ah xafaladii maantey aya ku soo gaba gaboowday jawi heer saro ah oo aad loogu riyaaqey waxaan saxafiyiintii kulankas ka qeeb gashey ay u hanbalyeeyan guddoomiyaha cusub ee maantey la doortey ee fuaad maxamed cilmi.


Abdirahman Diiriye Nuur.
Nuure1000@hotmail.com
Nairobi Kenya

Faafin: SomaliTalk.com | December 6, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS