SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Isbaarooyin Lagu Arkay Wadada U Dhaxaysa Bardaale Iyo Luuq

Jidgooyooyin gaaraya Ilaa iyo 5 isbaaro oo aan horay u oolin Qeybo ka tirsan Deegaanka Bardaale ee Gobolka Baay ee Degmada luuq aya Burcad hubeysan waxay dhiganayaan inta u dhaxeysa Deegaanadaasi .

Qaar ka mid ah Dadka deegaanka oo aan la xiriirtay ayaa walaac iyo walwal Xoogan ka muujiyay Jidgooyooyinkaasi Hada lagu Arkayo Wadadaasi , Gaadiidleyda oo Nala soo xiriiray ayaa sheegay in ay arkeen Isbaarooyin Badan oo ay Deegaanadaasi dhiganayaan Maleeshiyo beeledka Degaankaasi ku sugan.

Lamana Oga Sababta Rasmiga ahi ee Xiligan kadambeysa in isbaarooyinka Deegaankaasi ay ka soo laabtaan ayadoo sida la ogyahay ay horay uga qaadeen aagagaasi Xoogaag islaamiyiinta ah oo deegaanadaasi bilihii ugu dambeyay isku fidinayay, amuurtan ayaa kusoo beegmeysa xili iminka degaanadaasi ay adeegsanayaan Ciidamo farabadan oo kuwa itoobiya ah kuwaas oo Qaarkoodna ay gudaha u sii galayaan Wadanka halka Qaar badana ay dib ugu laabanayaan Gudaha Dalkooda itoobiya oo haadiidkooda lagu arkayo iyagioo maraya wadadaasi .

Axmed Max’ed Aadan oo ka mid ah Dadka ku Ganacsada wadaaasi ayaa sheegay in jidgooyooyinkaan Todobaadkii ugu dambeyay ay ku arkeen halkaasi.

Inta badan burcada hubeysan ee jidgoyooyinka dhigata wadooyinka Xiliyada ay waayaan waxyaabo ay adeegsadaan ayagoo u isticmaala Qaar ka mid ah Gaadiidka islamarkana lacago baad ah ka qaada .

Waa markii ugu horeysay oo jidgooyooyin lagu arko wadadaasi Tan iyo labadii bilood ee ugu dambeysay xiligaasi oo deegaanadaasi ay howlgalo ka wadeen Xoogaga Islaamiga .

Max’ed Gaarane Aadan
Baardheere/Gedo

Faafin: SomaliTalk.com | December 4, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS