SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mushaxriinta Puntland oo wali ku kulansan Garoowe iyo Cade Muuse oo wali ku adkaysanaya Gudiga doorashada

Musharaxiinta ayaa aad uga soo horkeeda Gudiga uu dhawaan magcaabay Madaxwayana Musharaxa ah ee Cade Muuse iyada oo la sheegay inay gudigaasi ku jiraan rag ay qaraabo yihiin Cade Muuse iyo waliba kuwa xilal ka haya maamulka Puntland, Mushaxriinta ayaa wali waxay wadaan kulamo ay la leeyihiin Isimada Puntland kwuaasi oo kala xaajoonaya sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafkaasi.

Gudigaasi khilaafka keenay ayaa ka kooban 5- xubnood iyada oo la sheegay inay dhamaantood yihiin kuwa Hasiisyo hoose la galay Gen- Cade Muuse si uu mar labaad uga dhex muuqdo Siyaasada Puntland taasina waxay dhabar ku tahay Musharaxiinta, dhawaan ayaa khilaafkaasi waxa ka hadlay Madaxwayana Dawlada Somaliya C/laahi Yuusuf oo haatan ku sugan magaalada Garoowe waxana uu si cad u sheegay inay xaq u leeyihiin Magcaabida gudi doorasho hogaanka Puntland ee wakhtigan talada haya.



Mushaxtiinta ayaa iyana si adag ganafka ugu dhuftay in dhaqaalaha Gobolka ay si maamulaan masuuliyiinta Puntland iayaga oo ka degay in dhaqaalaha xukuumada in doorashada socoto loo is ticmaalo dano gaar ah, laakiin Cade Muuse ayaa marnaba taasi yeelin isaga oo wali ku adkaysanaya inay gudiga doorashadu yihiin xalaal.

Khilaafkaas ayaa keeni kara inay dib u dhacdo Doorashada Puntland ee la sugayo dhawaan hadii aan xal waara loo helin arimaha keeni kara hagad doorasho, Mushaxriinta qaarkood ayaa si xun uga cadhaysan in Cade Muuse mar labaad hogaamiyo Puntland, iyada oo lagu tilmamaay mid uu ku fashlimay hogaanka Puntland.

Puntland waxay ka Lulataa jar khatar ah hadii aan la helin Is Bedel" Eng Siciid Maxamed Raage

Musharax Siciid Maxamed Raage oo ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxtinimo ee Puntland ayaa ka dhawaajiyay inuu xooga saaridoono hadii uu guulaysto ka shaqaynta Amaanka. Eng Siciid Maxamed Raage oo haatan olalihiisa doorashada ka wada Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka \Bari ayaa shir saxaafadeed uu qabtay ku sheegay inuu amaanka puntland ka dhigayo mid Nabdoono hadii la doorto.

Siciid Maxamed Raage oo shir ku qabtay Hoyga uu ka leeyahay Magaalada Bosaaso ayaa sidoo kale faah faahin ka bixiyay waxyaalaha keenay inuu isa sharaxo waxana uu taasi ku tilmaamay codsi uga yimi dhanka Shacabka puntland oo cadaadis ku saaray inuu ka mid noqdo Musharaxiinta Maamulka Puntland, musharaxan ayaa dhanka kale sheegay inuu xal u raadinayo Budhcad Badeed waxana uu yiri" Budhcada waxaan ku samayn dhaqalin Cilis waxaan u abuurayaa shaqooyin say isaga daayaan Falkaasi Foosha xun, Xukuumadaydu waxay Shaqooyin siin dadka shaqa La"aanta ah sidoo kale dhanka caafimaadka ayaa xooga saarayaa" Ayuu Yiri Siciid Maxamed Raage.

Musharax Siciid Maxamed Raage ayaa waxa uu ka dhawaajiyay inay Puntland ka lulato Jar khatar ah isla markaana loo baahanyahay Is bedel dhab ah oo keena mid loo wada Bogo, siciid Maxamed Raage waxa uu ka dhawaajiyay in xukuumada haatan jirtaa ay ku fashilantay wax ka qabashada Amaanka isaga oo xusay in shacabku doonayaan is bedel dhaqaale iyo mid Siyaasadeed oo dhab ah.

Musharax Siciid Maxamed Raage oo ka mid ah Siyaasiyiinta miisaanka wayn ku leh Maamulka Puntland ayaa mar noqday wasiirka dekedaha iyo Kalluumaysiga ee Puntland isaga oo markii danbe xilkaasi iska casilay sabab uu ku sheegay markaasi wada shaqayn la"aan soo kala dhex gashay isaga iyo Hogaanka Sare ee Puntland, Siciid Maxamed Raage sidoo kale ayaa dadku sheegayaan inuu intii Jagadaasi hayay uu wax wayn ka qabtay la dagaalanka Budhcad badeeda iyo Jariifta doonayaha shi sheeya.

Musharax Siciid Maxamed Raage ayaa mudo ku maqnaa dalka dibadiisa isaga oo kulamo la soo qaatay Jaliyadaha dibada ee Reer Puntland waxana uu kala tashaday Masiirka danbe ee Puntland iyo sida looga dhalin karo Nabad.


Jaamac Feyte
Garoowe

Faafin: SomaliTalk.com | December 4, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS